Shirkadda Diyaaradaha Zuhuura Airways Oo Maanta Si Rasmi Ah Xadhiga Looga Jaray
Wasiirka Duulista Hawda
Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa xadhiga si rasmi ah
uga jaray Shirkada Diyaaradaha ee Zuhuura Airways maanta , xaflada
furitaanka shirkadda Zuhuura Airways oo ka dhacday Hargeysa
International AirPort ayaa waxa ka soo qayb galay Saddexda Xisbi
Qaran Mayerka Caasimada Eng Xuseen Maxamed Jiciir Wasiiro Madax
dhaqmeedyo Gudoomiyaha Shirkadda Telesom Mudane C/kariim Maxamed Iid
Mulkiilaha Shirkadda 571 Mudane Kaysar Afdiinle Safiirka Ethiopia ee
Somaliland iyo Wafti ka socday Dawlada Ethiopia iyo Qurba jooga
Somaliland.
|