Go,aamadii
ka soo Baxay Shirkii Ka Socday Magaalada Burco

Shir balaadhan oo ka dhacay
magaala- madaxda Gobolka Togdheer ee Burco isugu yimi beelaha
Habar-Yoonis iyo Beelaha Habarjeclo
oo ay hogaaminayaan Salaadiinta /Boqorada labada beelood ayaa maanta
la soo gabagabeeyay, shirkaa oo ay kasoo qaybgaleen 200 oo ergay oo
isug jira Cuqaal, Siyaasiyiin aqoonyahan culimo-Awdiin iyo
waxgaradka bulshada shirkaas oo soconayay mudo labo maalmood ah,
waxaa lagaga wada arinsaday arimaha nabadgelyada iyo duruufaha
siyaasadeed ee cakiran, shirkaas oo ay gogashiisa fidiyeen beelaha
habarjeclo.
Ujeedada Shirka
• Shirkan oo ujeedadiisu ahayd
adkaynta nabadgelyada gobolka iyo kor u qaadida amaanka guud ee
Somaliland.
• badbaadada jiritaanka qaranimada Somaliland iyo xal u helida
arimaha siyaasadeed ee taagan.
• Xoojinta wax wada qabsiga labada beelood, xidhiidhinta iyo
iskaashiga beelaha kale ee Somaliland.
Go’aamada shirka
Falanqayn iyo dood dheer kadib waxaa ergooyinka shirkani si buuxda
isula qaateen go’aamadan soo socda:-
1. In labada beelood u wada noolaadaan si nabadgelyo iyo walaalnimo
ah lana xaliyo arimaha taagan ee xasiloonida waxyeelikara, sida
falkii Riyo-xidho ka dhacay.
2. In la-dhiirigeliyo wax wadaqabsiga bulshada iyo horumarinta
adeegyada guud ee degaanada labada beelood.
3. Waxay labada beelood u arkaan natiijadii diwaangelinta
codbixiyayaasha ee ay soo saareen Komishanka in si xun loo maamulay
oo aan layla ogayn iyadoo ujeedo gaar ah laga leeyahay sidaa darted
waxay isla garteen inaan la aqbalikarin hadii aan lasixin.
4. Waxay aragti-midaysan ka yeesheen labada beelood arimaha
Siyaasada ee taagan :-
A) In doorashadii madaxtooyada wadanka laga qabto wakhtigii loo
mudeeyay ee ahaa 29 march.
B) Waxay labada beelood u arkaan dib u dhigista doorashada ee soo
noqnoqtay mid lagu majara-habaabinayo umada dalkana lagaga abuurayo
khalkhal siyaasadeed siaa darteedna waxay kasoo horjeedaan wax mudo
kordhin ah.
C) Hadii doorashadu ku qabsoomiwaydo inta kahoraysa 6th April, oo ah
wakhtigii sharciga ahaa ee hore laysula qaatay waxay labada beelood
soo jeedinayaan in Golayaasha sharcidejintu go’aan ka gaadhaan
hogaaminta dalka iyo ciddii doorashada gaadhsiinlahayd, waxaanay
labada beelood ugu baaqayaan beelaha kale ee Somaliland inay mawqif
midaysan kayeeshaan.
5. Waxay labada beelood si wada jir-ah u magacaabeen gudi kashaqaysa
danaha labda beelood, hirgelisana go’aamada shirka lagu gaadhay
gudiga oo ka kooban 18 xubnood.
6. Gebagebadii shirka Sulaadiinta iyo ergada shirku waxay baaq
nabadeed u direen degaanada shiqaaqadu dhexmartay ee ceelbardaale,
Galgal iyo cagaarane waxaanay ilaahay u waydiinayaan in uu beerkooda
burcad isu mariyo.
Magacyada Gudiga
1. Maxud Aadan Dheri 1. Cabdi Xuseen Dheere
2. Jaamac ganafcade 2. Cali Madoobe
3. Axmed Soodaani. 3. Yuusuf
Boodh-isleged
4. Nuur Faarax Xirsi 4. Dr Aadan Mirre
5. Maxed Shukri.
5. Eng. Cali Siciid Raygal
6. Cali Ducaale
6. Yaasin Maxed Cabdi
7. Maxud Sandheere. 7. Cabdi Farjar
8. Maxud Cali Jaakuli. 8. Caaqil Xasan X. Cabdi
9. Cabdi Cali Dhaq. 9. Nuux
Cismaan (N.Dheere)
Magacyada Sulaadiinta iyo Boqorada
1.Suldaan Cismaan Suldaan Cali----------------- 1. Suldaan
Cabdilaahi Sul Cali
2.Suldaan Xasan Barre ----------------------- 2. Suldaan Maxud
Guuleed
3. Suldaan C/raxmaan Qodax
4. Boqor Maxud Cali Carab
5. Suldaan Carab Cabdi Cali
Source: TogdheerNews
|