Shirwaynaha Koowaad Ee Urur Siyaasadeedka Wadani Oo Si Toos Ah Uga Socda Hargeysa Iyo Shir-guddoonka Shirwaynaha Oo Hadda La Doortay

 



Shir-guddoonka shirwaynaha urur siyaasadeedka Wadani ayaa waxay ka kooban yihiin shan xubnood Daawo Sawiradda


Hargeysa (TNN)-Shirwayanaha koowaad ee urur siyaasada WADANI ayaa toos uga socda huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, waxaana soo kordhiya masuuliyiinta ka qayb-galaya shirkan.


Shirka waxa ka qayb-galaya shir-guddoonada labada golle baarlamaan ee Somaliland, ganacs ato, dhalinyaro, haween, Madax-dhaqameedka iyo aqoonyahanka Somaliland. Hadda ayaa w axa la doortay shir-guddoonka hagi doona shir-waynaha koowaad ee urur siyaasadeedka Wa dani labada maalmood ee uu soconayo.



Shir-guddoonka shirwaynaha urur siyaasadeedka Wadani ayaa waxay ka kooban yihiin shan xubnood oo kala ah:


- Maxamed Axmed Xasan Baashe.
- Axmed Xuseen Fagfagaash.
- Cabdiraxmaan Muumin Habane.
- Fowsi xaaji Cabdilaahi Dirir.
- Sahra Sacad

Ka sakow, shir-guddoonka la doortay waxa shirwaynaha fadhiya oo ka qayb-galaya taliyihii hore ee ciidamada qaranka Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif).


 

 


Mustafe Future
Timacade News Reporter
Maansoor Hotel
Hargeisa Somaliland
mccfuture@hotmail.com