Shirkii Golaha Dhexe Ee Kulmiye Oo Maanta Si Rasmiya U Furmay Iyo Masuuliyiinta Qaranka Oo Aan U Kala Hadhin Ka Soo Qayb Galka Xaflada Furitaanka

 


 


Guddoomiyaha golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ...................... Daawo Sawiradda



Hargeysa (TNN)- Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ayaa maanta si rasmiya uga furmay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Xafladii lagu furayey shirka golaha dhex ayaanay u kala hadhin inta badan masuuliyiinta xilalka ka haysa qaybaha kala duwan ee Qaranka Somaliland, haddii ay tahay Wasiiro, Xildhibaano, Masuuliyiinta hay’adaha kala duwan ee Qaranka, Masuuliyiinta Gobolada Dalka iyo Masuuliyiinta Xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Goobta ay xafladu ka dhacayso ayaa amaankeeda aad loo adkeeyey iyada oo ay madashaasi ku sugnaayeen Ciidamada kala duwan ee Amaanku, waxaana ka soo qayb galay xafladani dadweyne aad u tiro badan oo ah taageerayaasha xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.
Shirkan golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee maanta furmay ayaa noqonaya shirkii Sadexaad ee Golaha dhexe ee xisbigani qabsado tan iyo intii uu jiray.

Guddoomiyaha golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cigaal (Jaamac Shabeel) oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa uga mahadceliyey dhamaan ka soo qayb galayaasha xafladani, isaga oo madashaasi kaga dhawaaqay in uu furan yahay shirka sadexaad ee Golaha dhexe ee Kulmiye, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan aad iyo aad uga mahad celinayaa ka soo qayb galayaasha xaflada, waxaanan halkan kaga dhawaaqayaa in uu inoo furan yahay shirkii Sadexaad ee golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye”.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay faa’iidooyinka Xisbiyadu leeyihiin.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa hadaladkiisii ka mid ahaa “Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa ka soo qayb taageerayaasha Xisbiga Kulmiye sida wacan ee ay uga soo qayb galeen Xaflada shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye.
Waxyar waxaan ka odhan doonaa xisbinimada, xisbinimadu waxa ay isku keentaa bulshada, waana ta keenta qaranimada, waana ta soo saarta hogaamiyeyaasha.

Xisbinimadu waa ta lagaga baxo qabyaalada
.
Waa nasiib wanaag in aas aasihii Xisbiga Kulmiye oo maanta Madaxweynaha Dalka ah inala fadhiyo, waxaanu helay 42% kalsoonida shacabka, waana xisbiga Kaliya ee inta sideetan cod lagaga aadkaaday ogolaaday oo waa kii Abaalkaasi uu galay xisbigu ka helay shacabka Somaliland aqlabiyada intaasi le’egna ugu codeeyeen.

Xisbiga Kulmiye waxa uu maanta diyaar u yahay in uu qiimeeyo wixii uu umadda u balan qaaday.

Xisbiga Kulmiye waxa uu wakhtiga hayey gaadhaysaa 30% shanta sano ee loo qoondeeyey marka loo eego waxaanu wakhtigaasi kordhiyey 100%, waxaanu fuliyey barnaamijkii ay umadda u balan qaadeen 40%”.
 



Sacad M. Cabdi
Timacade News Roporter
Hargeysa, Somaliland