Sidaan
Kuugu Lisay Iigumaad Hambayn !
Waxaan jeclahay inaan xoogaa ka
faalloodo Diiwaangalintii dalka ka dhacday oo maanta gobolkii ugu
danbeeyey lagu gudo jiro una socota si habsamiya oo goobihii dadku
iska sajalayeen aan dhibaatooyin badani ka soo gaarin marka laga
reebo shalay oo laba sarkaal oo ka tirsan ciidamada qaranka
Somaliland si gaadma ah loogu dilay tuulada Widhwidh ee ka tirsan
gobolka Sool oo hawshii diinwaangalintu ka bilaabatay jimcii ina
dhaafay ee bisha Jauary ahayd 2da. Runta marka laga hadlo goboladii
diiwaangalintu ka qabsoontay dhammaantood waxaa ka soo burqanaysay
cabashooyin badan oo u badnaa inaysan diiwaangalintii u dhicin sidii
saxda ahayd oo waliba qalabkii wax lagu sajalayay ee kombuutarada ay
badinaaba cilladi galaysay oo waqti badani kaga lumay gobol kasta.
Waxaa kaloo ka mid ahaa cabashooyinkii dadweynaha iyo waxgaradkoodu
u soo gudbiyeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka inaysan ku fillayn
waqtiga loo qoondeeyey gobollada laba sababood awgood:
Ta koowaad waxay ahayd agabyada loogu talagalay in dadku iska
diiwaangaliyaan oo aad u yaraa marka loo eego dadka baaxaddiisa oo
safaf dhaadheer dadku maantoo dhan ku soo jireen oo qaarkood iyagoon
la sajalin waqtigii ka dhacay. Ta labaad waxay ahayd qalabkii loo
adeegsanayay diiwaangalinta oo inta badan cillado xagga farsamadaahi
galaysay oo inta farsameyaqaan la doondoonayo waqti badani ku lumi
jiray taasina mid hal gobol ku kali ahayd may ahayn ee geel laba jir
soo wada marye gobolladoo dhammi way soo wada mareen mana jirin
gobol ku hantaaqay waxaanba loo fadhiyin iyo waanu qaadacaynaa
doorashada iyo miyaanay naagahayagu wax dhalin iyo seebay Togdheer
nooga dad badatay. Waar xaajadu may ahayn dad badsi iyo annagaa
idinka dad badan ee waxaa weeye gobol kasta waxaa iska
diiwaangalisay intii danaynaysay inay codeeyaan ee adinku diyaar
umaydaan ahayn inaad codeysaan tirada aad saluugteena macnaheedu ma
ahan in reer Awdal gobollada ugu yaryihiin ee waa intiinii isku
qancisay inay codeeyaan.
Haddaba akhristow adoon garcadaawo qaadayn maxaa maanta ku kallifay
inay reer Awdal waxgaradkoodii sidaa
qallafsan u soo garnaqsadaan waxaadna eegtaa hadallada naxliga
xanbarsan oo ka soo yeedhaya dad isku sheegay inay yihiin
Waxgaradkii, Aqoonyahankii, Cuqaashii iyo Salaadiintii reer Awdal
aniguse aan u arko dad meel kale laga soo buufiyey oo ku qarxaya cid
alla iyo ciddii wax la jecel oo dhan iyagoon aqoon fiican u lahayn
sida loo garnaqsado oo ragi waa kii gartiisa si habboon oon caro
lahyan rag horti uga sheegtee maxaa ku kalifay inay ka bulaamaan
suuqa Boorame una gafaan dadkii mas’uuliyiinta ahaa oo ka soo jeeday
gobolkooda iyo waliba beeshii haruubka wayn hashii maandeeq ugu
listay oo aysan iyagu soo hanbayn caanihii loo lisay abaalkoodii
wuxuu noqday maxaa naga galay Somaliland iyo waanu qaadacaynaa
doorashadaba.
Intiina aqoonta fiican uleh iyo intaan aqoon taariikheed u lahaynba
waxaan xasuusinayaa in waqtigii isticmaarku haystay gobolladdii la
odhan jiray waqooyiga Soomaaliya inay ahaayeen laba gobol oo qudha
waxaana la kala odhan jiray Waqooyi Bari
(North East) iyo Waqooyi Galbeed (North
West) waxaana kala xukumi jiray Burco iyo Hargeysa waxayna
dhammaantood isku ahaayeen lix degmo oo qudha.
