Shirkadda Juba Express oo si balaadhan uga dhexmuuqtada Carwada Qanacsiga Somaliland Ee AOA.





Hargeysa (TNN)-Shirkadda Juba oo ka mid Xawladaha casriga ah ee Somalida ayaa door muuqda oo wax ku ool ah kaga jirta carwada qanacsiga Somaliland oo maalintii seddexaad kasocoto Hotel maansoor Ee Magaalada Hargeysa.

Masuuliyiinta Shirkada Juba Express oo aan saaka kula kulaney goobta carwada ay ka socoto ay aa faahfaahin naga siiyey Shirkada xawaalada ee Juba iyo adeegyadda kalla duwan ee ay qaba to.



Maxamed Axmed Ismaaciil {Dhimbiil} Issuduwaha Shirkada juba express qaybteeda Somaliland ayaa nooga xogwaramey shirkadda Juba express iyo adeegyadda kalla duwan ee ay u qabato bulshadda.

Md Dhimbiil waxaa uu sheegey iney Xawaalada casriga ah ee juba express ay bixiso adeega Xawi laada Lacagaha,Bixitaanka lacagaha dibada lagasoo diro,iney adeeg hufan,Amaano Iyo Deg degs iimo aad utaya sareeya aysiiso macaamiisheedda. Sharaf Mudan.

Md Dhimbiil oo hadalkiisa sii wataa waxaa uu sheegey iney xafiisyo kalla duwan ku leedahey dham aan Gobollada Iyo Degmooyinka Somaliland oo kalla ah ,Maroodijeex,Togdheer,Awdal,Saa xil,Soo l,Sanaag,Gabiley,Sheekh,Saraar,Wajaale, iyo qaar kale oo badan.

Xafiiska Shirkadda Juba Express Ee Somaliland Xarunteedu ay tahey Hargeysa.

Sidoo kale Shirkadda Xawilaada Lacagaha ee Juba Express. Waxay shaqeysaa Maalinta Jimcaha si ay dadku lacagaha loosoo diraayo iyo kuwa ay dirayaanba maalinwalba uqataan una helaana deegaydda shirkadda. Si ugu faaideystaan dadka shaqaalaha ah ee maalminta fasax ah.

Adeegyadda Dheeraad ah oo laxidhiidha Technolgyada Casriga ah ayaa Shirkadu soo wadaa San adka Cusub. Iyadoo si balaadhan uga hawl gellidoonta Dhamaan gobollada Somaliland.Iyo Daafah a Dunidaba.

Waxay Gabo gabadii masuuliyiinta Shirkadda Xawilaada Lacagaha ee Juba Express Sheegeen in magaalooyinka iyo miyigaba adeegyadooda ay dadku kahelidoonaan lacagaha loosoodiro.

Waxaa goob joog ka ahaa maanta Masuuliyiinta kale Ee Shirkada Juba Express oo kalla ah Ifraax Maxamed Ibraahim Iyo Muuse Daahir Yuusuf{Muuse Dheere}.



Ahmed Maxamed Shaqalle
Shaqalle02@gmail.com
Hargeysa Somaliland