Sideebaa Loogu Aamini
Karaa Nimanka Diidan 91 Maalmood In Ay
Maamulaan Dalka?

Sida la wada ogsoon yahay waxay dhawaan Komishanka Doorashooyinku
shaaciyeen mudada rasmiga ah ee ay ku qabsoomayso doorashada
Madaxtooyadau, taasoo ah 31/May/09.
iyadoo mudadii hore loogu asteeyay oo ahayd 29/03/09 oo heshiis loo
dhan yahay ku gaadheen Asxaabta Qaranka iyo Komishanka
doorashooyinku, iyadoo hore loogu heshiiyay in haddii doorashadu ku
qabsoomi waydo 29/03/09 ay saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanku ay
dib uga heshiisyaan maalinta dambe.
Haddii aynu dib u eegno duruufihii ay ku qabsoomi wayday wakhtigii
loogu tallo galay , waxa ka mid ah hawshii Diiwaan gelinta, Kala
saarista dadkii is diiwaan geliyay , kharashkii lagu hawl geli lahaa
oo aanay weli bixin deeq bixiyayaasha caalamiga ah iyo farsamooyin
dhinaca cilada ah.
Bishii hore waxa dalka yimid wefdi ka socda deeq bixiyayaasha,
kuwaasi oo cadeeyay in aanay suurta gal ahayn in doorashadu ku
dhacdo wakhtigii loo asteeyay ee 29/03/09, sidoo kale Komishanka
doorashooyinku waxa ay toddobaadkii hore ka hor cadeeyeen in aanay
doorashadu wakhtigii loogu tallo galay aanay ku qabsoomaynin duruufo
badan iyo dhaqaale awgeed, sidoo klae waxa ay Komishanku in badan ku
cel celiyeen in aanay xukuumad iyo mucaarid toona shaqo ku lahayn
hawlaha dib u dhigista iyo Mudaynta doorashada oo ay Komishanka iyo
saddexda xisbi Qaran ay
heshiis ku gaadhayaan muddaynta maalinta la qabanayo doorashada.
Haddaba, Maalmihii ugu dambeeyay waxa komishanka doorashooyinku ku
hawlanaayeen in ay isugu yeedhaan saddexda Xisbi Qaran oo ay wada
tashi uga yeeshaan mudada cusub ee ay Komishanku shaaciyeen oo ah 91
Maalmood in lagu daro wakhtigii hore oo ku beegan 31/05/2009.
Kulankan saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay ay wada yeelanayeen
Komishanka iyo xisbiyada Qaranku , waxa ka soo qayb galay Xisbiyada
UDUB iyo UCID, balse waxa lama filaan iyo argagax ku noqotay
Komishanka markii Xisbiga KULMIYE qaadacay ka qayb galka kulanka iyo
maalinta loo asteeyay oo ah 31/05/2009, taasi oo ku timid sifo
dastuuri ah.
Diidmada uu ku kacay xisbiga KULMIYE , ayaa naxdin iyo wel wel badan
ku abuurtay Bulshada reer Somaliland gudo iyo dibadba iyo dhamaan
Bulshada Caalamka ee daneeya arrimaha Somaliland.
Waxay dad badani aaminsan yihiin in mowqifka diidmada ah ee KULMIYE
oo ah 91 maalmood oo kaliya in aanay diyaar u ahayn in ay doorasho
ka dhacdo dalka oo ay diyaar u yihiin in ay qas iyo jahawareer iyo
weliba Nabad gelyo darro dalka ka abuuraan oo ay weliba dalka si
inqilaab ah ku qabsadaan.
Waxa wax lala yaabo ah in Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane
Siilaanyo ku doodayo hadalo aan dastuuri ahayn oo meel alla meel ay
dastuurka kaga qoran tahay aanay jirin in Golayaasha Sharci dejintu
soo dhisaan Dawlad ku meel gaadh ah oo dalka ka talisa, qodobka
83-aad, faqradiisa 3-aad waxa uu sheegayaa in Madaxweynaha iyo ku
xigeenkiisa ay bedeli karaan Madaxweyne iyo ku xigeen la soo doortay,
waxa ay
isweydiintu tahay Gudoomiyuhu miyuuna akhrisan tollow Dastuurka
Dalka u yaala? Waaba Yaab!.
Haddaba, waxaan u sheegayaa Bulsho weynta Somaliland iyo cid kasta
oo jecel wanaaga iyo horumarka dalka in ay ka foojignaadaan nimanka
aaminsan ee sugi kari la’ 91 maalmood, waxaan leeyahay nimanka intaa
sugi kari waayay , miyaa lagu aamini karaa in ay maamulaan dalkan
curdinka ah?.
Alla Mahad leh
Khadar Maxamed Xuseen
Hargeysa, Somaliland
|