Shirkadda Oomaar oo Raashin ugu Deeqdey Xarunta Agoomaha Gabiley

 


Shirkadda ganacsiga ee Oomaar Company, ayaa shalay kaalmo raashin ah ugu deeqday xarunta Agoomaha ee degmada Gabiley.

Raashinka shirkaddu siisay xarunta agoomaha Gabiley oo ah mid ay ugu talogashay waqtiga bisha barakaysan ee Ramadaan waxa u ka kooban yahay 50 kiish oo bariis ah, 50 kiish daqiir ah, 30 kiish sonkor ah, 30 kartoon caano ah, 50 jirkaan oo saliid ah.

Badhasaabka Gobolka Gabiley Mr. Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib), ayaa hadal kooban oo uu munaasibaddii guddoonsiinta raashinka ka jeediyey, waxa uu si weyn ugu mahadceliyey shirkadda Oomar oo uu sheegay inay sannad walba kaalmo siiso xarunta agoomaha Gabiley, taas oo ah mid aad u culus miisaankeedana leh iyadoo aanay shirkaddu ku koobnayn buu yidhi raashinka oo keliya, balse ay siiso waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin iidaanka raashinka, Qaloodiga xoolaha iyo dhar iyo kabo, sidaa darteedna looga baahan yahay dadwaynaha reer Gabiley gudo iyo dibedba inay kaga daydaan tallaabada tallaabadaa shirkaddu qaaday oo ay siiyaan xarunta agoomaha wixii ay u qaban karayaan.

Maamulaha Xarunta Agoomaha Gabiley Mr. Cumar Cabdi Muxumed (Cumar Dheere), ayaa isaguna si weyn ugu mahadnaqay Oomar Company, isagoo sheegay in waxqabadka xarunta agoomaha ee shirkaddu uu yahay mid kaalin wayn ugu jira oo aan ku koobnayn raashinka ay sannad walba cunaan iyo iidaankiisa, balse u dheer tahay deeqo isdaba jooga ah oo ay siiso xarunta agoomaha Gabiley, sida gharka, kabaha iyo dhismaha hool weyn oo xarunta dhexdeeda dhawaan shirkaddu hirgelisay, taas oo uu xusay inay ka danbaysay ballanqaad uu sameeyay mulkiilaha Jaamac Oomar.

“Mahad weyn baanu u haynaa haddaanu nahay masuuliyiinta xarunta agoomaha Gabiley, guud ahaana dadka reer Gabiley waxaan leeyahay tusaale wayn ha idiin noqoto oo aad kaga dayataan Jaamac Oomar Seed si aad idinkuna wax ugu qabataan carruurtiina,” ayuu yidhi maamuluhu.

Waxa kale oo isaguna ka hadlay Cabdillaahi Faarax oo ka mid wakiillada shirkadda Oomar Company ee Gabiley oo sheegay inay dardaaran wayn ku qabaan ilaalinta iyo ka warhaynta xarunta Agoomaha Gabiley oo aan ku koobanayn oo keliya sannad walba marka xilligan oo kale raashiinka la siinayo balse nalagu amray inaanu wax kasta oo ay u baahdaan siino.

Maaha markii ugu horreysay ee shirkadda Oomar deeq noocan ah siiso agoomaha Gabiley, haseyeeshee sannad walba waqtigan oo kale ayey deeqdan oo kale siisaa, iyadoo shirkaddu si weyn uga warhaysa xaruntaas.

Jidka Weyn ee Badhtamaha Gabiley oo Dib loo Dhisayo

Gabiley (Jam)- Jidka weyn ee badhtamaha magaalada Gabiley, ayaa shalay lagu bilaabay in dib loo hagaajiyo, kaas oo burburay oo u baahnaa in wax laga qabto.

Dawladda hoose ee Gabiley ayaa shalay subax bilawday inay dib-u-dhisaan jidka wayn ee badhtamaha magaalada oo wax yar ka sii hadhsanaayee burburkiisa, waxana barqadii la geliyay cagaf labada haad ee jidkaas oo laga guray ciidda si loo simo loona hagaajiyo.

Waxa isa soo tarayey dhawaanahan yididiilooyin hor leh oo uu gobolku horseed u yahay, kaas oo ay ku dhiirradeen dawladda hoose inay wax ka qabtaan horumarinta bilicda magaalada Gabiley oo kor loo qaaday, iyadoo kawaan cusub dhawaan loo furay hilibleyaasha Gabiley, qashinka magaalada olole ballaadhan lagu qaaday gaadhi iska rogo ahna loo iibiyay dawladda hoose qaybta nadaafada iyo bilicda.

Haddaba, jidkan laamiga ah ee cusub oo noqon doona lafdhabarta magaalo-madaxda Gobolka Gabiley, ayaa maalinba maalinta ka danbaysa sii burubayey cid hore wax uga qabtayna aanay jirin, taas oo ay maamulka dawladda hoose xil iska saareen sidii loo hagaajin lahaa jidkaas oo ah halbowlaha bilicda magaalada Gabiley.

Waxa dib-u-dhiska jidkaas laga bilaabay inta u dhexaysa isgoyska waddada sare ee New Gabiley ilaa khayriyada oo qiyaastii ilaa hal km oo dherer ah, sida ay xaqiijisay Maayar/xigeenka Gabiley Marwo Khadra X.ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Gaydh), waxana dhinaca qalabka ka caawiyey maayarka caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir.

 

 





Source:Jamhuuriya Online