Shirweynihii Koowaad Ee Urur Siyaasadeedka Umadda Oo Maanta Ka Qabsoomay Magaaladda Hargeysa

 



Gogosha aad goorwalba ku baaqaysaa yaanay noqon gogol Afka uun aad ka leedahay ee ha naqoto mid Midho dhal ah.................................
 


Hargeysa (TNN)-Shirweynihii koowaad ee Urur siyaasadeedka Umadda ayaa Maanta ka furmay Hotel Xaraf ee magaaladda hargeysa waxaana ka soo qayb galay Ergooyin ka kala socdey gob oladda Dalka laguna doortey Guddoomiye Iyo Guddoomiyeku xigeen rasmi ah.

Shirkan oo noqonaya shirweynihii ugu horeeyay ee urur siyaasadeedka umaddu qabsadaan wa xa kasoo qayb galay taageerayaasha iyo Ergooyin ka kala yimid Goboladda Dalka halkaasi oo ay ku doorteen Gudoomiye Maxamed Cabdi Gaboose iyo Gudoomiye kuxigeen Qaasim Sheekh Ibraa him Tubeec sidoo kale waxa shirka dhexdiisa lagu doortey gudoomiyeyaasha 2aad,3aad,4aad,5 aad ee Ururka Umadda.


Ka hor intii aan lagudo galin doorashadda murashaxiinta Jagada Gudoomiye iyo Kuxigeen waxay ergooyinkii kasoo qaybgalay halkaa kudoorteen xubnaha daadihin lahaa Shirka,Ugu horeyn wa xay Gudidaasi Halkaa ka Akhriyeen Dhamaan siyaasadda utaal ururka P1000846waxaana ka mid ahaa sidan “Tayaysiinta Ciidamada,Dabagalka Daawooyinka Dalka soo gala,Waxbarasho Bilaash ah,Tayaysiint Kutubta Diiniga ah,Abuuris Shaqo,Joojinta Nabaad Guurka Deegaanka,Dhiirigalinta Haweenka,Ilaalinta Xuquuqda Saxaafadda,Iyo Horumarinta Guud Ee Dalka, kadib waxay dham aan Ergooyinkii oo Isku duubani u codeeyeen Siyaasadda Ururka dajiyay.

Intaa Ka dib waxa halkaa hadal kooban ka jeediyay Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Umadda DR:Maxamed Cabdi Gaboose oo dhaliilo Is daba jooga ujeedo Ujeediyay xukuumadda uu gadhw adeenka kayahay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Isla markaana sheegay iney jiraan (Akaawno) debadda laga furtey oo xukuumaddu ku shubato hantida umadda iyo Agaasimeyaal ku kacay falal Musuqmaasuq.

Sidoo kale waxa uu Gaboose ganafka ku dhuftay in colaadaha ka aloosan bariga ay horsed ka tahay Xukuumadda Siilaanyo hadaladiisiina waxa kamid ahaaP1000877 “Dagaaladani waa kuwo sokeeye maaha kuwo lagula jiro Argagixiso madaxweyne kuma necbi waxaan jecelahay Sharaf taada iyo Karaamadaada ee Mudane Madaxweyne Gogosha aad goorwalba ku baaqaysaa yaa nay noqon gogol Afka uun aad ka leedahay ee hanaqoto mid Midho dhal ah”


Dr:Gaboose Sidoo kale waxa uu sheegay Iney Siyaasadda ururka Umadda ee Gobolada bari ta hay mid dajisan waxaanu yidhi “Haddii ururka aan Hogaaminayo ee Umaddu ku guulaysto ja gada madaxweynaha waxaan balanqaadayaa In goboladaasi noqon doonaan Kuwo xasiloon oo nabadi kajirto.


Ugu danbayntii waxay halkaa Gudidu kusoo jeediyeen xeerka uu ururku ku dhaqmaayo kaas oo dhamaan taageerayaasha iyo Ergooyinku soo dhaweeyeen.

 



C/raxmaan Muuse Yuusuf
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland