SHuruudaha Wada Hadalada Somaliland Iyo Somalia

 

 


1. Waa in wada hadaladu dhexmaraan Somaliland iyo Somalia oo qudha (Waqooyi iyo Koonf ur) waana in Xukuumadda Somaliland aanay marnaba aqbalin in Somalia guddiga ay u maga caabayso wada hadalada labada dal ku soo darto xubno ka soo jeeda Somaliland oo loogu talagalay in lagu carqaladeeyo wada hadalada. Somalia arrintan xaq uma laha waana xad-gudub. Waxaa kale oo reeban in guddiga Somalia ay ku jiraan xubno ka soo jeeda Kilinka Sha n aad, Waqooyi Bari Kenya, iyo Jabuuti waayo wada hadaladu ma dhexmarayaan Somaliland iyo Somaliweyn balse waxay dhexmarayaan Somaliland iyo Somalia oo qudha.

2. Puntland waxay ka tirsantahy Somalia markaas Xukuumadda Somaliland waa in aanay marnaba aqbalin inay Puntland si gaar ah uga soo qaybgasho wada hadalada dhexmaraya Somaliland iyo Somalia sida dal gaar ah. Ujeedada Puntland waxa weeye inay sheegato qayb ka mid ah Dhulka Somaliland si wada hadaladu u fashilmaan. Wada hadaladu waa inay dhexmaraan Xukuumadda Somaliland iyo Xukuumadda Somalia oo qudha.

3. Waa in Xukuumadda Somalia ay noqotaa mid wada matasha dalka Somalia oo dhan (Koon fur­) waayo Somaliland lama hadlayso gobol ka tirsan Somalia oo aan talada Somalia ka wada go'ikarin, wixii ka soo baxana aanu meelmar noqonkarin.

4. Waa in Xukuumadda Somalia ka jirtaa aanay aqoonsan ama taageerin koox ka soo horjee dda midnimada iyo qaranimada Somaliland.

5. Waa in wada hadalkasta ku salaysnaado jawi laba dawladood oo siman oo u heelan inay u gogol-xaadhaan Is-aqoonsi iyo xidhiidh walaaltinimo oo dhexmara laba dawladood oo Somaliyeed. Waa Billaahi Tawfiiq.
 

 

 

 

Ibrahim Hassan Gagale
Email: Ibrahim_hg@yahoo.com
Taariikh: April 15, 2012