Shirkadda Telesom oo Daah-furtay Adeegga Moobilka 3G oo leh Internet
Xawaare sare iyo Maqal

Wuxu macmiilka siinayaa xoriyad ballaadhan oo aad kula xidhiidhayso
ehelkaaga ......
Hargeisa(TNN)-Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom ayaa maanta markii
ugu horeysay Dadweynah a Reer Somaliland u soo bandhigtay
Isticmaalka Adeega 3G oo ah adeeg cusub oo ay shirkaddu ma
caamiisheeda u soo kordhisay, kaasoo ah adeeg la jaan-qaadaya
Tiknoolajiyada Casriga ah.
Maareeyaha Guud ee Shirkadda Telesom C/kariim Maxamed Iid oo ka
hadlay Munaasibad ay shirka du ku soo bandhigtay Adeega cusub ee ay
soo kordhisay oo lagu qabtay Xarunta guud ee shirkad da ayaa
sheegay Adeegan cusub ee ay Macaamiisha u soo kordhiyeen ee loo
yaqaan 3G’gu inuu u suurtagalinayo in ay goob kasta oo ay joogaan ku
heli karaan Isticmaalka Internet ka halka ay ad eegyada kale ee la
isticmaalaa ku kooban yihiin oo kaliya meelo gaar ah. Waxaana
hadaladiisii ka mid ahaa “Shirkadda Telesom waxay ku caanbaxday
“hal-abuurnimo” iyo in ay ku horrayso wakhti kastaba sidii bulshada
loogu soo bandhigi lahaa adeegyo casri ah, oo kabaya horumarka
noloshoo da.
Telesom waa shirkaddii ugu
horreysay ee dalka keenta adeegga caanka ah ee Zaad, oo macaamii
shayada u suurtogeliyay in ay macaamalaadka lacageed ku isticmaalaan
moobilkooda. Waxa kale oo ay shirkadda Telesom ku suntan tahay in ay
tahay shirkaddii ugu horreysay ee dalka keenta ad eegga moobilka,
internetka, GPRS-ka, Adeegyada SMSka ku salaysan ee wararka,
qaamuuska iyo kuwo kale.
Haddaba, kulankeenan maanta waxan ku soo bandhigaynaa adeeg kale oo
casri ah, xiiso badan is la markaana saamayn xoog leh iyo isbeddel
ku yeelan doona hab nololeedka mujtamaca reer Soma liland. Adeeggan
oo ah teknoolajiyad ka heer sarreysa adeeggii hore ee moobilka ee
Macaamiishu shirkaddu isticmaali jireen, waxana loo yaqaanaa “3G”
halka adeeggii hore ee shirkaddu isticmaali jirtay ahaa “2G”.
Adeeggan oo halku-dhegga shirkaddu u qaadatay yahay “La Jaanqaad
Jiilka Cusub” wuxu midanay aa, qofkana u suurtogelinayaa in uu
meelkasta ka wada helo adeegyada ugu muhiimsan nolosha bani-aadamka,
oo ah moobilka ku hadalka, internetka oo xawaare sare leh iyo
adeegga Zaad ee lacagaha. Taasi macnaheedu yahay in macmiilka haysta
Kaadhka Telesom ee 3G uu heli karo inter net xawaare sare leh, cod
tayo wanaagsan, adeegga maqal iyo muuqaal iyo Adeegga Zaad iyo Xa
waaladda Salaam oo wada socda.
Horumarka Teknoolajiyadeed ee Telesom
Shirkadda Telesom waxay maalinwalba samaynaysaa horumar la taaban
karo, oo saamayn wanaa gsan ku leh bulshada Somaliland dhexdeeda.
Sannadkii 2000 ayay shirkaddu bilowday adeeggii ugu horreeyay ee
moobilka gacanta laga qaato, dhowr sannadood kadib, sannadkii 2007
shirkaddu ad eeggaasi waxay ku ladhay adeegga GPRS-ka, oo
macaamiisha u suurtogeliyay in ay internetka ku isticmaalaan
moobiladooda, sannadkan 2011 wuxu noqonayaa in Telesom ku
guuleysatay in ay noq oto shirkaddii ugu horreysay ee
teknoolajiyadda 3G u hayaamisa Macaamiisheeda, waxayna heli doonaan
internet xawaare sare leh iyo adeegyo kale meelkasta oo ay ku sugan
yihiin. Macmiilka Telesom wuxu 3G Simcard ku isticmaali karaa
moobilkiisa (haddii uu yahay nooca 3G), computerkiisa ama
laptopkiisa.
