Shirkadda
Isgaadhsiinta Casriga ah ee SOMTEL oo soo ban dhi gtay Adeega 3G oo
si toos ay isku arkayaan Dadka wada hadlaya

Hargeysa (TNN) Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee SOMTEL ayaa
dalka keentay adeeg Casri ah oo sarre u qaadaya tayada adeegga
hawlaha Aaladda Internetka kaasi oo wax badan kaga duw an dhinaca
xawaaraha Adeegyadii hore looga isticmaali jiray dalka Somaliland.
Xaflad balaadhan oo maanta lagu qabtay xarunta dhexe ee Shirkadda ee
magaalada Hargeysa, ayaa saraakiisha Shirkaddu ku soo bandhigeen
adeegga qalabka cusub oo magaciisa layidhaado FAST 3G SERVICE, sida
ay sheegeen Saraakiisha Somtel qalabka FAST 3G SERVICE-ku waxa uu
leeyahay xawaare ka dheereeya wixii horey dalka looga isticmaali
jiray, waxa kale oo ay Shirkadda Somtel soo kordhiysay adeegga
maqalka iyo muuqaalka oo dadka wadahadlayaa u suuto galinaya inay
iska daawadaan shaahadaha Telefoonada ay ku wadahadlayaan taasi oo
aan hore dalka uga jirin.
Ugu horeyn waxa shirkaasi Jaraa’iid ka hadlay Madaxa Hawlgalada
shaqada ee Shirkadda Somtel Cawil Saalax Cabdi waxaanu sharaxaad ka
bixiyey qalabka adeegga 3G-ga iyo siyaabaha uu u shaqeeyo waxaanu
sheegay inaanay ahayn markii ugu horeysay ee ay dalka keentay
Shirkadda Somtel waxaanu sheegay inuu yahay mid u wanaagsan
caafimaadka deegaanka iyo dadkaba marka loo eego noocyadda kale ee
Technology-yadda caalamka.
Cawil Saalax Cabdi waxa uu sheegay inay shirkaddu keentay dalka
adeeg kale oo la yidhaado Ilasoo hadal oo faa’ido badan ay ka heleen
dadweynaha reer Somaliland “Somtel waa shirkaddii ugu horeysa ee
dalka keentay adeegga 3G-ga dadweynuhuna way nala socdaan” ayuu
yidhi Cawil Saalax Cabdi.
Waxa kale oo uu intaasi raciyey “waxaan filayaa inaad wada haysataan
qalabka yare ee 3G-ga ah oo ah Flash, dhanka kalana waxa uu sheegay
inay Somtel keentay adeeg kale oo la yidhaado Badbaado oo laga heli
karayo Saldhigyada Boolis-ka si ay dadku u soo garaaci karaan markay
dareemaan cabsi kaga timaadda Tuugta iyo wixii la mid ah.
“waxaanu ugu talo galay adeeggan Ilasoo hadal inaanay dadka iyo
dantu cadaw isku noqon” ayuu yidhi Cawil Saalax Cabdi,
Madaxa shaqada iyo hawlgalada Shirkadda Somtel waxa uu warbaahinta u
soo bandhigay tijaabada qalabkaasi 3G-ga ah oo ay laba ka mid dadkii
xafladdasi fadhiyey si toos ah isaga daawanayeen markii ay wada
hadlayeen.
Waxa kale oo uu tilmaam ka bixiyey waxa uu yahay 3G waxanu yidhi “
Qalabkan Fast 3G Service waa Flash-yar oo qofka doonaya inuu si
dhibyar u helo xidhiidhka Internetka gashankaro Comuterkiisa gaar
ahaan kan gacanta lagu qaato ee loo yaqaano Laptop-ka isaga oo aan
waxba isku dhibin inuu raadsado meelaha internet-yada laga
adeegsado.waayo qalabkan uu yar ee Fast 3G Service-ka la yidhaado
ayaa ah Wireless aan u baahnayn inaad adeegsato xadhko kale oo kugu
xidha Internet-ka iyo wixii lamida, waxa kale oo aad ku isticmaali
kartaa Mobilkaga adiga oo meel kasta jooga .”Ayuu yidhi Cawill.
Waxa kale oo uu Xusay in ay soo wadaan adeegyo kale oo casri ah oo
aadna u jaban, waxanu hoosta ka xariiqay in sharkada Somtel tahay ta
ugu jaban dhinca wada hadalka dadweynaha isaga oo sheegay in halka
Dollar aad ku hadli kartida 5 Sacadood.
Source: Waaheen
|