Shirweynihii 1aad Ee Urur Siyaasadeedka Dalsan Oo Maan ta la soo Gabogabeeyay Ka Dib Markii Lagu Doortay Hogaankii Rasmiga Ahaa Ee Ururka.

 

 



Shirweynahan oo labadii maalmood ee ugu danbeeyay ka socdey Hargeysa isla-markaana ka Qayb galeen

Hargeysa(TNN):-Urur siyaasadeedka Dalsan ayaa maanta shirwaynihiisii koowaad ku soo gabo gabe eyay hotel Crown ee magaaladda Hargeysa, ka dib markii lagu doortey hogaanka rasmiga ah ee uru rkaasi hagi doona.


Shirweynahan oo labadii maalmood ee ugu danbeeyay ka socdey Hargeysa isla-markaana ka Qayb galeen Ergooyinka Goboladda ee Ururka, Afhayeenka Gudida Diiwaan galinta Ururadda Siyaasada, Salaadiin, Cuqaal, Aqoonyahanno iyo Marti Sharaf kale oo tiro badan iyo weliba sidoo kale ayaa maa nta lagu doortay hogaanka ururkaasi . ...


Gabogabada shirwaynaha urur siyaasadeedka oo ergooyinka iyo marti sharafta kale loogu akhriyey barnaamij siyaasadeedka ururkaasi ku hawl-gali doono mustaqbalka haddii uu ku guulaysto doorash ooyinka soo socda isla-markaana lagu cod gacan taag ah lagu ansixiyey barnaamijkaasi. ....


Shirwaynaha ayaa sidoo kale cod gacan taag ah ku ansixiyey xubnaha guddida fulinta iyo go laha dhexe oo marka la isku daro isku noqonaya 127 xubnood, kuwaasi oo isugu jira rag iyo haweenka ururkaasi eek kala jooga dalka iyo dibada. ...


Shirwaynahan koowaad ee urur siyaasadeedka DALSAN ayaa intaa ka dib lagu doortay hoga anka rasmiga ah ee ururkaasi haggi doona mustaqbalka, waxaana halkaasi lagu doortay Gud doomiyaha ururkaasi oo loo doortay Ismaacii Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) iyo Guddoom iye Ku Xigeenka oo loo doortay Sacad C/raxmaan Qaadi, iyagga oo doorashadooda ka dib ha lkaasi ka jeediyay weedho Mahad-naq ah oo ay u jeediyeen xubnaha ururka ee doortay.


Guddoomiyaha rasmiga ah ee urur siyaasadeedka Dalsan oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “M arka hore waxaan salaamayaa dhamaan taageerayaasha urur siyaasadeedka Dalsan ee go or walba na garab taagan,sidoo kale waxaan mahad naq balaadhan u jeedinayaa Madaxwey naha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Ka run sheegay qodobkii uu olo lihii doorashada ku dhaw aaqay ee ahaa inuu ururadda siyaasadda furi doonno”

 



C/raxmaan Muuse Yuusuf
Timacade News Reporter
Hargeysa, Somaliland