Adeegga 3G iyo kii ka horreeyay ee hadda ay Macaamiisha Telesom
isticmaalaan ee loo yaqaano 2G-ga oo uu la socdo GPRS waxay
shirkaddu u dhistay shabakad ballaadhan, si ay macaamiishu u helaan
adeeg tayo leh, isla markaana ay heli karaan wakhti kasta iyo
meelkastaba.
Haddaba, maxaa keenay in Telesom ay hirgeliso Adeegga 3G? Koboca
teknoolajiyadda ee maalinba maalinta ka dambeysa dunida ka socda,
wuxu keenayaa in lala jaanqaado si ay u dhabowdo ballan
qaadkii Macaamiisha aanu u sameynay in aanu keeno teknoolajiyadda
ugu dambeysa, bulshadana wax badan ka beddeli kara noloshooda iyo
horumarkooda.
Sidaas darteed, shirkadda Telesom waxay noqonaysaa shirkadii ugu
saddexaad ee si dhab ah Ade egga 3G uga hirgelisa manqada aynu ku
noolnahay ee Geeska Afrika, marka laga reebo wadamada Kenya iyo
Uganda.
Faa’iidooyinka 3G u leeyahay Mujtamaca iyo Adeegga Zaad
Telesom 3G: La Jaanqaad Jiilka cusub, wuxu beddelayaa qaab
nololeedkii bulshada. Wuxu ku siinay aa in aad moobilkaaga ku hesho
internet awood iyo xawaare badan; kaasi oo aad u isticmaali kar to
barnaamijyada wada xidhiidhka (sida emails, facebook, twitter,iwm),
daalacashada iyo soo rog ashada xogaha codka iyo fiidyowga ah
(audio/video streaming ah), sida Telefishanada, idaacada ha iyo
macluumaadka kale ee la daawado ama la dhegeysto - sida kuwa wararka,
ciyaaraha iwm), la wadaagista ehelkaaga ama asxaabtaada sawirada iyo
macluumaadka kale ee digitalka ah iyaga oo kaa durugsan.
Faa’iidooyinka uu mujtamaca u keenayo iyo isbeddelka uu ku sameynayo
lama soo koobi karo, wax ana ka faa’iidaysan kara qofka shakhsiga
ah, hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn, ganacsatada iyo
guud ahaan mujtamaca – rag iyo haweenba. Waxana faa’iidooyinkaasi ka
mid ah:
Wada Xidhiidhka:
• Wuxu macmiilka siinayaa xoriyad ballaadhan oo aad kula
xidhiidhayso ehelkaaga, asxaabtaada iyo dadka aad wada shaqaysaan
meelkasta oo ay joogaan iyo meelkasta oo aad adigu ku sugan tahay.
Tusaale ahaan, farriimaha ku soo dhaca email-kaaga waxad u helaysaa
sida aad u hesho telefoonka ku soo dhaca.
• Maqal iyo Muuqaal (Video-Call) aad kula xidhiidhi kartid cidkasta
oo aad u baahan tahay.Arrima ha Bulshada (Waxbarashada, Caafimaadka
Bani-aadamka, Xoolaha, Degaanka iyo Dhaqaalaha, iwm):
• Wuxu sahlayaa adeegyada casriga ah ee M-Learning ama E-Learning,
oo ah in qofku uu toos wa xbarasho uga heli karo moobilkiisa, isaga
oo si fudud ugu xidhmi kara Jaamacadaha adduunka iyo kuwa dalkaba.
• Wuxu suurtogelinayaa Adeegyada M-Health, oo ah in macluumaadkasta
oo caafimaad uu si fud ud ugu soo dejisan karo ama ugala socon karo
moobilkiisa. Waxa kale oo dhakhaatiirta iyo ardayda caafimaadka uu u
suurtogelinayaa in ay ku xidhnaadaan, macluumaadna isweydaarsan
karaan khubarada iyo cusbitaalada caafimaadka ee dunida.
