Shirweynaha KULMIYE oo Muddo kale Dib loo Dhigay iyo Natiijadda Kulankii G/Qaban-qaabada

 


Hargeysa (TNN): – Shirweynaha 3aad xisbiga tallada Somaliland haya ee KULMI YE, ayaa mar kale dib loo dhigay muddo ku dhaw hal bil kadib markii uu ku qabsoomi waay ey waqtigii hore loogu cayimay inuu ku qabsoomo oo ku beegnaa beri 25-ka bisha Decem ber 2013.

Shir ay isugu yimaadeen xubnaha Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha KULMIYE iyo hogg aanka xisbigaasi maanta , ayaa lagaga dhawaaqay in shirweynaha la qaban doono daba yaaqada bisha kowaad ee sannadka cusub 2014.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha Guddida Qaban qa abada shirweynaha Abubakar Xaamud Jibriil oo hadal kooban siiyey warbaahinta kadib uu dhammaaday shirka ay sheegeen, waxay sheegeen in qabsoomida shirweynaha ay u cayi meen 21-ka bisha January 2014.

Ugu horreyn, Guddoomiyaha Guddida Qabanqaabada shirweynaha Mr. Abubakar Xaamud Jibriil, waxa uu sheegay in kadib falanqayn ay ka yeesheen dib-u-dhaca shirweynaha KUL MIYE ay isku raaceen in la qabto 21-ka January, ‘Qabsoomidii shirweynaha oo muddadiisii hoosta naga soo gashay darteed waxaannu go’aan ku gaadhnay in uu qabsoomo shirw eynihii xisbiga KULMIYE 21/1/2014,” ayuu si kooban u yidhi Abubakar Xaamud Jibriil.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa uga mahadnaqay guddiga qab an qaabada dadaallada ay ku samaysteen qorshahooda shaqo iyo doorashada hoggaan kooda.

“Waynu daahnay waana qasab inaynu dib u dhacno shirka intaas le’eg miisaanka leh sababo badan awgeed. Waxaan aan idiinka mahadnaqayaa inaad keenteen waqti ku habboon (21/01/2014), waana muddo dhaw marka la eego hawsha idiin taala oo ah hawl badan, sidoo kalena way dheer tahay oo waa muddo dheer, haseyeeshee waxaanu idinku raacaynaa tiisa, waxa inoo go’aan ah inaynu shirka xisbiga qabano waqtigaas,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

Guddoomiye Biixi waxa uu kula dardaarmay guddiga qabanqaabada inay xil wayn iska saa raan hirgelinta shirweynaha xisbigiisa, “Qabanqaabada shirkuna idinka ayey idinku dhaca ysaa, waxaanan jecelnahay inay cid waliba gacan idinku siiso sidii aad u gudan lahaydeen waajibaadka idin saaran, waana shir weyn oo ay isugu imanayaan dad badan, waanan idiin ducanaynaa dadka reer KULMIYE ee walaacsanaana waxaan leeyahay hawshii way dhama atay,” ayuu ku soo ururiyey hadalkiisa Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland