Shirkadda Ganacsiga Ee Oomaar Oo Hotel Weyn Oo Casri Ah Ka Hirgalisay Badhtamaha Magaalada Burco


 


Burco (TNN)-Shirkadda Caalamiga ah ee Oomaar ayaa Hoteel cari ah oo sanadadii u danbeeyay dhismihiisu socday ka hirgalisay xarunta gobolka Togdheer ee Burco ,gaar’ahaan badhtamaha magaaladaasi.

Hoteelkan oo iskugu jira qaybo kala gadisan oo ay ka midyihiin Hurdo ,Hoolal xafladeed ,Mehera do ganacsi ,Masaajid iyo qaybo kale oo la dhigay qalab casri ah ayaa kulan qado sharafeed ah oo maanta lagu qabtay hoteelkaasi oo magaciisa loogu wanqalay (Maandeeq Hotel) waxa lagu macs uumay oo ka soo qaybgalay laamaha Dawladda ee xarumaha gobolka Togdheer ,aqoonyahano ,m adaxdhaqameed ,ganacsato iyo dad kale oo ka tirsan qaybha bulshada ee reer Burco.

Inkastoo aan wali la dhigin munaasibadii huteelkan lagu furaayay oo dib loo dhigay ayaa hadana waxa soo dhaweeyay dhismaha hoteelkan casriga ah ee Shirkadda Oomaar magaalada Burco ka hirgalisay dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco oo qaar ka mid ahi ay warbaahinta la hadlay.

“ Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay Hoteelkan baaxada leh ee shirkadu ka dhistay magaalada Burco ,waxaanu sare u qaaday bilicda iyo quruxda magaalada waxaanan leeyahay Shirkadaha kale ku dayda Shirkadda Oomaar oo hantidiina magaalada ku dhista “ Sidaasi waxa yidhi Cabdi Wali Xasan oo warfidiyiinada u waramay .

Cabdiraxmaan Xasan Cali oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “ Waa w ax lagu faano hadii ay shirkadu garatay dhaqaalaheedii wadanka ka shaqaysatay in ay dalka ku maalgashato oo waliba Burco ka samaysato hoteel casri ah oo magaalada wax badan ku soo kor dhin-doona markaa waanu soo dhawaynaynaa “.

Geesta kale iyadoo ay magaalada Burco ay wakhtiyadan danbe ay ku soo kordhayeen dhismayaa sha waaweyn ee magaaladaasi laga samaynaayo ayaa hadana dhismahan Shirkadda Oomaar ka hirgalisay ayaa noqday mid soo jiitay Indhaha dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco.

Mahad Faarax Maxamuud
Burco , Somaliland