Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland oo maanta si rasmiya ugu Dha waaqay inay Isu- Fureen Adeegyadoodii Taleefoonada iyo Mad a xweyne Ku-xigeenka oo ka qayb galay Xafladii lagu Daah-furay.

 



Hargeysa(TNN)- Munaasibada lagu Daahfurayay Isku-xidhka Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland ayaa Maanta lagu qabtay Hoteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Xafladan oo lagaga dhawaaqay isku-xidhka shan Shirkadood oo ka mid ah Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland oo kala ah Somtel, Nation Link, Telcom, Soltelco, African Online., waxa ka qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici, Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Axmed Xaashi Oday, Wasiirka Diinta iyo awq aafta Sh. Khaliil C/laahi, Maareeyaha Hawlaha shaqada ee Shirkadda Somtel Cali Saalax Cabdi, Mahdi Daahir Jaamac oo ah Maareeye ku-xigeenka Shirkadda Nation-link, Madax Shirkada Telcom Aadan C/laahi, Mareeyaha Shirkada Soltelco Mukhtaar Osman iyo Marti sharaf kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/lahi Ismaaciil oo Munaasibadaasi ka hadlay ayaa soo dhaw eeyay isku xidhka shirkadahan isgaadhsiinta oo wax badan ka tari doona dhibaatooyinkii Bulshada ka haysatay dhinaca Isgaadhsiinta, gaar ahaan wada hadal la’aanta dadka isticmaalada adeegyada kala duwan ee Shirkad aha Isgaadhsiinta.

Waxaanu yidhi “Runtii waxa maanta Farxad ii ah inaan ka soo qayb galo, isku xidhkii shirkadaha Isgaadhsiinta oo runtii baahi weyn loo qabay inaynu ku wada xidhiidhno, iyadoo laga maarmayo sadexdii Telefoon iyo afartii Telefoion ee markii hore la sitay, arintan oo runtii ka mid ahayd balanqaadyadii Xisbiga Kulmiye ee in adeegyad a Bulshada la mideeyo”.

Mr. Saylici isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay “Maanta waxaan ku faraxsanahay in talaabada koowa ad ee la qaaday inteedii badnaydna Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiintu halkan ka sheegay , shirkadaha lafto odiina ay ka marag kaceen, muhiimada aynu u soconaana waxay tahay inaynu shacbigeena u wada adeegno oo aynu ka saarno qoqobkii ku kala jiray ama kala xidhnaantii ku kala jirtay ,maadaama oo suuqeenu yahay suuq mid xor ah, waxaan qabaa inaanu dawladu mar walba ka madhnayn shirkadaha isgaadhsiinta oo waxa loo sameeyaa Cashuur dhaaf”.

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Axmed Xaashi Oday oo Munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheeg ay sheegay in Wasaarada Boosaha iyo isgaadhsiintu si isku mid ah u maamuli doonto iska Xidhka Shirdahan adeegyadooda Xidhiidhka laysku furay, isagoo hoosta ka xariiqay inay si caadalad iyo sinaan ah ay u ilaalin doonaan dhamaan shirkadahan xuquuqdooda Ganacsi iyo sirta Adeegyadooda.

Guddoomiyaha Guddidii ka soo shaqaysay isku xidhka shirkadahan Isgaadhsiinta ee mideeyay Adeegyadooda Isgaadhsiinta Mr: Jaamac X. Maxamed Cigaal ayaa isna munaasibadaasi ka sheegay qaabka ay dadku ugu wada Xidhiidhayaan shanta shirkadood ee laysku xidhay, waxaanu halkaasi ku soo bandhigay Heshiis buuxa oo ay shirkadahani wada galeen, kaasoo ay qayb ka tahay Wasaaradaha Boosaha oo dhex u ah Shantaasi shirkadood.

Jaamac Waxa uu sheegay in Furayaasha shanta Shirkadood kala yihiin sidan:

1 Somtel 07 iyo Lambarka aad doonayso inaad wacdo.

2. Telcom 0 iyo lambarka kale

3. Nation-link 02 iyo lambarka kale

4. Soltelco 0222 iyo lambarka kale

5. Africa Online 022 iyo lambarka kale aad wacayso.

Mr Jaamac waxa kale uu sheegay in qiimaha wada hadalka shirakadahani uu yahay mid aad u jaban oo aan hore u dhicin, kaasoo uu sheegay 0.03 minidkiiba.

Waxa sidoo kale munaasibadaasi ka hadlay Maareeyayaasha shanta Shirkadood ee Adeegayooda Isgaadhsiin ta laysku furay kuwaasoo si weyn u soo dhaweeyay qorshahan cusub ee ay maanta Bilaabeen, iyagoo halkaa si ka cadeeyay inay ku wada qanacsanyihiin talaabadan ay Xukuumaddu ku maamulayso oo ay xuseen inay hir gelinteeda qayb ka yihiin.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Madaxa Shaqaalaha Somtel Cawil Saalax Cabdi waxaanu ka waramay sida ay ku dhalatay isku xidhka wada hadalka shirkadaha Telefoonada iyo dhibta laga dareemay kala qoqobnaan tooda isaga oo arimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “waa geedi la guuray waana kabaal qaad sidii reer guuray, dalal badan oo dunida ah kajirin shaqada ay shirkadaha isgaadhsiintu dalka u hayaan, waxaan idin leeyahay ku raaxaysta isku xidhka shirkadaha ku bahoobayXafladan maanta ah” ayuu hadalkiisa ku soo afjaray.

Waa markii ugu horaysay ee Somaliland laga hirgeliyo isku xidhnaan noocan oo kale oo lagu maamulayo shirka da Isgaadhsiinta, iyadoo taasi meesha ka saarayso kala xidhnaantii bulshada ee Taleefoonada, Waxaanu wada xidhiidhka shanta Macbiil ee Shirkadahani dhaqan galayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 19 bisha July, sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ay soo saareen guddida farso ee Wada-jirka Isgaadhsiinta Somaliland oo halka asi loogu qaybiyay Saxaafada.
 

Source:Waaheen