Shirweynihii
1-aad Urur Siyaasadeedka UDHIS Oo Maanta Ka Furmay Magaalada
Hargeysa
Shirweynahan oo ay ka soo qayb galeen ergooyin ka kala socday
Gobolada dalka iyo dalka dibadiisaba................. Daawo
Sawiradda
Hargeysa (TNN) - Urur Siyaasadeedka UDHIS oo ka mid ah 15-ka urur
siyaasadeed ee dhawaan lagaga dhawaaqay Dalka, isla markaana u
tartamaya sidii ay u soo bixi lahaayeen ayaa shirwey nahoodii kowaad
maanta ka furmay Hutel Crown ee Magaalada Hargeysa.
.
Shirweynahan oo ay ka soo qayb galeen ergooyin ka kala socday
Gobolada dalka iyo dalka diba diisaba, isla markaana dad aad u tiro
badan fadhiyeen madasha lagu qabanayey Shirweynaha ayaa waxa markii
xafladu bilaabantay la doortay guddida hogaamin doonta shirweynaha
oo ka kooban Guddoomiye, Guddoomiye ku xigeen iyo laba xoghaye.
.
Ugu horeyn Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Urur Siyaaasadeedka
UDHIS Mujaahid Ibraa him C/laahi Xuseen (Dhagaweyne) oo halkaasi ka
hadlay ayaa ka waramay marxaladihii kala du wanaa ee Ururkani soo
maray iyo waxyaabihii keenay aas aasiiskiisa, waxaanu sheegay in
marx aladaha kala duwan ee uu ururkani soo maray ahayd mid kala
duwan, isla markaana ay ujeeda da ay Ururkani u aas aaseen ay tahay
sidii ay u heli lahaayeen Urur bulshadu wada leedahay.
.
Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu
yidhi “Urur Siyaasade edkan UDHIS oo jiray muddo sanado ah, waxa uu
soo maray marxalado kala duwan, waxaanay ujeedada loo aas aasay
ahayd sidii loo heli lahaa Xisbi siyaasadeed oo ay Bulshadu wada
leed ahay, maadaama oo Ururada iyo Xisbiyada maanta dalka ka jira ay
yihiin qaar ay dad gaar ah sheegtaan, waxaanu anagu taasi kaga
duwanahay in aanu ku talo galnay in ay Xisbiga wada yeeshaan kii
maanta soo galay ee reer Somaliland ah iyo kii hore ugu jiray, isla
markaana shur uuda kaliya ee ku xidhani ay tahay in ay wada bixin
karaan uun wixii lagu horumarinayo Ururka.”
.
Axmed Saleebaan Wayne oo isna halkaasi ka hadla ayaa ka waramay
waxyaabaha uu Ururkani u taagan yahay iyo maba’aadiidiisa.
Dhamaan Masuuliyiintii madashaasi ka hadashay ayaa waxa ay ku
dheeraadeen sida Ururka UD HIS aanu u ahayn mid cid gaar ah leedahay,
balse ujeedada loo aas aasay ay tahay sidii bulsh ada oo dhami uga
wada qayb qaadan lahayd horumarintiisa, isla markaana Ururku uga
qayb qa adan lahaa horumarinta Buslhada.
.
Maalinta barri ah ayaa la filayaa in la doorto Hogaanka Ururka iyo
Mudanayeesha Golaha dhexe ee Ururka.
Sacad M. Cabdi
Timacade News Reporter
Hargeysa , Somaliland
|