Waqooyi
Bari wuxuu ahaa degmada Burco, degmada Cerigaabo iyo degmada
Laascaanood meesha Waqooyi Galbeedna ka ahaa degmada Hargeysa,
degmada Boorame iyo degmada Barbara mana aysan dhici jirin
isqabqabsigaan faraha ka baxay iyo haddaan gobol nala siinin
Somaliland sii jiri mayso iyo reer ba’oowdan ay guud ahaanba
Soomaalidu ku jirto iyo hankii ummada oo ku soo ururay tuuladan
annaaga iska leh ee intiina kale nooga dareera.
Aan idin sii xasuusiyee gobolladdii 8da ahaa ee ay ka koobnayd
Jamhuuriyaddii burburtay ee Soomaaliya intuusan Maxamed Siyaad Barre
ku darin gobolladii faraha badnaa waxaa ugu dhul weynaa uguna dad
badnaa laba gobol oo kala ahaa gobolkii Waqooyi Bari iyo gobolkii
Jubada sre ee maanta loo yaqaan Baay saldhigana u ah kooxda Mbigaati
waxaana la yidhi gaal dil gartiisana siih ee goormay Boorame isku
dherarisay gobolkii ugu dadka badnaa uguna baaxadda weynaa
Somaliland saw maahan afaadan lahayn lama qabto iyo aakhiru saman!
Ninkii ku hadlay magaca reer Booramow
adaa gartaadii iska gaagixiyey markaad gobolka Togdheer isku
dherarisay adoon jilbihiisa gaarayn dadkuna way wada isyaqaaniin
iyadoonba la tiro koobin ee maxaa kaa keenay inaad la shirtimaado
hadalkan nin ragihi ka xishoodo “
miyaan naagahayagu dhalin
mise annagaan aqoon sida dumarka wax looga dhalo maxaa naga dhigay
133000 oo qof iyo yeeli maynno”.
Miyaan reer
Boorame ogayn gobolka Saaxil inay iska diiwaangaliyeen dad
aad u yar oon dhammayn 20% (51000) wax cabashaa iyo buuqna kamay
keenin ee waxay raalli ku noqdeen tiradii yarayd ee Komishanku
idaacadaha ka sheegay kumana aysan xisaabtamin maskaxdoodana maysan
galin in laga badanyahay ee waxay u fahmeen xaqiiqduna tahay in
dadka is-diiwaangaliyay ay ahaayeen kuwii doonayay inay ka qayb
qaataan doorashada dalka ka dhici doonta. Caalamkan aad arkaysaan
marka ummadi doorasho galayso waxaa codkooda bixiya dad aad u yar
marka loo eego dadka waddankaa ku nool ee ma ahan in Faloorida ay
ugu laandheeraysantahay Mareykanka ee si xun baa wax la idiinku
sheegaye armaad dib u xisaabtantaan oo sidii la idiinku lisay aad
abaalkeeda gashaan.
Gunaanadkii: Reer Awdal waxay ka talo
qaadataa dhalinyaro qurbajooga oo taksiilayaal ka ah Noorad Ameerika
oo qabyaaldi ka reebtay qeerkood intay sugayaan qofay qaadaan waxay
ka sheekaystaan sidii gobolka Awdal Xamar loogu dari lahaa iyo
beesha dhexe been baanu kula soconaa oo inta uu Daahir Riyaale
meesha madaxweyne ka yahay baannu is-daad raacinaynaa hase ahaayee
adeerow haddaad Muqdisha u bugtaan
ogaada Muqdisha sidii hore ma ahan oo
Cabdullaahi Yuusufba barqaa laga dhaqaajay ee armaad caqli
caafimaad qaba la timaadaan joojiyana masayrka qabiilaysan waxaana
la yidhi oodi ab ka dhaw ee ogaada Isaaq wax idiin dhaama idiinkana
dhaw heli maysaan Somaliland-na waxay aaminsantahay inaan
hanqaraarac lug u dhutiyayn!
Wa billaahi tawfiiq iyo Allaw nimaan wax ogayn
ha cadaabin.
Qalinkii: Shueib
A. Gaboose
|