Sideed Macalin oo Muddo u Dhaxaysa Laba ilaa Todoba Sa nadood, Bilaa Mushahar Ku Dhigayay Dugsiga Sare ee Timacade,Gabiley

 

Macallin: Maxamed Arts

 

“Laakiin waxaan aamin sanahay inaan muwaadin ahay Dalka u dhashay, oo gudanaya waajibkii iga saarnaa… , ” Macalin Maxamed Arts.


Gabiley (TNN):- Sideed Macalin oo ka mid macalimiinta dugsiga sare ee Timacadde ayaa dugsigaasi ku dhigayay mudo u dhaxaysa todoba  ilaa iyo labbo sanadood bilaa mushar dawladeed, ku waasi oo sheegay inay intaasi oo dhan rajo ka qabeen sanad kasta bilaw giisana lagu yidhaahdo bisha lixaad ayaan idinku dari doonaa macalimiinta dawlada, bisha lixaad markay gaadhona loo she egaa in miisaaniyada sanadka danbe lagu dari doono.

Maxamed Maxamuud Axmed (Maxamed Arts) oo warbaahinta u waramayay ayaa sheegay inay W asiirka Waxbarashada ee dawladan iyo tii horeba la xidhiidheen markastana ku qanciyaan inay la xidhiidhaan Gudoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Gabiley, kaasi oo isna ku qanciya inay sugaan bisha lixaad ee sanadkasta marka uu bilawga yahay, marka bishii la gaadhona in lagu dari doono miisaaniyada.

Macalimiinta muddada dheer bilaa gunada ahaa ee wax ka dhiga dugsiga sare ee Gabiley ayaa wa xay kala yihiin Maxamed Maxamuud Axmed (M. Arts) oo ka dhiga maadooyinka Koombuyuutarka iyo Business Administration-ka, wuxuu bilaa mushar ahaa muddo todoba sanadood ah, Mukhtaar oo dhiga xisaabta wuxuu bilaa mushahar ahaa muddo shan sanno ah, C/samad oo ka dhiga maad ada Carabiga wuxuu bilaa mushahar ahaa shan sanno, Khadar oo dhiga maadooyinka Chemistry-ga iyo Bilogy-ga wuxuu bilaa mushar ahaa shan sanno, Farxaan oo ka dhiga maadooyinka Juquraa figa iyo afka Ingiriisiga wuxuu bilaa mushar ahaa afar sanno, Liibaan oo ka dhiga maadooyinka Xis aabta iyo Soomaaliga wuxuu bilaa mushar ahaa muddo ku dhaw labbo sanno iyo Xuseen oo ka dhi ga maadada af-ingriisiga wuxuu bilaa mushar ahaa muddo ku dhaw labo sanadood.

Maxamed Arts oo ku hadlayay afka macalimiintan oo aan wax ka waydiinay inay la xidhiidheen ma suuliyiinta wasaarada waxbarashada ayaa waxaa uu ku jawaabay “Markaanu la xidhiidhno Wasiira da Waxbarasharada Marwo Zamzam waxay noogu jawaabtaa markasta inaanu u tagno Gudoomiya ha Waxbarashada ee Gobolka. Qolada Gobolkuna waxay nagu yidhaahdaan marka sanadku bilawga yahay bisha lixaad ayaan idiin soo saaraynaa. Bisha lixaad marka la gaadhona waxay nagu yidhaa hdaan miisaaniyada sanadka cusub ayaa la idinku dari doonaa ee suga.


“Markhaati aniga ayaa kuugu filan oo 7 sano iskuulkan macalin ka soo ahaa anigoon qaadan mush ar dawladeed, laakiin waxaan aaminsanahay inaan muwaadin ahay dalka u dhashay oo gudanaya waajibkii iga saarnaa, waana masuuliyada looga baahan yahay muwaadin kasta oo dalka ku nool. Waxaan dareemayaa in la nagu gefay aniga iyo macalimiinta kale ee ila midka ah oo dulmi sharciya ysan la nagu hayo, taasi oo masuuliyiinta Qaranku nagu daawanayaan waxaananu aaminay inaan abaalkii aan dalka ku lahayn la noo diido, oo la iga door biday in waajibka shaqo aan anigu qabto, halka xaqaygana uu gayo shaqsi tobanka subaxnimo iska soo toosa oo sharciyaysan.” Maxamed Arts.


Maraan wax ka waydiinay macalinka inay jiraan macalimiin la qaatay intaa ay joogeen oo wasaara du mushahar siiso iyo in kale, waxaa uu ku jawaabay “ Sanadkan ayay wasaaraddu macalimiin qaa datay, kuwaasina waxaa la geeyay meelo tuulooyin ah oo aan looga baahnayn.”

Dhibkani ayaa soo taxnaa Ilaa dawladii hore ee UDUB hogaaminaysay iyo intii tan cusub ee Axmed Siilaanyo Hogaamiyo, arintaasi oo macalimiintaasi dhaxalsiisay inay qabaan dulmi joogto oo masuuli yiinta dawladuna ka warqabaan.

Dadka reer Gabiley ayaa aaminsan in ay jiraan shakhsiyaad lagu sheego inay macalimiin yihiin oo s uuqyada iska jooga oo aan iskuul iyo goob waxbarasho aan lagu arag oo musharooyin ka qaata w asaarada Waxbarashada, taasi oo keentay in macalimiinta iskuulada Gabiley ay so dalbadaan dug siyada gaarka loo leeyahay ee Hargeisa ku yaala oo Mushahar badan siiya.

Arintani ayaa noqonaysa gefafka ugu waa wayn ee laga galo macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada Gobolka, taasi oo keentay in tayadii waxbarashada Gobolku hoos u dhacdo, marka la barbar dhigo muddooyinkii hore ee ay macalimiinta waa wayn joogeen dugsiyada sarsare ee Gobolka Gabiley.


Wararka ayaa intaasi ku daraya in dugsiyada hoose/dhexe ee Gabiley ay macalimiin ka yihiin kuwo aan helin tababar macalinimo iyo qaar aan waligood arag meel tabaashiir taalo, arintani oo dhaxa lsiisay reer Gabiley in tayadii ardaydii la soo saarayay hoos u dhacdo.


Ilaa iyo hadda inta laga warqabo Sideedan macalin ayaa la hubaa inay mudada dheer bilaa musha rka ku dhigayeen Dugsiga Sare ee Timacadde, laakiin waxaa aad u faro badan macalimiinta kale ee aan la ogayn ee ku dulman inta u dhaxaysa heerarka kala duduwan ee ay soo marto musharka ma calimiinta ay wasaaradu gunada siiso.

 

 

Axmed Sh.Nuur Ducaale (Axmed Biito)