Shirkii Golaha Wasiirada JSL ee Maanta iyo Waxyaabihii Lagaga Wada Hadlay

 

Shirkii Golaha Wasiirada oo uu gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta oo Isniin ah lagu qabtay xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu, waxa uu golaha uga waramay socdaalkii uu dhawaanta ku tegay isaga iyo wefdigiisu wadamada dibada oo uu ka mid yahay dalka Britain.

Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa golaha si qoto dheer uu uga waramay kulamadii kala duwanaa ee uu la yeeshay Madaxda dawlada Britain oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibada Mudane David Milliband iyo madax kale oo ka tirsan Xukuumada UK.

Waxa Madaxweynuhu kulamadaasi ku tilmaamay qaar midho dhal ah oo aad uga duwan kuwii hore ee ay la yeelan jireen dawlada UK, iyada oo imika si weyn u danaynaysa dawlada UK in ay si weyn wax ula qabato Jamhuuriyada Somaliland, haddii ay noqon lahayd mashaariicda horumarinta iyo gooni isu taiga Qaranimadeeda.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu soo qaaday kulamadii uu la yeeshay Madaxda dawlada Itoobiya oo uu ka mid yahay Raysal Wasaare Meles Zenawi, taasi oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo khuseeya Iskaashiga iyo wax wada qabsiga dhinacyada amniga iyho ganacsiga.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu iyadana soo qaaday kulankii uu la yeeshay Madaxda Jabuuti oo uu hogaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, taasi oo uu sheegay in si diiran oo kalgacal ah loogu soo dhaweeyay intii ay joogeen Jabuuti oo ay ka wada hadleen sidii ay u sii xoojin lahaayeen xidhiidhka walaaltinimo ee labada dal.

Alla Mahad leh

 


Siciid Cadaani Mooge