Shirweynihii
Urur Siyaasadeedka Damal Oo Maanta Qabsoomay Laguna Doortay Hogaanka
Ururkaasi.
Urur Siyaasadeedka Damal ayaa noqonaya Ururkii 11-aad ee qabsada
Shirweynihiisa....
Hargeysa (TNN ) Urur siyaasadeedka DAMAL oo ka mida ururada dalka
lagag dhawaaqay, Islamarkaana tartanka ugu jira sidii ay ugu
guulaysan lahaayeen inay ka mid noqdaan xisbiy ada rasmiga ah ee
dalka ka jira ayaa maanta waxa ay qabsadeen Shirweynihiisii 1aad ee
Ururka iyaga oo doortay hogaanka rasmiga ah ee hogaamindooona
ururkaasi shanta sano ee soo socota shirkan oo lagu qabtay hotel
Kasaloma ee magaalada hargeisa ayaa waxa ka soo qayb galay
masuuliyiinta ururka damal ergooyin tiro badan oo ka kala yimi guud
ahaanba gobalada iyo degmooyinka dalka jamhuriyada somaliland iyo
weliba marti sharaf tiro badan oo ay ka mid yihiin boqolaal
taageerayaasha ururka damal ah masuuliyiin ka socday gudida diwaan
gelinta ururada siyaasada. qaar ka mida madaxda ururada siyaasadeed
salaadiin aad u tira badan
Waxa ugu horeyna waxa madashaasi ka hadlay gudoomiyaha gudida qaban
qaabda ururka damal mr:carab cabdilaahi carab isaga oo ka warbixiyay
jaran jarooyinkii Iyo marxaladahii kala duwanaa ee ururku soo maray
gudoomiyahu waxa uu amaan badan soo jeedayay taageerayaasha ururka
damal doorkii ay ka qaateen guulaha uu gaadhay ururku isaga oo farta
ku fiiqay xilgii madax taabashada ama tirintii kunka qof laga rabay
asxaabta oo ka mid ahayd shuruudaha lagu xidhay ururada siyaasada
taasi oo uu sheegay in dadka reer somaliland khaasatan
taageerayaasha ururkani ay muujiyeen awoodooda taageero ee ay u
hayaan ururkan damal intaasi ka bacdi waxa sitoosa ula wareegay xilk
shirkaasi xubnihii shirgudoonka ahaa shirkaasi oo uu gudoomiye u
ahaa mr:siciid gaydh khayre oo ka warbixiyayqaabka shirku u
socondoono isaga halkaasi ka akhriyay xeerka ama dastuurka iyo
barnaamij siyaasadeedka ururkani ku dhaqmidoono iyadoo halkaasi cod
loogu qaaday ansixinta xeerarka iyo barnaamijyada ururka kaasi oo
dhamaan ergooyinkii iyo marti sharaftii ay ansixiyeen islamarkaana
aaynay jirin cid diiday iyo cid ka aamustay
Marti sharaftii ka soo qaygalay ee ku sugnaa madasha uu shirku ka
socday ee halkaasi ka hadlay wxa ka mid ahaa Suldaan siciid maxamed
salmaan oo ku afka ergooyinka kan socday gobalka sanaag iyo
Cabdiraxmaan awcali faarax {tulwaa} oo ka mida saraakiisha urur
siyaasadeedka udhis Xildhibaan ka mida xildhibaanada golaha
baarlamaanka somaliland kuwaso dhamaantood u duceeyay ururkani
ilaahay ka dhigo kii guulaysta mudane cabdiraxmaan {tulwaa} ayaa
hadalkiisa ku sheegay in loo baahanyahay in ururadu ay isku biiraan
si ay uu noqodaan qaar awood leh
Geesta kalana waxa halkaasi lagu ansixiyay golaha dhexe ee urur
siyaasadeedka damal oo ka koobnaa 175 xubnood iyo 25 kayda
Gaba gabadii waxa madashaasi lagu doortay hogaanka rasmiga ah ee
hogaamindoona ururkaasi santa sano {5} taasi oo la doortay
gudoomiyaha guud ee ururka DAMAL oo loo doortay sidan:
1: Gudoomiye: Maxamed Cumar carte Qaalib
2: Gudoomiye ku xigeenka pro: C/Qaadir Ducaale Cali
3: Xoghayah guud: pro: Guueed Ismaaciil
Dhamaan xubnahana loo doortay ayaa loo qaaday cod fartaaga iyaga oo
ku sugnaa goobta marka laga reebo gudoomiyaha oo ku sugnaa dalka
dibadiisa balse isaga qudhiisa ayaa lagu doortay codka fartaaga ah.
Ururkan ayaa ka mida ururada sida weyn uga muuqada madasha
siyaasadeed dalka marka loo eego xawaaraha uu ku socdo geesta kalana
ururka DAMAL ayaa noqonaaya ururkii ugu horeeyay ee ay ka soo qayb
galaan masuuliyiin ka tirsan ururada kale ee ku loolamaaya tartanka
siyaasadeed ee dalka intii aya socdeen shirka ay aqabsadeen ururada
siyaasadu ayaanay jirin urur ka qayb galay madal uu urur kale ku
suganyahay balse DAMAL ayaa noqoday kii koobaad ee ay iskugu
yimaadaan saraakiil ka tirsan urur kale taasinay waxay awood siisay
hamiga iyo hiigsiga siyaasadeed ee ururka DAMAL sidoo kale ururkan
ayaa noqday kii 10aad qabta shirweynihiisa qabashada shirweynayaasha
ayaa ka mida shuruurdihii lagu xidhay ururada siyaasada ee cusub
inta ka horeysa 15 april ee hada lagu jiro DAMAL waxa uu .umuuqdaa
mid ka gudbay biriish ka mida biriishyada ugu adag ee ururadu ku
jiraan iyada oo taageerayaasha ururka DAMAL ay ku hanweynyihiin inuu
noqdo ama u gudba xisbi QARAN
Guud ahaan jawiga iyo saansaanta shirweynaha urur siyaasadeedka
DAMAL ayaa ku soo afmeermay ama gaba gaboobay jawi qurxoon oo
farxadi ku dheehantahay
Mustafe Axmed Herer
Timacade News Reporter
Hargeysa, Somaliland
|