Shirkadda DP World oo ka jawaabtay hadalkii uu Madaxweynaha Djibouti ku Duray Dekedda Berbera

 


Hargeysa (TNN) : – Shirkadda DP world ee maal gashiga ka wadda dekedda Berbera ee Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay hadal uu dhawaan Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele ku sheegay inaanu jirin wax horumar ah oo DP world ka samaysay dekedda Berbera.

Madaxweyne Geele oo dhawaan waraysi uu la yeeshay wargeyska The Africa report, ayaa wuxuu sheegay inaanu jirin wax horumar ah oo ay DP world ku samaysay dekedda Berbera.

Hasa yeeshee War-murtiyeed ay DP world soo saartay waxay ku sheegtay inaanay waxba ka jirin hadalada MadaxweyneGeele, "Sheegashada Madaxweynaha ee ah inaanu jirin wax horumar ah oo ka socda dekedda Berbera waa been abuur aan ku salaysnayn aragtida macquulka ah ee madaxw eynaha,” Ayay tidhi DP world, waxaanay intaas raacisay, "DP world waxa ka go’an inay ku maal ge liso $442 Milyan dollar horumarka dekedda Berbera, waxaana dhammaaday 70% ka mid ah, waxaa nay kor u qaadi doontaa awoodda 500,000 TEUs sannadkiiba.”

DP world waxay sheegtay in bishii August ee sannadkan ay dhamaystirtay 400m oo cusub oo lagu kordhiyay terminaalka cusub ee koontiinarada, iyadoo sidoo kale rakibtay wiish cusub, waxaana la filayaa in dhismaha terminalkan la dhammaystiro bisha March ee sannadka soo socda.