Sidaas
bay noloshu i bartay..!!
Ilaahay wuxuu aduunkan ku abuuray
bani’aadam, kuwaas oo uu ilaahay siiyey ku noolaanshaha iyo waliba
ku tasarufkiisa, Wuxuu ilaahay ka dhigay kuwo ka kooban rag iyo
dumar waxaa kale oo ay ku kala duwan yihiin xagga midabka, xaga
dhaqanka, luuqadaha, iyo diimahaba, laakiinse waxay ka siman yihiin
dadka kan adduunka ku nooli inay arkaan indhahoodu dhagahooduna
maqlaan wax kasta oo la odhan karo waa wanaag amaba way wanaagsan
yihiin.
In kasta oo ay ku kala aragti duwan yihiin, Laakiinse waxaynu odhan
karnaa dhamaan dadka adduunka ku nooli waxay jecel yihiin inay
noolaadaan waliba si fiican u nooladaan, laakiinse waxay ku kala
duwan yihiin, Muminku wuxuu u noolayahay nolosha adduunyadu in uu
badbaado aakhiro, halka dadka kale ee intaa ka soo hadhay ay iska
noolyihiin iyagoon u aabo yeelin waadi kasta oo ay ku halaagsamayaan
iyo waliba meel kasta oo ay addunyadu la gasho.
Waxaan intaas uga baxayaa muhiimada hadalkeena oo ah qodobo dhawr ah
oo qofkii si dhab ah ugu dhaqmaa uu nolosha ku noolaanayo farxad iyo
raaxo kaligii iyo dadka dhexdiisaba aakhirana uu ka mid noqonayo
kuwa guuleysnaya ee liibaaney.
Qobobadan waxaa inta badan laga soo turjumnay Risaalada qaaliga ah
ee uu leeyahay Muftiga reer Suuriya iyo masar ee Dr. Mustafa Al-Subaaci
Wuxuu sheikhu cinwaan uga dhigay Risaalada "sidaasay noloshu I
bartey " oo uu soo bandhigey sida uu tijaabo ahaan ugu arkay ku
dhaqanka qodobadan iyo sida uu ugu liibaanayo nolosha qofka qaata
qodobadan.
Waxaa uu sheekhu ku bilaabey sidan :
Sideed guud ahaan u noolaanaysaa?.
1: Ha quusan, quusashadu waa inaad ka gaalowday naxariistii Rabbi.
2: Ha cadhoodhin, cadhadu waa dilaaga wanaaga nafta.
3: Ha xaasidin qof kale, xaasidnimodu waxay xumeysaa nolosha
quruxdeeda.
4: Ha murugoon, murugadu waxa ay sababtaa in uu jidhkaagu diciifo.
5: ku dadaal ilaalinta nadaafadaada.
6: Hana iska noolaan adigoon u aabo yeelin waxaa kaa ag dhacaya
dunid.a
7: hana noqon mid markasta doorbida waxay naftiisu jeceshahay oo
keliya.
8:isku day inaad u ixtiraamto dadka kale sidaad u jeceshahay in
laguu ixtiraamo.
Sidee lagugu jeclaanayaa:-
1: ilaahay wuxuu kugu jeclaanayaa, inaad badiso cibaadiisa, akhlaaq
wanaagsan.
2: dadku waxay kugu jeclaanayaan, deeqsinimo badan , wanaag aad u
samayso.
3: deriskaagu wuxuu kugu jeclaanayaa , waji furfurnaan , dhaqan
wanaagsan.
4: walaalahaa waxay kugu jeclaanayaan , inaad xusto wanaagooda iyo
inaad Ilawdo khaladkooda
5: macalinka ardaydiisu waxay ku
jeclaanayaan ku dadaalida fahamkooda, iyo u dabacsanaantooda.
6: Ardayga macalinkiisu waxu ku jeclaanayaan : fahamkaaga oo deg deg
badan iyo ixtiraamkooda oo aad badiso iyo aragtidaada wanaagsan oo
aanad la baqan.
7: Qoyskaagu waxay kugu jeclaanayaan si fiican oo aad ula dhaqanto
iyo mashaakilkooda oo aad fahanto.
8: Madaxdaadu waxay kugu jeclaanayaan : shaqadaada oo wanaagsan iyo
ixtiraamkooda oo aad badiso.
9: Ilaahay iyo ummadiisu waxay kugu jeclaanayaan in aad sameyso wax
kasta oo wanaagsan iyo in aad ka fogaato wax kasta oo xumaan ah.
Iska Ilaali 6-dan Qoddob:
Lixdan qodob ku dhaqankoodu wuxuu kugu sababi karaaa halaag adduunyo
iyo mid aakhiro :
1: Rabitaanka naftaada ee xumaanta oo badata.
2: cilmi aanad u baran ilaahay dartii.
3: maal aad heshey oo ku dhaxalsiiya bakheylimo damac badnaan.
4: Wakhti firaaqo kugu soo mara oo aad uga faaidaysato macaasi.
5: Caqligaaga oo ku siiya khiyaameynta dadka.
6: In aad kula kacdo xaasidnimo qof uu ilaahey u nicmeeyey.
Sidee ayaad u bari kartaa Carruurtaadu inay kuu samo falaan:
1: In aad ula dhaqanto si wanaagsan.
2: in aad tustid khaldkooda.
3: in aad xusuusisid waajibkooda.
4: in aad tusto sida fiican ee aad u jeceshahey iyaga iyo hooyadood
ama aabahood.
Dariiqa Tarbiyadda Wanaagsan:
1: Tus dariiqa wax jecleysiinta ka hor intaanad wax necbeysiinin.
2: Tus Dariiqa waanada ka hor intaanad canaanin.
3: Tus dariiqa canaanta intaand garaacin.
Xusuusnow Laba Meelood:
Laba meelood ku ilmee Cibaado ku dhaaftey ka aanad ka faaideysan
Macsiyad aad fashey ka dib markii ay u soo martey.
2: laba meelood ku farax Wax wanaagsan oo laguu soo hadiyadeeyey
Kheyr lagu tusay
3: laba meelood khushuucda badi Janasada marka aad la socoto
Dhacdooyinka waaweyn markaad aragto.
4: laba meelood ku dadaal Ilaalinta sharaftaada ilaalinta
caafimaadkaaga.
5: laba meelood badi dadaalkooda Doonista cilmiga , Qabashada
wanaaga.
6: laba meelood u kaydso aakhiro Cilmigaaga iyo maalkaaga.
7: laba meelood ilow naftaada Ilaahey marka aad is hor taagtid marka
aad caawineyso cid kaaga baahan caawimo.
8: laba meelood ha istaagin Meel aad danbi hore ku gashey Meel aad
wanaag hore cid ugu gashay iyana haku noqnoqon.
9: laba meelood ha kibrin Marka aad waajb samaynayso Markaad la
fadhido qof is dhul dhigaya
10: laba meelood ha is dhul dhigin Marka aad cadawgaaga la kulanto
Marka aad la fadhido qof kibir badan.
Sideed Ku Liibaanaysaa?.
1- Waajibkaaga u gud sidii illaahay raali ka yahay.
2- Ugu shaqee dadka sidii illaahay uu raali ka yahey.
3- U fur qalbigaaga wax kasta oo wanaagsban.
4- Ka xidh indhahaaga wax kastoo xumaan ah , waxaad noqon mid ka
liibaaney dhulka iyo samadaba.
By Hamda Mohamed Hussein
Economist
Hargeisa somaliland
|