WAR-SAXAAFADEED

 


Shirkii todobaadlaha ahaa ee golaha xukuumadda oo tirsigiisu ahaa 199, ayaa maanta oo ah 23-June-2016, ku qabsoomay hoolka shirarka ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Shirkan oo uu gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axm ed Maxamed Silaanyo, ayaa lagu lafaguray shaqada xukuumaddu dalka ugu xilsaaran tahay, gaar ahaan mowduucyada taagan wakhtigan xaadirka, kuwaasoo xubnaha was iirada ahina ka jeediyeen aragtiyadooda.

Waxa shirkan maanta si gaara loo soo qaatay xuska maalinta dhalashada Jamhuuriyad da Somaliland ee 26 June, oo ay ka soo wareegtay 56 Sannadood, maalintan oo ah ma alintii gumaystihii Ingiriisku ka laalaabtay dalkan Somaliland oo ahaa dhulkii ugu horeey ey ee Soomaaliyeed ee madaxbannaani qaata 26kii June-1960kii. Sida ay xuseen qaar
ka mida xubnaha golaha wasiirada ee shirka fadhiyey 26 June- waa maalintii dhalasha da Jamhuuriyadda Somaliland, waa maalinta summadda u ah dawladnimadeenna gaar ka ah, markhaatigana u ah in aan la soo noqonnay gobonimo aan hore u lahayn, balse aynaan ahayn dal, dal ka go’ay.

Hadalada wasiirada ayaa biyo dhacoodu ahaa in xuska 26-June, mudan yahay xushma d iyo qaddarin, sannad guuradan 56-aadna si weyn loo muujiyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gebegebadii xubnaha golaha xukuuma dda ee shirka fadhiyey iyo shacbiga Somaliland meel ay joogaanba faray inay ilaasha daan maalmaha summada u ah qaranimadooda ee ay ugu horayso 26-June oo ah ma alin ku dheer shacbiga iyo qaranka Somalilandba.



ALLAA MAHAD LEH



Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.