Shirkii shanta doqon
By Hamud Duale
 

 


Berri hore ayaa habar Somaliyeed, sidaan ku maqlay sheeko baraley, abaawaraheedii Ilaahay kala qaaday. Waa geeri iyo caadkeede odaygii halkii loo badnaa iyo aakhiruu u guurey oo si kedis ah; mawtulqafle ayaa diley. Dardaaran kama hadhin, loo raaco dhaxalkiisa.
Ifka wuxuu ka tegey, shan wiil oo doqomo ah iyo shanta maalala adduun iyo dameer shaa la yidhaa. Reer buuxa oo barakaysan, ayuu ka tegey.
Habartu geesiyad, fariidnimo u dhalatay, oo reerkaa buuxa, wiilasha aabahood la dhaqday ayay ahayd. Way og tahay, wiilasheedu, in ay yihiin doqmo aan kob caleen leh ka soo durdurin, oo nacab iyo nasteexna, beeshu warkooda qabto. Waxay ka baqday wiilashaa, Ilaahay sidaa u gartay, in ay dhaxal wareegaan.
Nin waliba, way og tahay, ragga beesha, in uu xeeladiisa iyo xoogiisa la imman doono. Mid ku doodaya in uu yahay dumaalkeedii oo uu yeeshay meherkeeda, mid xoog wax ku doonaya, mid xarago, qurux iyo shukaansi, afmiishaar nimo, iyo haasaawe duleed adeegsanaya, oo in qalbigeeda hantiyo doonaya oo dabaal joogteenaya.
Xaga shareecada waxaa yeeshay meherkeeda, macangag liita, oo ay hore nolol, ku deyrisey, oo isaguna diinta cuskanaaya oo meel laga dhaafaa jirin.
Habartan geesiyada ah, ee fariida ah, inkasta oo ay ragga qaarkii quruxdooda iyo raganimadooda u qushuucada, oo ay laabta ka jeclaatay, in ay la laamadoodo, caddoo lool la cayaarto, isdaadiyaan meel yar diismaysa, darin wada jiibsadaan oo ay dugsato, Xaashaa kalaa damacaa iyo dareenkaa dib ayay u liqday, waayo ujeedadooda, quluubtooda ayay ka daalacatay, in ay duunyo doon yihiin iyo dhaxal wiilasha doq ma ah.
Habartii go'aan bay qaadatay. Iyada yeelkeeda, waxay ku talaabsatay, in aanay shanta wiil, ee Ilaahay ka beeray, aanay dhaxal wareegin. Way iskugu yeedhay. Waxay ku tidhi, waa orda oo duleedka u baxa, geedkaa hadhaca fadhiista. Fooda is geliya sidii rag shiraya. Ulihiina dhulka ku xariiqa sidii rag baanaaya, arrimaha ka baaraan degaya.
Beeshii baa yaabtay. Kii u yimaada iyo qofkii weydiiyaba, waxay habartii, ku tidhaa, waxay ka shirayaan siday dhaxalka ay u qaybsan lahaayeen.
Todobaad markay, halkii gundudeen, dadkii hungurigu wadey, ee quudhsanayey shanta doqon, quusteen, maxaayaalay rag bay noqdeen waa kuwaa shiraya, ayaa meel laga dhaafo la waayey.
Waxaan uga gol leeyahay, shir qarameedka Somaliland ku murmaysaa, qiimaha uu leeyahay. Waxaa la garan la'yahay, intay habartaasi garatay, iyada oo weliba u hamooneysa in ay hesho, ninkii dadab la seexan lahaa, ee dumaali lahaa amma dooni lahaa.
Waa hubaal, haddii la yidhaa Somaliland ayaa shireysey, oo dood cilmiyeed qabsatay, in indhaha caalamku, ee ictiraafka laga doonayaa, ku soo jeedsan lahaayeen. Waa hubaal in loo qiri lahaa dal dimoqraadiya oo aanay koox iyo kelidii taliye ka amar ku taagleeney. Waa hubaal shacabigu midnimo iyo kalsooni ka qaadi lahaa.
Hadal iyo dhamaantii, waxaan leeyahay Somaliland waa u dan eh, amma xusbiyaal qaran ha qaban qaabiyaan, amma dawladi ha qabanqaabiso, amma madal ka madax banaan xusbiyadu ha qabanqaabiyaan, waar duleedka ha loo baxo, ha la gunddudsado, fooda ha la isgeliyo, sidii ummad shiraysa oo habka dimuqraadiyada ku dhaqamaysa.