Shirkadda oo Booyad Biyood Guddoonsiisey
Cusbataalka Edna Adan
 


Doorka Shirkadda Dahabshiil ee Adeegga Bulshada


Hargeysa (TNN)-Shirkadda Dahabshiil ayaa toddobaatankan guddoonsisay Cusbataalka weyn ee Edna Adan University Hospital booyad biyood si ay uga kaabto cusbataalka, ugana haqab tirto, helidda biyaha oo aan looga maarmin cabbitaanka, nadaafadda iyo bilicda cusbatal-jaama cadeedka.

Dr. Edna Adan oo ka mahdadoonaysa deeqdaa mugga leh ee Shirkadda Dahabshiil soo  gaadhsii say, kuna halqabsanaysa maamulka Sare ee shirkadda, waxay tidhi: “Waxaan si farxad leh  kuu la socodsiinayaa in maanta oo bishu tahay 15 August 2010 ay gacanta cusbataalka soo  gaadh ey booyaddii biyaha ee aad noogu deeqday”

“Aniga oo ku hadlaya afka dadka buka ee cusbataalka jiifa, kuwa wax ka barta, kuwa ka  shaqe eya iyo maamulka cisbitaalka, waxa aan ku soo gaadhsiinaya mahadnaq iyo duco … iyo in uu  Ila ahay idinka abaalmariyo deeqdaa aad na soo gaadhsiiseen”, ayay tidhi Dr. Edna.


“Ma garan karo runtii,” ayay tidhi Dr. Edna, iyada oo sii wadda mahacelintii Shirkadda, “si aan u cabbiro abaalka iyo qiimaynta aan u hayo deeqdan la taaban karo ee deeqsinimada ah ee aad cusbataalka u hurtay.”


Ma aha markii u horreysey ee shirkadda Dahabshiil gacan ka geysato Cusbataalka Edna Adan Maternity ee waxa Shirkadda Dahabshiil hore u gaadhsiisey cusbataalka wakhtiyo kala geddisan deeqo isugu jira dhawr nooc oo mid qalab, mid maaddi ah iyo mid dhismeba leh.


Dhinaca kale, ma aha markii u horreysey ee Shirkaddu taageerto caafimaadka aasaasiga ah ee bulshada ee waxa ka mid ahaa deeqaha Shirkadda Dahabshiil u hurtay daryeelka caafimaadka ee bulshada ambalaasyo shirkaddu kala siisay cusbataallada dhimirka ee Burco iyo kan Oodweyne iyo gobo kale oo caafimaad oo sedan si ka faahfaahsan aad uga war heli doontaan.


Qormooyinkii ka horreeyey qormadan ee doorka shirkadda Dahabshiil kaga jirto horumarinta bulshada, waxa lagu soo qaaday taageerada shirkaddu ka geysatey goobaha adeegga bulsho ee waaweyn qaarkood oo ay ka mid yihiin Jaamacadda Hargeisa, Jaamacadda Cammuud iyo Cusbataalka Hargeisa Group Hospital.



Source:SDWO