Shirkadda Indhadeero oo laba Milyan oo Neef diraysa Moosin ka Xajkan
iyo Abu-yaasir oo Hargeysa soo gaadhay

Wuxuu
booqanayaa maanta Maxjarka Indhadeero ee berbera
Hargeysa(TNN) waxa shalay Dalka soo gaadhay Maxamed Qayd Siciid Abu-Yasir
oo an Ganacsade Carbeed oo ay xidhiidh ganacsi wada leeyihiin
Shirkadda Indha-deero ee Somaliland oo ganacsiyo kala duwan ku leh
dhulka ay Somalidu degto.
Waxa ku soo dhaweeyay Madaarka Hargeysa Guddoomiyaha Guud ee
Shirkadda Indha-deero Mustafe Cabdi Cawad iyo Aadan X Yuusuf oo ah
guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Shirkadaasi.
Labada Shirkadood ayaa qorshahoodu yahay sidii ay bisha XAJKA
sanadkan dalka uga qaadan lahaayeen Xoolo dhan laba milyan oo Neef
oo isugu jira Adhi, Geel iyo Lo, kuwaasoo ay ka Iibsan doonaan
sayladaha goboladda Dalka oo dhan.
Shirkadda Abu-yaasir oo ah Shirkadda suurtogalisay dhismaha Maxjarka
Indhadeero ee Berbera ayaa ah shirkad weyn oo qaadata Xoolo badan
waxaanay sanadkan kii ka horeeyay dalka ka Iibsatay Xoolo malaayiin
gaadhaya oo wax weyn ka taray qiimihii la siisan jiray xoolaheena.
Maxamed Qayd Siciid Aalla-yaasir ayaa maanta booqasho ku tagi doona
Maxjarka Indhadeero ee berbera halkaas oo uu ugu kuurgali doono
diyaar garawga shaqaalihiisu ay halkaa ka wadaan, maadaama xoolo
badan ay Iibsanayso shirkadiisu.
Maxjarka Indhadeero oo maxjarka labaad ee laga dhoofiyo Xoolaha ayaa
sanadkii hore hoos u dajiyay cabashadii ay ganacsatada Xoolaha
Dhoofisa ee reer Somaliland ka muujinayeen Maxjarka Al-jaabiri
kaasoo ay u arkayeen in Kooto loogu xidhay shirkad gaar ah.
Source:Waaheen
|