Shirkadda Telesom oo ka Baxday heshiiskii ay Shirkadda Dahabshiil kula jirtay ee Wershada Sibidhka berbera

 


Hargeysa (TNN) shirkadda Isgaadhsiinta Telesom ayaa ka baxday heshiiskii ay iyada iyo shirkadda Dahabshiil berbera kaga dhisanayeen Wershad labaad oo Sibidh, taasoo ay Xukuumadda Somaliland u siisay Ogolaansho jahawareer ku abuuray gobolka Saaxil

Sida ay warar xogogaal ahi Waaheen u xaqiijiyeen shirkadda Telesom waxay go’aansatay inay ka noqto qaybtii ay ku lahayd wershada Sibidhka taasoo keli kaga dhigtay shirkadda dahabshiil inay ku qaadato Ruqsadii la wada siiyay.

Ilaa hada ma cada sababaha ay Shirkadda Telesom uga baxday wershadii ay doonaysay ee  Sibidh ka hase yeeshee sida ay ilaha warkan aanu ka helnay sheegayaan waxa jira dhawr arrimood oo ay ka mid tahay xasilooni darada iyo kacdoonka gobolkaasi uga aloosmay bixinta wershada labaad oo ay diidan yihiin dadka deegaanku, taasoo u muuqata hadii aan laga noqon inay xaaladu ka sii dari doonto.

sidoo kale waxa la sheegay inay dadajisay inay Telesom ka baxdo heshiiska ay Dahabshiil kula jirtay Xurgufta ganacsi ee ka aloosan Xeerka Isgaadhsiinta oo ay labada shirkadood dano kala duwan ka leeyihiin iyadoo saamilayda shirkadahaasina aanay isku aragti ka ahayn meel marintiisa, xataa  wax ay saamayn ku yeelatay inay dadka ganacsatada ah ee shirkadda Telesom saamiga ku lihi culays ku saareen shirkadooda inay kaga baxdo Sibidhka oo ay u arkaan fidno hor leh.

Si kastaba ha ahaatee Shirkadda Telesom waxa ay qaadatay inay dan kastaa hakaga luntee  Masl axado farabadan awgood uga baxdo heshiiskii ay dahabshiil la gashay, oo ay dad badani u arkeen inaanay iyagu marka hore qorshaha wadane uu dahabshiil ku dhaliyay

 

Source: Waaheen