Shirkii
20aad Ee Golaha Sare Ee Dallada Dhallinyarada Somaliland Ee SONYO oo
maanta Hargeysa Ka Furmey
Hargeysa (TNN)-Shirkii Kal-fadhiga
20aad ee Golaha Sare ee Dallada Heer Qaran Ee Dhallinyara da
Somaliland Ee SONYOAyaa Maanta si rasmi ah uga furmay Hotel Maansoor
Ee magaalada Har geysa.
Shirkan oo mid 4 biloodba ay Golaha sare ee dallada Sonyo ay
yeeshaan ayaa waxaa lagahadla a kolba xaalda jirta. Shirkan oo kii
2aad ee ay yeeshaan Golaha cusub ee Dhamaadkii sanadkii Hore lasoo
doortey ayaa waxaa kasoo qayb galley Furitaankiisii Wasiirka
Dhallinyarada Dhaqan ka iyo Ciyaaraha Md Cabdi Siciid
Faahiye,Fanaanka caanka ah Ee Nuur daalacey,Gudoomiyaha Dallada
SONYO Md Axmed Cabdi Wacays,Gudoomiyaha Ururka Socsa Khadar
Kaliil.Agaasimaha Dallada SONYO Siciid Mohamed Ahmed,Xubnaha Golaha
sare ee dallada ,qaar kamid shaqaalaha Dallada Sonyo iyo Saraakiil
sare oo katirsan Hayadaha EDC iyo Oxvon iyo martishar kalle.
Shirkan oosocondoona Muddo Laba maalmood ah awaxaa furey Wasiirka
Dhallinyaradda, CIyaa raha iyo Dhaqanka Md. Cabdi Siciid Faahiye
waxaanu halkaasi kasoo jeediyey Erayo kooban oo uu shirka kufuraayey
SONYO ugu hambalyeeyey waxqabadka balaadhan ee ay dhalinta u ha yso.
Wasiirka waxaa uu xusey muhiimada ay leedahey in dhallinyarada
somaliland wax lala qabto wa xaanu xusey inuu diyaar uyahey
lashaqeynta Dhallinyarada Somaliland waxaanuw asiirku dhal linyarada
usoo jeediyey iney ka dheeraadaan Aaafada Tahriibka. Gudoomiyaha
Dalalda Sonyo Md Axmed Cabdi Wacay oo halkaasi kahaldey ayaa sheegey
in shirkoodani 20aad ee dallada sonyo ay kaga wada hadli doonaan
wacyegellinta tahriibka iyo joojintiisa waxaanu sheegey ine y kasoo
saaridoonaan baaq.
Waxaa sidoo kalle halkaasi kaahdley Khadar kaliil iyo Nuur
Daalacey.Fanaanka Caanka ah ee Nu ur Daalacay ayaa isaga halkaas
Shahaado sharaf lagu gudoonsiiyey . Shirkani waxaa xusid mud an in
lagu ansixiyey maanta xubinta soo buuxisey booskii uu iska casiley
Md Casiis oo ah xildhi baan dallada uga wakiil ah ururarada Gobolka
sanaag waxaanu Siciid cudur daar uu bixiyey awg eed looga ogalaadey
iscasilaadiisaasi iasgoo waxbarasho dibadeed hellay waxaaa la
ansixiyey xubintii soobuuxisey..
sido kalle waxaa madasha kamuqudey Gabadha dhawaan lagasoo doortey
iney matasho ururr ada gobolka togdheer oo maanta ka qayb gashey
shirkii 20aad ee dallada. Shirkan labaatanaad oo bari lasoo
gabogabeyn doona ayaa waxaa lagud arsi doonaa horumarinta
dhallinyarada iyo wacyegellinta dhallinyarada ee tahriibka . Dhinaca
kalle waxaa maanta shirkan goobjoog ka ah aa Hayadaha EDC oo dallada
wada shaqeyn leyihiin warbixin badan oo ay kahdgeysatey dallada
kadib waxay isla afagrteen in laxoojiyo wadashaqeynta
Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqalle02@gmail.com
Hargeysa Somaliland
|