Siduu u dhacay booqashadii Gudoomiyaha Gobolka Gabiley uu kumarayay Dalka Sweden maxaase u qabsoomay

 

Waxaa khamiistii 2/9 booqasho ku yimid casimada Sweden ee Stockholm godomiyaha Gobolka Gabilay Mudane Mohamed Ahmed Awabdi ”Xabiib”.

Guddoomiyaha waxa Safarkiisa ku wehelinayey Guddoomiyaha Jamacada Gabiley isla markaana ah wakiil Sweden u jooga gudida horumarinta gobolka Gabiley Mudane Dr Cismaan Aw yusuf Magan.

Waftigu intaanu iman caasimada waxay kulamo la soo yeesheen jahliyadaha Skellefteå Iyo Umeå halkaas oo ay warbixino iyo isxogwareysi ku kala qaateen somalilanderka goboladaa.Waftigu waxay si qote dheer uga warameen xaalada dalkii guud ahaan iyo ta gobolka gaar ahaanba.Waftigu waxa ay lakulmeen masuuliyiin ta xukuma goboladaa oo muujiyey in ay xiiseynayaan in ay isbarbar taagi doonaan horumarinta gobolka madaama gudoomiyuhu yahay shaqsi isagu hore u daganaa.

Waftiga Markii ay yimaadeen caasimada waxaa goobtii shirka ku soo dhaweeyay dadweyne aad u badan iyo madax sare oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Dalada Guud ee Jaaliyadaha Sweden Mudane Zakarie H Waes oo uga xog waramey xaalada guud ee dalka iyo dadkaba
.Waxa Isna si xurmo iyo dowladnimo ku dheehan tahay ku soo dhaweeyay wakiilka Somaliland u fadhiya dalkan Sweden Mudane Aidarus Sh Adan.

Waxa sidoo kale ka hadlay goobtaas Dr. Magan oo si cilmiyeysan uga waramay Jaamaca cusub ee Gabiley, waxana dadkii halkaas joogay uu ka codsaday in sidii ay gacanta weyn uga geysteen hawlaha samafalka ee laga hir geliyey Somaliland ay sidoo kale uga qayb qaateen tan Gabiley maanta, arintaas dadkii way u qushuuceen waxana ay balan qaadeen in ay kaga qayb qaadan doonaan arin iy adduunba.

Mudane Mohamed Habiib waxa uu dadweynihii goobta isagu yimi u soo gudbiyey salaan uu uga sidey bulsha Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, sidoo kale waxa uu si qoto dheer ugaga war bixiyay xaalada guud ee dalka iyo gaar ahaan gobolka Gabiley,Mudane Xabiib waxa uu ka mahad naqay sida qiimaha iyo qadarinta muden ee loo soo dhaweeyay waftiga uu hogaaminayay.

Boqashada gudomiyaha iyo waftigii la socday waxaa lagu soo gunaanaday casho sharaf uu . wakiilka somaliland ee Sweden Mudane Aidarus Sh soo abaabulay.

Waftigu waxay isla habeenimadkii u gudbeen Gobolada Jönköping iyo Göteborg oo ay kula kulmeen Jaaliyadaha somaliland halkaas oo uu ugu diyaar ahaa Wakiil ku xigeenka Sweden isla markaana ah xoghayaha guud ee dalada mudane Hussen Wadadyare.

Waftigu waxa ay ka heleen martiqaad rasmi ah degamada Vaggeryd ee dalka Sweden halkaas oo Ay kula kulmeen soo dhoweyn heer sare ah, waxana la dejiyey hotelka ugu weyn degmadaas oo La dejiyo madaxda sare ee soo booqata degmada Vaggeryd oo ah magaalada ugu shaqada badan Dalkan Sweden.

Isla maalintii ay gaadheen magaaldaaas waxa ay guddo galeen hawlihii ay u socdeen waxana ay shir qaatay muddo saddex saacadood ah ah la galeen masuuliyiinta degmada Ee oo uu hor kacayo Mayorka Degmada Mudane Bengt Dahlvist iyo ku xigeenkiisa Mudane Berry Lilja waxana gebagebadii shirkaas la isla gartay in labada degmo Gabiley iyo Vaggeryd ay Yeeshaan xidhiidh joogto ah isla markaasna mustaqbalka la mataaneeyo waxana arintaasi ku dhamaatay jawi is afgarad,waxa halkaas goob joog ka ahaa Wakiil ku xigeenka Somaliland Mudane Hussein Wadadyare, Guddoomiyaha dalada Guud ee Sweden Mudane Zakaria iyo Guddoomiyaha guurtida Sweden Mudane Abdikarim Ali Jama ( Alhamdu).

Isla maalintii ku xigtay waxa Wafdigu la kulmeen xubin sare oo ka tirsan gollaha deegaanka ee Jönköping Mudane Pelle waxana ay isla soo qaadeen arimo badan waxana la isla gartay in Degmada Jönköping qayb weyn ka qaadato kobcinta dimqraadiyada Somaliland.

Isla maalintaas Waxa ku booqday hotelka uu wafdigu deganaa Mudane ka tirsan aqalka gollagaha wakiilada oo La yidhaahdo Thomas Strand kana tirsan xisbiga ugu taageerada badan dalka Sweden, muddanuhu waxa uu wafdiga u sheegay in uu la dhacsan yahay siyaasada wanaagsan ee ku hogaaminayo Mudane Daahir Rayaale Kaahin, imaatinkii uu Madaxweynahu yimid Sweden oo uu kula kulmay gabadha noo qaabilsan arimaha debeda Murwo Carina Hägg ay wax weyn ka bedeshay siyaasada Sweden ee ku aadan Somaliland.

Waxana uu hoosta ka xariiqay in uu dawlada hadda talada haysa ka codsan doono in Somaliland laga caawiyo xaga dhaqaalaha iyo Xaga siyaasadaba. Sidoo kale waxa uu u sheegay in ay qorshayn doonaan booqasho ay ku yimaadaan dalka Somaliland.

Wafdigu waxa ay u gudbeen intaas ka dib caasimada labaad ee Sweden ee Göteborg waxana ay kala kulmeen soo dhoweyn heer sare ah oo ay qabanqaabiyeen jaaliyada Somaliland ee Göteborg oo uu horkacayo guddoomiyahoodas Captan Ali Mahamed iyo ku xigeenkiisa Mudane Abdisalan Wafdiga waxa ay isla habeenkii u gudbeen dalka Norwey caasimadiisa Oslo.

Tvsle