Shirkadda Isgaadhsiinta Ee Telesom Oo Ku Guulaysatay Inay Ruqsad U Hesho Adeega G2A Ee Internet ka

 


 


Hargaysa (TNN) :-Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom ayaa si rasmi ah ugu Guulaysatay inay hesho Ogolaanshaha Adeega Internet-ka badda hoostiisa mara ee G2A, kadib markii ay dhawaan keeneen Markab Sahamin ah oo dhawaan soo dhigi doona xadhiga sida Intern et-ka xawaarihiisu dheereeyo, kaasoo ay ka faa’iidaysan doonaan dalalka Somaliland, Et hopia iyo Maamul Goboleedka Puntland.

Telesom ka gaadhay mashruucan waxa u sahlay xirfadda iyo waayo aragnimada ay u leey ihiin Adeegyada Isgaadhsiinta ee ay shirkaddu muddada dheer ku soo jirtay, iyo iyadoo Heshiiska ay la gashay shirkadaha Omantel oo ah shirkadda Isgaadhiista Qaranka ee dal ka Cummaan iyo shirkadda kale ee Xtra Communications Inc. oo ah shirkadda iibisa adeeg yada iyo qalabka isgaadhsiineed ee xarunteedu tahay dalka Maraykanka taasoo ka dhiga ysa inay suurtogalinayso Internet-ka ugu baaxada weyn barriga Afrika.

Dedaalka shirkadda Telesom waxa uu ahaa mid muuqda tan iyo markii Xukuumadda Soma liland iyo Golaha Wakiiladdu Ansixiyeen in Kooto loogu xidho shirkadda SOMCABLE adeega Internetka loo yaqaano Fibre Optic-ga, kaasoo markii ugu horaysay ay shirkadaasi ka hir galisay Hargeysa isla markii Ruqsada loo siiyey-ba, hase yeeshee Telesom mar-na kamay caajisin inay iyana si uun ku suurtogaliso inay jabiso Heshiiska ay Xukuumadda Somaliland kula gashay mudada 25-ka sano ah.

Telesom iyadoo kaashanaysa shirkadaha Ethio Telecom iyo Golis Telecom oo itoobiyna iyo Puntland ka kala jira waxay horaantii sanadkan shaaca ka qaadeen inay sanadkan suurtogalinayaan inay Dalka Cumaan ka soo qaadanayaan Fibre optic-ga, waxaanay balanqaadkoodaas kaga dhabeeyeen toddobaadkii hore kadib markii Markab kuwa Sahanka oo laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabtu uu soo gaadhay biyaha Badda Berbera, kaasoo ay ku baraarugeen qaar ka mid ah masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland iyo Dawladda Jabuuti, waxaana mar kaliya Oogsaday khilaaf huursanaa oo ka dhex qarxay Xukuumadda Somaliland iyo shirkadda SOMCABLE, kaasoo ku so oaf-jarmay in xilka laga qaado Wasiirkii Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland iyo Taliyihii ciidanka ilaaladda Xeebaha.

Hase yeeshee tan iyo markii uu qarxay eelkii qarsoonaa ee ay xukuumadda Somaliland qa rsanaysay waxa soo baxaya in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ogola ansho rasmi ah siiyo shirkadda Telesom, kadib markii la ogaaday inay xukuumadda Somali land qayb ka ahayd imaashaha Markabkan, isla markaana la danbabasay baaqiga kooxdii qaybta ka ahayd inay Telesom si sahlan ugu Guulaysato qorshaheeda.

Sababaha xilka qaadista labada masuul ayaa loo aanaynayaa inay ahayd talaabo lagu soo af-jarayey in Eedo gasho meelo kale, hase yeeshee waxa cad in ay qoorta u dhigteen su urtogalinta mashruuca Telesom oo muddo dheer laga soo shaqaynayey.

Wasiir Abgaal waxa la sheegayaa in uu sifo sharci ah u maray siinta Ruqsada ay Telesom ku keentay Markabka, isla markaana uu la tashaday Garyaqaanka Guud ee qaranka kaa soo meesha ka saaray sharcinimada Kootadii Golaha Wakiiladda, halka Taliye Xiirane oo fuliyey Amarka wasiirka, isla markaana uu hor istaagay amarkii la faray ee ahaa in uu soo xidho Markabka, kaasoo haddii uu fulin lahaa Somaliland ku keeni lahaa jahawareer siyaas adeed oo cagta galiya Dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta oo qayb ka ah mashruuc an.

Inkasta oo su’aalo badan la iska weydiinayo halka ay sartu ka qudhuntay iyo waliba saa maynta uu mashruuca Telesom ku yeelan doono Mandaqada, hadana waxa muuqata cida uu saamaynta ugu xun ku yeelanayaa inay tahay shirkadda SOMCABLE iyo mataankeeda Jabuuti, hase yeeshee waxa soo baxaya ifafaale sheegaya Jabuuti inay mar walba la soc otay xaaladda isla markaana ay olole kale ugu jirtay inay iska caabido awood sheegash ada Telesom.

Shirkadda Isgaadsiinta Jabuuti waxay bilowgiiba heshiis kale la gashay shirkaddo ay ka m id yihiin Telesom, Somtel iyo shirkaddo kale, kuwaas oo ay ku midaysay hindisaha shirkadd kale oo la yidhaa DARE, kaasoo ay gadh-wadeen ka tahay isla markaana ay tartan kula gali doonto Adeega Fibre Optic-ga.

Shirkadda Isgaadhsiinta Jabuuti waxay ilo wareedyadu sheegayaan halkii ay kaga gor gor tami lahayd muran iyo khilaaf dhex mara dhigooda Telesom, Ehtio Telecom iyo Golis Teleco m, inay kulan deg deg ah kooxdeeda ugu qabatay caasimadda Jabuuti, si ay iyana dhinac ooda u dar-dar galiyaan inay keenaan xadhig ka weyn kii hore ee SOMCABLE.

Tartanka shirkaddahan oo u muuqda kuwo kala ololaysanaya, haddana markaad eegto dh inac qudha ayay u wada socdaan, waxaannay saaxadda ku soo kordhinaya Adeeg ay ma ndaqadu in badan u haraadanayd oo ah Internet-ka xawaarihiisu dheereeyo, kaasoo wa x ka tari doona baahida ay kaga dib dhacsan yihiin dunida horumarka ka gaadhay Isgaa dhsiinta casriga ah.