SHIRWEYNIHII
AFRAAD EE XISBIGA KULMIYE UK

Waxaa shalay oo bisha february ay ahayd shan ( 5-02-12) ku qabsoomay
hall-ka weyn ee Harro w Civic Centre, shirweynihii afraad ee xisbiga
Kulmiye laantiisa UK.
London , (TNN)-Gudida
qaban-qaabada shirweynaha oo lagu magacaabay, shir bishii December
todoba iyo toba nkeedii ka dhacay magaalada Bristol, ayaa shan iyo
afartankii casho ee udgu danbeeyey ku hawl anaa isku soo dubaridka
shirkan, oo runtii ahaa mid ay ka muuqatay abaabul xoog weyn iyo
bilic lagu xardhay calanka Somaliland iyo calanka xisbiga Kulmiye.
Shirweynaha ayaa waxa ka soo qayb galay madaxda laamaha Kumiye UK,
gudidii fulinta Kumiye UK, madax ka tirsan Xukuumadda Somaliland
aanay ka mid ahaayeen; Safiirka Somaliland u fad hiya dalkan Britain
Axmed Adan Cumar ( Sangoore ), Lataliyaha madaxweynaha ee arimaha
dhaq aalaha, ganacsiga iyo maalgashiga Axmed Xasan Carwo, Wasiir ku
xigeenka wasaaradda arimaha dibadda Maxamed Yoonis Cawaale. Waxa
kale oo madasha soo buux dhaafiyey dadwey ne rag iyo dumarba leh oo
ka tirsan taageerayaasha xisbiga Kulmiye iyo madax dhaqameedba.
Shirgudoonka shirweynaha oo ka koobnaa; Khadar Ibraahim Warsame,
Ibraahim Cali iyo Cabdi Ca li Mahadi, ayaa ugu horaynba shirka ku
soo dhaweeyey Sheekh Cumar Aw Cabdi oo shirka ku fur ay aayado
quraanka kariimka ah.
Waxa warbixin dheer goobtaa ka soo jeediyey Faarax Xasan Jagac oo ku
hadlayey magaca gudi dii qaban-qaabada shirweynaha, isagoo ka
waramay marxaladihii uu soo maray qabsoomidda shir kani.
Intaa ka dib Waxa Microphone-ka lagu soo dhaweeyey Safiirka
Somaliland ee dalkan Uk Axmed S angoore, Wasiir ku xigeenka
wasaaradda arimaha dibadda Maxamed Yoonis iyo lataliyaha madax
weynaha ee arimaha dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga Axmed Xasan
carwo, Xildhibaan fa rxaan iyo Nuur Xaaji Xuseen . Madaxdaa ayaa
dhamaantoodka halkaa ka jeediyey khudbado iyo warbixinno guud ahaan
ka warramaya marxaladda dhan walba ah ee uu hadda dalku marayo.
Waxa Khudbad dheer oo taariikhi ah oo isagu jirta waxqabadkii
xisbiga Kulmiye UK goobtaa ka so o jeediyey gudoomiye ku xigeenkii
hore Kulmiye UK Suldaan Saciid Kabadhe, Gudoomiye ku xigee nka
labaad Cabdi Bacaw, Xoghayihii hore Cabdiraxmaan, madaxii dhaqaalaha
Marwo Yurub Qaalin Faarax iyo xubno kale.
Madasha ayaa waxaa lagaga dooday xeerka xisbiga Kulmiye UK, kaasi oo
wax ka badal iyo kaabi sba ay ku soo sameeyey gudi loo xilsaaray,
isagoo halkaasi xeerkaa lagu ansaxiyey cod aqlabiyad ah.
Waxa shirweynahaa shalay uu qabsaday xisbiga Kulmiye UK, lagu
doortay gudi cusub oo ah gudi da fulinta Kulmiye UK, kuwaasoo labada
sano ee soo socda hogaamin doona dhamaan hawlaha xisbiga ee UK iyo
Gudi lagu magacaabay gudida mus-danbeedka xisbiga, kuwaasoo ka
koobnaa waayeelka xisbiga Kulmiye.
Sidoo kale waxaa goobtaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyey, gudidii
hore ee Kulmiye UK, kuwaasi oo xilkii xisbiga ku wareejiyey gudida
cusub.
Gebegabadii shirweynaha ayaa waxaa khudbad qiimo leh ku soo
gunaanaday Xasan Cali Weyd oo ka tirsan odayada iyo laf-dhabarka
xisbiga, kana tirsanaa gudidii qaban-qaabada shirweynahaa.
Gudida fulinta ayaa waxaa loo doortay:
1- Gudoomiye Xasan Cismaan.
2- Ku xigeenka koowaad Xariir Xirsi.
3- Ku xigeenka labaad Aadan Jaamac.
4- Xoghaye Cali Adan.
5- Gudoomiyaha garabka haweenka Caasha Ayban.
6- Iyo sideed xubnood oo kale
Gudida mus-danbeedka ayaa waxaa loo doortay:
1- Xasan Cali Weyd
2- Faarax xasan Jagac
3- Saleebaan dirir
4- Ibraahim Carab Jamac
5- Axmed Cadarre
6- C/llaahi Cusman
Abdirizak Ibrahim Koshin (Abdirizak Alpha)
Timacade News Desk
Bristol , UK
|