Wada-Shaqaynta
• Haddii aad tahay loo shaqeeye ama shaqaalaba waxad Telesom 3G ka
helaysaa taageero badan, adiga oo jooga gurigaaga, xafiiskaaga ama
meelkasta oo kaleba waxa kuu suurtogelaya in aad mo obilkaaga kaga
jawaabto emailska, u diri karto, kana heli karto dhukumentiyada
shaqada iyo macluumaad kale.
• Tusaale ahaan qofka hay’ad ka shaqeynayaa waxa u suurtogelaysa in
uu ka jawaabo emailska loo soo diray, la wadaagi karo dhukumentiyada
shaqada shaqaalaha hay’adda.
• Haddii uu qofku ganacsade yahay waxa u suurtogelaysa in uu
moobilkiisa ku qaato sawirada muunada allaabta, kadibna ku diro
moobilkiisa, haddana lacagta uu u baahan yahay in uu diro ama helo u
isticmaalo Adeegga Zaad.
Macmiilka Telesom wuxu gaadhay heer uu dabooli karo “BAAHIDII
AAS-AASIGA AHAYD” ee qofka. Adeegga Zaad oo lagu daray 3G Services –
waxay beddelaysaa qaab nololeedkiisii, waxayna siinay saa in uu
waxkasta ka qabto moobilkiisa – tusaale wuxu moobilkiisa ku xawilan
karaa lacag, ku kay dsan karaa moobilkiisa ama Xawaaladda Salaam, oo
marka uu doonana kala soo bixi karo; dibna ugu shuban karo
Moobilkiisa. Intaasi waxa dheer in markii ugu horreysay dunida oo
dhan, Macmii lku moobilkiisa Telesom kaga iibsan karo adeegyada ku
shabashada ku hadalka (voice) iyo kuwa kale ee data-da ee aan
faa’iidoyinkeeda ka soo hadalay. Wuxu qofku tegayaa lambarka 6, oo
uu markaasi kadib ka dooranayo airtime recharge, oo u kala baxsan
data iyo voice.
Sidaas darteed, waxaan odhan karaa Moobilka Telesom wuxu kulmiyay
waxyaabihii ugu muhiimsan aa, aas-aaskana u ahaa nolosha mujtamaca
sida moobilkii oo lagu adeegsanayo internet dheeree ya iyo
xawilaaddii lacagaha oo aad ka wada maamulayso moobilkaaga.
Shirkad ahaan, waxan ku soo dhoweynaynaa bulshada adeegyada casriga
ah ee Telesom 3G: La Jaanqaad Jiilka Cusub, iyada oo xarumaha
shirkadda ay ugu diyaar yihiin shaqaale loo carbiyay raaligelinta
macaamiisha iyo in ay warbixin iyo taageeroba ka siiyaan adeegga 3G.
Toddobaadyada soo socda waxa
bilaabmi doona barnaamjiyo taxane ah oo macaamiisha loogu soo
bandhigayo faa’iidooyinka iyo qaabka ay u isticmaali karaan adeegga
3G.Waxan ku faraxsanahay, kuna bogaadinaynaa shaqada fiican ee ay
qabteen Engineers-ka shirkadda iyo guud ahaan Shaqa alaha kaleba, oo
ku guuleystay dhammaystirka mashruuca 3G-ga, oo qorshayntiisa,
diyaarintiisa iyo hirgelintiisuba socotay sannadihii u dambeeyay,
tijaabooyinkii la sameeyayna ay dhammaanto od guul ku dhammaadeen –
waxana mahad dhammaanteed iska leh Illaahay (swt).
Khibradda shaqaalahayga iyo isku halaynta shirkaddaha caalamiga ah
ee aan ka soo iibsanay ade egga 3G oo ah kuwa dunida ugu horreeya,
waxay lafdhabar u yihiin guulaha adeegga 3G.
Ugu dambeyn, waxaan macaamiishayada leenahay idinka ayaan idiin
dhaafaynaa in aad si xoog leh uga faa’iidaysataan adeegga 3G,
annagana nagu haleeya in aan idiin keeno kolba teknoolajiyadda ugu
dambeysa; annaga oo hadda qalabkayaga u diyaarinay in si fudud loogu
guuri karo teknoolajiyadda 4G (LTE) mustaqbalka dhow.”
Khadar Cabdi Muse
Timacade News Desk
Hargeysa Somaliland
|