SHIRKII KULMIYE EE MAGAALADA BRISTOL
Bristol,UK (TNN)-Waxa shalay oo bisha December ahayd todoba
iyo toban ( 17-12-11 ) magaala d a Bristol ku qabsoomay shirweyne ay
isagu yimaadeen dhamaan gudida fulinta iyo toban laa mood oo xisbiga
Kulmiye ku leehaya wadankan UK iyo waliba ragga iyo dumarka bud
dhigga u ah xisbi g a Kulmiye ee UK. Waxaa kale oo shirkaa ka soo
qayb galay madax ka tirsan xukuumadda Soma liland oo ay ka mid
ahaayeen; Badhasaabka gobalka maroodi jeex Axmed Cumar Xaaji C/llaahi
( Xamarje ), Lataliaya arimaha dhaqaalaha ee madaxweynaha JSL, Axmed
Xasan Caro, La taliyah a madaxweyne kuxigeenka JSL Cismaan Saciid
Jaamac, Agaasimaha guud ee wasaaradda dibu d ejinta Axmed Cilmi
Barre, kuwaasoo dhamaantood ka soo qalinjebiyey xisbiga Kulmiye.
Waxaa shirka aayado quraan ah iyo wacyi diiniya ku furay Axmed
Faarax Cadarre ( Gees ) oo kana mid ahaa gudida fulinta ee kulmiye
UK, intaa ka dibna waxaa shirka qudbad soo dhaweyn iyo mahadnaq
isagu jirta ka jeediyey gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka laanta
Bristol X useen Axmed Caydiid iyo Max'd Xaashi Bacado. Xasan Cali
Weyd oo ahaa Gudoomiyaha qaban qaabada shirkan, ayaa isaguna halkaa
ka soo jeediyey khudbad dheer oo uu kaga warramayo sababihii
dheliyey shirkan iyo ujeedada laga leeyahay. Xasan Cali Weyd wuxuu
sheegay, in tan iyo mudadii uu xisbigu guusha laxaadka leh ka soo
hooyey doorashadii uu ku guulaystay madax weyne Axmed Maxamed
Maxamuud ( Siilaano ) aanu xisbigu isagu iman shirarkiisii joogtada
haa iyo hawl maalmeedkii xisbiga, sidaa la ajligeedna ay shirkan u
qabteen, sidii loo dar-dar gelin la haa hawlaha xisbiga ee UK.
Intii aan la guda gelin ajandahii shirka waxaa halkaa qudbado ka soo
jeediyey Duqayda bud dhi gga u ah xisbiga Kulmiye, madaxda Kulmiye
UK, madaxda laamaha Kulmiye UK, garabka haween ka Kulmiye UK,
garabka dhalinyarada Kulmiye UK iyo madaxdii ka tirsanayd xukuumadda
madax weyne Siilaanyo oo dhamaantood hawlo shaqo u jooga wadankan
UK.
Qudbadahaa madaxda ka dib waxaa la guda galay ajandihii shirka,
kaasoo qodobka ugu weyni uu ahaa sidii loo qaban lahaa shirweynihii
xisbiga Kulmiye, kaasoo labadii sannaba mar lagu soo doorto gudida
fulinta ee Kulmiye UK.
Dood dheer iyo falanqayn ka dib waxaa laysku raacay in madashan laga
xulo, xubno soo magac aaba gudida qaban-qaabada shirweynaha Kulmiye
Uk, waxaana halkaa lagu soo xulay xubno dhawr iyo labaatan ah oo
noqon doona gudida qaban qaabada shirweynaha xisbiga Kulmiye ee Uk,
shirkaasoo ku qabsoomi doona haddii Eebe raali ka noqdo mudo sodon
dharaarood ah oo ka bilaabmaya marka ugu horaysa ee gudidaasi isu
timaado.
Abdirizak Ibrahim Koshin ( Alpha
).
Timacade News Desk
Bristol,UK
|