Shirkii London ninba dhan u badi, koox waliba ili tidhi
oo ardaaga u boodey, la hagoogatey xarago.
“Waa laguu gafoo waa lagaa gardaraadayee, Gacalkaad
lahayd baa yaxaas afkaaga gashee, m a gam oo hurdo wayga
guurtee, Galbataye Allow gaban yahay ku gargaar,
Garabkaaga Ilaah h a galee, garabkaaga Ilaah ha galee,
Garabkaaga Ilaah ha galee, garabkaaga Ilaaha ha galee”.
Ilaahay ha naxariistee waa ereyadii, laxankii iyo
luuqdii Cumar Dhuule Cali
Shirkii London ninba dhan u badi. Koox walib lib iyo
guul u gaar ah oo aan cidi la wadaagin ayay u
damaashaaday, u dabaaldegtey oo u mashxarada. Koox
weliba waxay ku andacooneysaa in ay riyadoodii u
rumowdey. Koox waliba xarago ayay la hagoogan tahay oo
lala tiicaysaa. Ilaa hadda lama soo sheegin cid ciil la
hagoogetey oo mudfac ridey sidii aynu uga baranay
shirarkii hore ee Somalida loogu qaban jirey Afrika.
Ree Galbeedka uu hurmuudka ka ahaa Ingriisku una
midoobey in ay u taliyaan Somalida kala maqan, ee if iyo
aakhiraba seegtay, kol hadduu meel iskugu keenay, guul
baa u soo hoyatey oo xarago ayuu la hogoogteen oo toodii
way u meelmartay. Damacooda qarsoon ee weli daaha laga
rogina markii loogu duugey qalinka, ili yidhaahdey oo
ardaaga u boode. Waxay u dabaaldegayaan in iyaga oo aan
ku hawshaan jidkii Ciraaq iyo Afgaanistaan cagta loo
saaray Geeska Afrika. Madaxda dalkan Ingriis khudbado
cabsigelin iyo khawf u badan ayay Uunka maqashiiyeen,
taasi oo marmarsiyo u siinaysa in la farageliyo oo ay
laga maarmaan tahay in naf iyo maalba loo huro sidii wax
looga tari dhibta soo fooleh.
Danbaa tidhiye lama duudsiyeen danabadii dhaadheeraa ee
sookayaha in ay geed ugu jiraan geesinimo kaa raadsadey.
Xagu gebi, xaguna gebi markay gelin ku eedaadey guntii
baa walaclaysay, oo talladoodu waa allahay ka alla.
Somaliland waxay u dabaaldegtey, in si gaar ah loo
tixgeliyey, oo sharaf iyo mudnaan gaar ah la siiyey
danabkii dheeraa, Mudane M/weyne Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo),
waxay u damaashaaday in ka maqnaanshaha shirarka, haddii
alla kuu roon yahay, ay boqolkiiba boqol dhaantey ka
dhex muuqashadu. Waxay u mushaxarada in walaalahooda
Somaliyeed la wada hadlo, oo ah qodobada aadka loogu
bogey labada dhinacba oo koox waliba ka ulanayso in ay
guul kama danbays uga soo hoyan doonto. Waxay u dabaal
degeysaa fallaadh cirka loo ganay oo la filayo in ay soo
noqoto.
Xaflad weyn oo lagu maamuusayey guulihii soo hoydey oo
aan Nuur iyo Naaleeye loo kala hadhin oo farxada iyo
raynrayn ku dheehnayd, oo London lagu qabtay shirkii
kadib, waxaa si dadban loogu canbaareynayey kooxihii ku
caan baxay shir diidka ilaa sabankii Cabdiraxman Tuur,
Cigaal iyo Riyaale. Waxaa loo marag furay, iyada oo aan
la magac dhebin, aqooyahanadii dhabta ahaa ee lagu
canbaarayn jirey shirar ka qaybgelista, dhiirigelinta
wada hadalo iyo ku hagoogashada tala xumaanta ka oogan
geeska Afrika, oo toodii loo soo laabtay 21 sano kadib.
Haddaan denbiga iska dhawr, farxada iyo raynraynta
dadweynihii gegida joogey, waxaa diley nabar aan daw
lahayn. Waxaa hadheeyey khudbidihii ay madaxdoodu si
isdabajoog ugu muujiyeen walaac ay ka qabaan beelaha
baalaha oo gegida lagu damaashaadayey ka maqnaa, in
badanina dudmo kaga maqan tahay dawladnimada Somaliland.
Siyaasad lagu soo dabaalo oo aan ahayn ilamaadeer iyo
ilma abtibaa la wada yahayna kumay baaqin. Taasina u
malayn maayo in ay wax ka tarayso nabar aan dawo lahayn.
Qiil diidan baa jira oo soomali waa wada ilma abti iyo
ilmaadeer oo hore ayaa loogu qanci waayey oo dagaal
looga baaqsan waayey. Hebel baa dawlada idiinku jira
Siyaad ayaa kala quustay beelihii ka soo horjeestey ee
la magac baxay SSDF, SNM iyo USC.
Waxaa sidaa si le’eeg loogu dabaaldegey, loogu
damaashaaday, loogu mashxar guulihii iyo libtii ay
shirka ka soo hooyeen iyo meeqaankii ay shirka ku
yeesheen kooxda uu hogaaminayey Sh. Shariif oo loola
dhaqmay Madaxweynaha madaxweynayaasha Somalidii ka
qaybgalay shirka.
Shirkii kadib, waxay kooxdani abaabuleen xaflad weyn oo
aan Nuur iyo Naaleeye loo kala hadhin oo farxada iyo
raynraynta ka muuqata aan la malayn Karin. Gabayadii iyo
qoob ka cayaarkii waxaa googoysey muwaadinka dhabta ah,
Maryan Mursal Ciise iyo kooxaheedii.
Khudbadihii laga akhriyey marka laga reebo Faroole oo
culayska saaray federaalka iyo Shariif oo ka goos
qabsaday fedaraalka waxay u badnaayeen koonfur oo
midaysan oo ay wada hadlaan walaalahooda Somaliland oo
markii ugu horeysey kala soo qaybgalay shirkii London.
Waxaa ka muuqatey in ay leeyihiin bukaan jiif ayaanu
ahayne waad mahadsan tihiin haddaad idinkoo bukaan
socoda shirkii –cisbitaalkii- nagu soo booqateen,
Ilaahay ha idinka abaalmariyo. Wada hadalkana Ilaahay ha
innagu guuleeyo.
Haddaan intaa ku dhaafo soo dhaweyntii guulihii shirka
lagala soo laabtay iyo damaashaadkii kooxaha bal aan
isweydiino muxuu kaga duwanaa shirkani, shirarkii hore
ee Afrika lagu qaban jirey?. Ma wax ha lagu sheegee
maanka la kaashuu ahaa mise taayada ku soco oo
shadhaabay cudud kuu sheegtay? Ma la hubaa in damac reer
galbeedku ku egyahay daminta jalabutaynta alshabaab iyo
budhcad badeeda?
Maanta dulmarkaa ha innoo joogto. Su’aalahan,
Jawaabahooda waxaan u dhaafayaa Akhristaha.
|