Shirwaynihii urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community

 

Urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community wuxu si xushmadi ku dheehantahay ugusoo marti qaadayaa qoomiyada reer Somaliland ee  dagg an galbeedka London shirwaynihii ururka oo dhici doona bishan September 25-keeda oo ku began Jimcaha soo socda, wuxuuna bilaabmi doonaa 6-da galabnimo.


Shirkan waxaanu idinkusoo bandhiggi doonaa wax qabadkii urur  jaaliyadeed ka ee sanadkii inna dhaafay iyo qorshaha mustaqbalka ee ururka isla  mark aana waxaad fursad u helli doontaan inaad fikirkiina ka dhiibatiin sida  hawlu hu u  so cdaan qaybna ka noqotiin si horumar taam ah jaaliyadeena ugu  qo rshayn kar no.


Waxa kaloo aanu shirkan shahaadooyin ku gudoonsiin doonaa ardayda reer Somaliland ee natiijo saraysa kasoo hoysay imtaxaanada sanadkan ee GCSE iyo A Level-ka oo aanu rabno inaanu dhiiri galino tusaale fiican-na u  noqda an dhalinta reer Somaliland ee ku dhaqan wadankan. Sidaa daraadeed  wax aanu idinka codsanaynaa inaad noosoo sheegtiin haddii aad leedahay amma garana yso caruur sanadkan imtixaanadaas martay, guul-na ka gaadhay.


Waxa kaloo shirka inagalasoo qayb galaya marti sharaf badan oo ay ka mid  yi hiin xildhibaanka barlamanka ee xaafada Hayes, Safiirka Somaliland ee  Lo ndon, Mayor-ka Hillingdon iyo qaar kaloo badan. Martidaasi waxay  gudoon siin  doo naan shahaadooyinka aanu siinayno caruurteena imtixaanada ku pass-tay. Fadlan waxaanu idinka codsanaynaa inaad wakhtiga soo ilaalisiin, si baaxad lehna aad ugasoo qayb gashiin shirkeenan oo ka mid ah isku  imaa dyada aanu ku rabno inaanu ku muujino jiritaanka qoomiyada reer  Somalila nd ee galbeedka London iyo guud ahaan dalkan UK.



Shirku wuxu ka dhacaya:
71 Coldharbour Lane (Salvation Army Centre) Hayes, UB3 3EE.

Goobtan waxay 4 guri u dhaxeeyaan makhaayada Jasiira ee ku taal Hayes.



Wixii faahfaahin ah kalasoo xidhiidh: xaafiiska urur jaaliyadeedka oo ku yaal xaafada Hayes, ciwaankiisuna yahay sidatan:

 Unit 3013, Access House, 1 Nestles Avenue, Hayes, UB3 4UZ. Telephone: +44 208 848 1180 amma +44 795 775 8340, email:wlondonsomalilanders@gmail.com
 

web: www.wlsomalilandcommunity.org.uk