Shirwaynihii Ururka Nasiye oo Maanta Hogaan Cusub lagu Doortay, Dhaliilona usoo jeediyay Xukuumadda.

 

 



Geesta kalana mudane,Axmed Maxamed Cumar ,uu xukuumada ku dhaliilay in aanay ka dhabayn balan qaadkii..................



Hargeisa (TNN)-Urur siyaasadeedka nasiye oo ka mida ururada siyaasada ee dalka laga furay Ayaa maanta qabtay shirweynahiisii 1aad ku Qabsaday hotel Maansoor ee magaalada hargeisa gaar ahaan shirkan oo ay ka soo qayb galeen ergooyin tiro badan oo ka kala yimi guud ahaanba
Gobalada dalka jamhuuriyada somaliland ka koobantahay Khaasatan lixda gobal ee waaweyn iyo cuqaal salaadiin iyo marti sharaf tiro badan kuwaasoo dhamaantoodoba ka hadalay ahmiyada uu ururkani leeyahay Waxaan ugu horaynba halkaasi hadalo ka soo jiidiyay qaar ka mida gudida qab an qaabada Shirweynaha nasiye gudidan ayaa waxa hadalo ka dib si rasmiya ugu wareejiyeen xilka shirkaasi gudi ka kooban shan xubnood{5}taasoo gudoomindoota shirka inta uu socdo gu dudan oo uu gudoomiye u ahaa mudane:fahmi axmed madar oo halkaasi ka sheegay qaybaha iyo hananka uu u socdoono isaga oo halkaasi ka akhriyay xeerka iyo Barnaamij siyaasadeedka urur siyaasadeedka nasiye waxa kaloo ka hadalay madashaasi qaar ka mida Salaadiinta xildhibaano ka socday golaha guurtida somaliland ugu horayn waxa madashaasi ka hadalayxldhibaan cabdi qaa dir {indho indho} islamarkaan sheegay in ururkani yahay urur dhalinyaro islamarkaana bulshada reersomaliland looga baahanyahay inay taageeraan ururkan Waxa kale oo goobtaasi ka hadalay salaadiintii ka soo qaybgashay shirkan urur siyaasadeedka nasiye Oo ya ka mid ahaayeen sulda an axmed daahir Suldaan cabdiraxmaan dhuwal Suldaan ismaaciil suldaan cabdiraxmaan
 

Kuwaasoo dhamaantood soo jeediyay hadalo iskugu jira guubaabo iyo duco ay u dirayeen masuu liyiinta iyo taageerayasha iyo weliba bulshada reer somaliland Waxa kale oo halkaasi lagu ansix yay xeerka iyo barnaamijka urur siyaasadeedka nasiye Kaasoo ka koobnaa 32 qodob oo uu ka koobnaa xeerka iyo 16page oo ah barnaamij siyaasadedka ururka nasiye geesta kalana gudida s hir gudoominayse shirkani waxa halkaasi cod ugu qaadeen Tirada golaha dhexe iyo fulinta uu dh amaa 82 xubnood taasoo lagu ansixyay cod gacantaaga Waxa kale gudida shirka gudoominaysay goobtaasi ka sheegeen gudi lagu magacaabay gududa daba galka


Masuuliyiinta ururka oo iyana halkaasi lagu ansixyay iyadoo cod looqaaday Gaba gabadii waxa si rasmiya loo doortay hogaanka rasmiga ah ee hagidoona ama Hogaamidoona ururka nasiye  sha nta sano ee soo socda kuwaasoo laga xaadiriyay tirada Hogaameed ururku yeelandoono. Waxa ana loo doortay xubnahan :


1:Gudoomiye Axmed Maxamed Cumar
2:G/ku xigeen,  Cabdilaahi Ibrahin Habane
3:G/ku xigeenka 2aad Farduus Siciid Dirir
4:Xoghaye :Cumar Cismaan Cartan
5:Afhayeen:Maxamed Afgarad


Gudoomiyaha ururka nasiye ,Axmed Maxamed Cumar ,oo ka dib doorashadii ka hadalay halkaasi ayaa Waxa uu u mahad naqay dhamaan dadka ka soo qayb galay madashaasi iyo gudidii qaban qaabada Mahad naq ka dib waxa uu sheegay inay masuuliyadu leedahay culays isaga oo dadka ka codsaday inay u duceeyaan inuu ilaahay xilka u fududeeyo Geesta kalana mudane:axmed ma xamed cumar uu xukuumada ku dhaliilay in aanay ka dhabayn balan qaadkii uu xisbiga kulmiye ku balan qaaday waktigii ollaha lagu jiray qaar ka mida wixii uun kugalay tartanka doorashooyinka isaga oo farta ku fiiqay dhanka cadaalada iyo garsoorka oo uu sheegay inay Weli halkii taagan yihin islamarkaana waxba aan laga qaban oo ay xukuumada axmed silaanyo iska dhaaftay ila markaana ay qaaday wadadii xukuumadii hore ee laga cabanaayay waa sida uu hadalak u dhig aye.


Ugu dabayntii waxa uu sheegay gudoomiyahu in ururka nasiye uu yahay mid u shaqayndoona bulshada iyo qaranka somaliland islamrkaan ay u dooran doonaan golayaasha dalka dad aqoon
U iyo waayo aragnimo u leh waxay qabanaayaan oo aan marin ayuu yidh halkii kuwa maanta joogaa.


Mareen .sikastaba aheetee ururada laga furay dalka ayaa waxa uu mid walba ku dadaalayaa siday u kasbanlahaayeen awooda ama taageerada dadka reer somaliland guud ahaantoodba guda iyo dabdaba urur siyaasadeedka nasiye ayaa noqonaaya ururkii sagaalaada {9} ee qabta shirweynihiisa.


Iyada oo la filaayo in ururada kale ee hadhayna qabtaan inta ka horeysa 15aprile oo mudada ay gudida diwaangelinta ururada siyaasadu u qabatay oo ka mida shuruurdiihii lagu xidhay ururada
Si kastaba aheetee waxa la wada sugayaa cida noqondoonta xisbi qaran oo ka mida noqoda sedexda xisbi qaran dalkani yeelandoono
 


Mustafe Axmed Herer {HERER}
Timacade News Reporter
Hargeisa ,Somaliland