Shirkii London Oo
Dhamaaday Lana Go'aamiyay In Somalila nd Iyo Somaliya Wadda Hadlaan
Iyo Go’aamo Kalle
Go’aamadda hordhaca ah ee shabakadda Timacade News helayso ayaa waxa
ka mid ah in in beesha caalamku ay aqoonsan tahay wadda hadal kasta
oo dhex mara Somaliland iyo somaliy a...
London (TNN)- Shirkii ka socey magaaladda London ayaa la soo
gabagabeeyay waxana laga soo saaray 26 Qodob oo kalla duwan, kuwaas
oo ay intuba ku taxaluuqeen sidii xal waara lagu helli lahaa dalka
Somaliya ee Dagaaladda iyo Colaadu aafeyeen.
Go’aamadda hordhaca ah ee shabakadda Timacacde News helayso ayaa
waxa ka mid ah in In beesha caalamku ay aqoonsan tahay wadda hadal
kasta oo dhex mara Somaliland iyo somaliya, waxana ay sheegeen in ay
haboon tahay in somaliya iyo Somaliland ay wadda hadlaan si ay mu
staqabalkoodda iyo aayahoodda uga wadda tashadaan, waxana uu
qodobkani daaha ka rogaya a in beesha caalamku aqoonsan doonto
go’aan kasta oo ka soo baxa wadda hadalka Somaliland iyo Somaliya,
waxana ay sheegeen in dawladda loo soo dhisi doono somaliya Bisha
Ogost ee Sanadkan loo baahan yahay in ay la hadasjho Dawladda
Somaliland isla markaana ay ka wadda xaajoodaan go’aamadda iyo
Mustaqabla Labadda Dawldood.
Sidoo kalle Qodobadda laga wadda hadlay ayaa waxa ka mid ahaa in
Beesha Caalamku ay xoog u la shaqeeyso talaabona laga qaado cid
kasta oo curyaaminsa Xasiloonidda iyo Horumarka S omaliya, Sidii loo
Dalka SOmaliya loogu sameyn lahaa guddii dhaqaalle, oo uruurisa
dhaqaalaha si goobta loga saaro arimaha Musuqmaasu ee rakaadiyay
dalka Somaliya, Sidii loo xoojin lahaa amaanka si loo cidhibtiro
Agigixisadda iyo Budhcad badeedka, in la dardar galiyo hashiisyaddii
ka dhacay Jabuuri iyo Garoowe, in la qabto kulan danbe kaas oo
lagaga arinsanyo somaliya, shir kaas oo la sheegay in uu ka dhacayo
Dalka Turkey gaar ahaan caasimadiisa Istanbul iyo arimo kalle.