Shirweynihii Ururka Haweenka Ee Now Oo Galabta Qab soo may Iyo
Hogaankii Hore Oo Dib Loo Doortay + Rabshado Ka Dhacay.
Shirweynaha ayaa wax shirgudoominayey Wasiir Ku-xigeenka wasarada
Caafimadka Marwo Nim co Xussen Qawdhan..... Daawo Sawirrada
Hargeysa (TNN) -Shirweynihii Labaad ee Ururka Haweenka Somaliland ee
Now ayaa galabta dib loogu Doortay Guddomiyihii hore Iyo Guddomiye
Ku-xigeen hore, Shirweynaha ayaa markii Codey ntu bilaabantay wax ka
dhacay Rabashad taasi oo sababtay in Laba Musharax oo u tartamayey
Gudoomiye iyo guddomiye ku-xigeen ururka Now iyo taageeryaashoda oo
gaadhayey ilaa 20 haw een ah ay Fadhigii ay ka baxeen iyaga oo ku
dhawaqayey hadalo ka dhan aha Guddida Shirkaasi shirguddominaysay.
Shirweynaha ayaa wax shirgudoominayey Wasiir Ku-xigeenka wasarada
Caafimadka Marwo Nimco Xussen Qawdhan iyo guddomiyaha ururka Xuquqal
Insaanka iyo Xubno kale oo iyaguna ka mid ah haween weynaha
Somaliland.
Shirweynaha ayaa Wax ka soo Xadiray 76Haween ah oo ka mid ah
Ergooyinka ka kala yimid Shanta Degmo ee Hargeysa iyo Deeganada kale
ee Somaliland.
Waxanay Guddomiyaha Ururka Haweenka ee Now Mar labbad u doorten
Marwo Aniisa Nuur Cigaal waxana u Codeyey 53Haween ah, halka
Guddomiye Ku-xigeen Marlaab ay ugu doorten Marwo Sitiin, oo ay u
codeeyen 53Haween ah.
Balse Wax madashaasi iskaga baxay Labbadii Musharax ee Guddomiyaha
iyo Guddomiye ku-xigeenka u sharaxnaa oo kala ahaa Xaliimo Xaaji
Cabdi Nuur iyo Sahra Cali iyo Taagerayashoda oo gadhayey 20Xubnood.
Wasiir ku-xigeenka Ku-xigeenka wasarada Caafimadka Marwo Nimco
Xussen Qawdhan oo ku dhawaaqday natiijadii gacan taaga ahayd ee ka
soo baxday Codeynta ayaa waxay tidhi “Madasha Wax Fadhiyey
76Xubnood, Aniisa Nuur Cigaal wax Cod Aqlabiyad ah u Codeyey
53Haween ah, Inantii meesha kula tartameysay iyadu meeshii way ka
baxday oo way baneysay tartankii , Guddomiye ku-xigeenka wax u
tartamayey Sahra Cali iyo Sitiin Xassan Jaamac, marka Sahrana
meeshii way ka baxday waxase cod aqlabiyed ah guddomiye kuxigeenkii
loogu doortay SitiinXxassan Jaamac waxana u codeyey 53haween ah,
runtii waxan odhan karaa guushii waxay racday dhincan hore xilka u
hayey, waxan idiin soo jeedinayaa in aad haweenka la soo doortay
taageertan idinkuna aad haweenka isku waddan.”Ayey Tidhi Nimo Xussen
Qawdhan.
Wax kale oo iyaguna halkaasi hadalo ka jeediyey Guddomiyaha iyo
Guddomiye Kuxigeenka Dib loo soo doortay Aniisa Nuur Cigaal iyo
Sitiin Xassan Jaamac Waxanu halkan ka balan qadeynaa mar haddii dib
lanoo doortay aanu hawlahaygii halkii ka sii wadno Dhinca mideynta
haweenka Somaliland iyo wax kale oo aanu balan qadeynaa in aanu
waxqabadkii halkan aanu ka sheegnay ee aanu labbadii sanno ee hore
qabanay aanu wax qabad kale la imandoono.
Shirweynaha ayaa wax ku sugnaa Ciidamo badan oo Aamanka Goobta
Illaalinayey iyada oo marka qaaran Xaladu farax ka bixi gadhay kadib
markii Khilaaf xoogani uu ka dhashay goobta, waxayna sababtay in ay
meesha ka dareeran garab ka mid ah garabadii ku tartamayey Hooganka
ururka Now.
Guuleed Yare
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland
|