Siminaar
ku saabsan Gudniinka Furcooniga oo la gu
qabtay Machadka caafimaadka ee Gobolka
Sool (SIHS) + Daawo Sawiro

Laascaanood (Longlivesomaliland
News)-Siminaar socday mudo laba maalmo od ah ayaa lagu qabtay
Machadka Caafimaadka Gobolka. SIHS (Sool Institute of Health
Science) siminaarkan ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan Nur
singa gobolka iyo Umuliso dhaqameedyo fara badan casharada
siminaarka oo ay bixinayeen Macalimiin ay soo tababareen Urur
weynaha ay ku bahoobeen dhamaan Nursing gobolada somaliland oo
fadhigoodu yahay magaalada harg aysa Somaliland Nursing and
Midwifery Association
Siminaarka ayaa lagu qaadanayay casharo aad u muhiim oo ku saabsan
sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka lagu hayo hablaha da,yarta
ah gaar ah aan dhinaca Gudniinka oo inta badan awooda la saaro
sidii loo joojin lahaa gu dniinka aan sharciga iyo diintaba
meel kaga jirin ee lagula kaco hablaha soo maaliyed meel kasta
oo ay joogaan.
siminaarka ayaa waxaa furitaankiisii kasoo qayb galay madaxda
caafimaadka iyo ta gobolka sool oo ay ugu horeeyaan Gudoomiye ku
xigeenka Gobolka so ol maxamed cabdo Dhinbiil ahna ku simaha
Gudoomiyaha gobolka Agaasimaha Isbitaalka Laascaanood Mr. Yuusuf
Saleebaan Cali iyo madax kale, iyagoo ka soo jeediyay hadalo ku
wajahan arimaha Gudniinka.
sidoo kale waxaa halkaas iyana Firfircooni dheeraad ah muujiyay
macalimiinta Machadka Caafimaadka gobolka sool oo iyagu qayb libaax
leh ka qaatay sidii casharadan xil la isaga saari lahaa oo ay
hormuud ka ahaayeen Cabdiaxman Maxamuud cali Cadbi Ruush iyo Aamina
Xuseen Xassan.
Ugu danbayntii siminaarka ayaa lagu soo afjaray sidii dhamaan ka
qayb gala yaashan ay ugu faa,iidayn lahaayeen dadkooda
eheladooda uguna gudbin lahaayeen sidii looga hortagi lahaa
Gudniinka khaldan ee aafeeyay shacabka deegaanka iyo inay ugu horayn
iyagu ku dhaqan galaan si dadweynuhu ugu daydo.
Ciise Cabdisamed Axmed
Longlivesomaliland News Desk
laascaanod office Somaliland
|