sicir-goynta guurka 150$ iyo hablaha dalka india oo waayi doona wiilashii soomalida ee guursan jiray

 


Xakamaynta guur-bararka oo somaliland oo lagu go,aamiyay in la sargeeyo hawshan ayaa waxa aad isugu hawlay guduida wanaag-farista iyo xumaan reebida oo arkay dhibka guurka qaali garoobay ku hayo dhalinyarada aan wali guursan 150$ doolar waa sicirka laysala meel dhigay ee ka hirgalaaya dalka gudihiisa ma jiraaan 10 fijaan iyo 16 fijaan iyo kharashkii bad naa ee danyartu aanay awoodi karayn waxa lagu soo koobay fijaanadii hal subaga iyo hal muqumada[well done].

Gudida wanaag-farida iyo xumaan-reebidu sidaa kuma hadhine waxa la go,aamiyay ganaax cidii 08.00 habeenimo wixii ka danbeeya sii wada hawlaha xaflada in la ganaaxo lacag dhan 5000.000 milyan shiling s/lander.


waxa kaloo gudida wanaag-faridu cadeeyeen in laba baabuur wax ka badan aan la oglayn
hal baabuur oo caruuska iyo caruusadu raacaan iyo hal baabuur ee ehelkoodu raacaan ba abuur sadexaad haduu daba-galo waa 5000.000 shan milyan shiling s/lander oo kale oo ganaaxa.

Wiilka iyo gabadha adeeca wanaaga la faro waxa looga ducaynayaa masaajidka ruux kast a oo diidana waxa laga habaarayaa masaajidka waa hadalkii gudida wanaag farida iyo xumaan reebida[ilaahoow masaajidka aan nalaga habaarin ].
ilama aha in nina u badheedhi doono habaar iyo inkaaro gurigiisa gala reer-baad dhisaysaa ee yaanu reerkaagu noqon mid habaar ku bilaabma maqal gudida go,aamadeeda iyo wanaaga ay ku farayaan.

Hadaba sheekadani waxay aad u dhex wareegaysaa qurbaha wadamada dibada wadamada yurub iyo america oo rag badani aad ugu riyaaqay sicirka 150$ ah fijaano laba ah iyo gawaa dhida galbinaysa oo laba ah xafladuna ilaa sideeda fiidnimo taasina waxay keenaysaa in guu rku bato oo rag badani dib ugu soo laabto gabdhahoodii in mudo ah dhalinyarada qurbaha jooga yurub iyo america waxay qaban jireen dalka hindiya halkaas oo ay ku guursan jireen hablaha hindida habeen kastana loo qanaayadayn jiray[qurbaani- qurbaani]

Wiilasha soomalida ayaa in badan diidanaa sicir-bararka guurka iyo kharashka xad-dhaafka ee ku baxaaya waxaanay heleen wado uga jaban ta soomlia oo ah in dalka india ay ka helaan gabdho kharash yar waxa taasi ay waxyeelo badan gaadhsiisay gabdhaha dalkeena oo marmarka qaarkooda 40 kuba gaadha guur la.aan dibaatada kale ee wiilasha ku kaliftay inay wadamada kale kasoo guursadaan ayaa waxay tahay marka gabdhaha soomaaliyeed ay qurbaha yimaadaan ee ninka guursaday uu keeno hal sano ka dib ayay ka ordaan ninka
taasina waxay keentay in ragu u arko in gabadhu kaliya ay ninka u guursatay inay qurbaha ku timaado

Waqtigan aynu joogno dalka ingriiska oo aan joogo waxa warbixin lagu soo saaray dawlada ingriisku sheegtay in kaliya london ay joogaan 50 kun oo naagood oo soomaaliya oo ah hooyo hal cunug ama laba cunug haysta ninkeediina ay kala tageen gabdhahaa soomaliyeed waxay ku nool yihiin nolol adag inta badana waxay ku danbeeyan qaar uu ku dhaco xanuun ka waalidu.


dhacdooyinka ka dhaca dalka ingriiska waa kuwo badan oo aad la yaabayso gaar ahaan isd ilka iyo daar dheer iska tuurka oo inta badan soomaalidu rag iyo dumarba sameeyaan waxa kaloo waliba u dheer ayagoo xataa tareenka isku tuura oo hal mar uu dusha ka maro iyo wali ba is daldalaada aan ayadu badnayn [walciyaadu bilaah]

wabilaahi tawfiiq

 

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
london