Shirkii Labadda dal Ee Somaliland iyo Somalia Oo caaw La Soo Gabogabeeyay iyo Qodobada Lagu haeshiiyey

 

 

Markii shirkii soo dhammaaday ayaa Safiirka Somaliland iyo Soomaaliya u qaabilsan dalkaasi Tu rkigu ka akhriyay goobtii shirka, waxyaabha ay labada ku heshiiyeen. Iyadoo ay dhinacyada ka fadhiyaan labada Wasiir......

Hargeysa (TNN):- shirkii Wadahadalka ee dalka Turkiga uga socday labada waddan ee Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa goor dhaweyd lasoo gaba gabeeyay. Shirkan oo Saddexdii maal mood ee ugu danbeeyay ka socday dalkaasi Turkiga, wuxuu ahaa mid jawigiisu adkaa, isla markaana dhawr jeer lagu siktay in lagu kala kaco, hasayeeshe dawladda Turkigu ay si weyn uga odayeynaysay. Waxaanu waddan kasta ajandihiisa ka soo dhigtay qodobo xasaasi ah.


Markii shirkii soo dhammaaday ayaa Safiirka Somaliland iyo Soomaaliya u qaabilsan dalkaasi Turkigu ka akhriyay goobtii shirka, waxyaabha ay labada ku heshiiyeen. Iyadoo ay dhinacyada ka fadhiyaan labada Wasiir ee kala hoggaaminaayay labada wafti, kuwaas oo kala ah, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo maalgashiga somaliland DR maxamed c/laahi cumar iyo Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha dalkaasi Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Somaliland iyo Somaliya ayaa ku heshiiyey Saddex Qodob oo kala ah


1.In Hawada Sarre ee labada Wadan ee Somaliland iyo Somaliya dib loogala soo noqdo Qaramada Midoobay oo Hargeysa laga maamulo loona Saaro Guddi Farsamo oo hawshaasi Hargeysa ka Maamulaya Gudidaasina waxa soo kala Xulaya labada Dal.


2.in Muddo 4Billod ah Dib shir loogu yeesho Dalka Turkiga


3.iyo in la sii waddo Wadahadalada.

Dhanka kale wax laysku mariwaayey 7 Qodob oo labada dhincaba tanaasul ka diiday.

 



C/raxmaan Xaaji
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland