Shirkadaha Dahabshiil Group oo Mashaariic ay ku Horu ma rinayso
Jaamacadaha dalka Maalin Keliya ku Dhagax Dhigtay Afar Gobol.
”Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa ee dhawaan xilka bannaynaya Muuse
Aadan Axmed oo ugu horreyn halkaasi ka hadlay, ayaa mahadnaq
ballaadhan u jeediyey shirkadda Dahabs hiil Group oo uu sheegay in
bilaabeen mashruuc muhiim a”
Hargeysa (TNN)- Shirkadaha Wadaniga ah ee Dahabshiil Group ayaa
bilowday mashaariic ay ku horumarinayso jaamacadaha dalka, kaas oo
lagu furay dhagax-dhigga afar jaamacadood oo ku kala yaal afarta
gobol ee Maroodi-jeex, Saaxil, Togdheer iyo Laascaanood.
Mashaariicdan oo shirkadaha Dahabshiil Group ugu talogashay inay ku
horumariso toddoba jaamacadood oo laga fuliyo hawlo isugu jira
dhismayaal fasallo waxbarasho, laybareeriyo ama maktabadaha wax lagu
akhristo iyo cusboonaysiin, waxa xaflado shalay la qabtay lagu
dhagax-dhigay dhise fasallo waxbarasho ah oo loo samaynayo
Jaamacadda Hargeysa, dhismayaasha laybareeriyo ay yeelan doonaan
jaamacadaha Burco University ee Gobolka Togdheer iyo Nugaal
University ee Laascaanood iyo jaamacadda Berbera University oo iyada
lagu samaynayo dib-u-haagin guud, isla markaana waxa qorshaha
shirkadda ku jira oo dhawaan la bilaabi doonaa hawlo lagu
horumarinayo saddexda jaamacadood ee Amoud University ee gobolka
Awdal, Ceerigaabo iyo ta Gabiley, waxaanna guud ahaan
mashaariicdaasi ku baxaysa lacag ka badan $250 kun oo doollarka
Maraykanka ah.
Dhagax-dhiga dhismayaal fasallo waxbarasho oo shirkaddu ku
kordhinayso Jaamacadda Hargeysa oo ay ka qaybgaleen
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare,
Agaasimaha Guud ee Waaxda Tacliinta Sare, xubno ka tirsan Komishanka
Tacliinta Sare, masuuliyiin ka socday shirkadda Dahabshiil Group iyo
maamulka Jaamacadda Hargeysa, ayaa si weyn loogu ammaanay tallaabada
shirkaddu qaaday ee ay ku horumarinayso tacliinta dalka, iyadoo
horeba si ballaadhan uga dhex muuqatay taageerada adeegyada kala
duwan ee guud ahaan dalka Somaliland.
Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa ee dhawaan xilka bannaynaya Muuse
Aadan Axmed oo ugu horreyn halkaasi ka hadlay, ayaa mahadnaq
ballaadhan u jeediyey shirkadda Dahabshiil Group oo uu sheegay in
bilaabeen mashruuc muhiim ah oo jaamacaddu aad ugu baahnayd, iyadoo
horeba si joogto ah uga qaybqaadan jirtay taakulaynta jaamacadda.
“Dhismaha fasalladaa aynu dhagax-dhigaynaa aad bay muhiim ugu yihiin
jaamacadda, waayo ardaydu sannadba sannadka ka dambeeya way soo
kordhayaan oo mar walbana loo baahdo fasallo dheeraad ah, sannadkii
u dambeeyey markii aannu waynay fasallo waxay nagu keliftay xilli
saddexaad oo waxbarashada la galo oo ah waqtiga u dhexeeya 1:00
duhurino ilaa 4:00 galabnimo. Markaa waxqabadka jaamacaddu u
baahnayd waxa kow ka ahaa fasallo dheeraad ah oo ay hesho,
waxaannuna aad iyo aad ugu mahadnaqaynaa Shirkadda Dahabshiil Group
oo ay noo dhisayso,” ayuu yidhi Guddoomiyaha ku-meelgaadhka ah ee
Jaamacadda Hargeysa.
Waxa kale oo uu xusay in shirkaddu u ballanqaaday inay jaamacadda u
samayso shaybaadh lagu baadho tayada cuntada iyo horumarin lagu
sameeyo laybareeriga akhriska. Waxaannu ugu baaqay shirkadaha kale
ee dalka ka jira iyo ganacsatadaba inay ka qaybgalaan tayeynta iyo
horumarinta jaamacada Hargeysa oo uu tilmaamay in ay tahay hoyga
waxbarashada iyo da’yarta dalka.
Agaasimaha Hawlgelinta ee shirkadda SOMTEL ee hoostagta Dahabshiil
Group Axmed Cabdillaahi Caynaanshe oo isna xafladda ka hadlay, ayaa
sheegay in hawlaha horumarinta adeegyada bulshada ee noocan ah aanay
iminka ugu horreyn ee ay horeba kaalin kowaad shirkadoodu kaga jirto
waxqabadka, horumarka iyo dhismaha dalka.
“Meel Soomaali degan tahay oo aannu Dahabshiil Group ka qaybqaadan
waxtarkeeda ma jirto, mashaariicdan aannu ku horumarinayno
jaamacadaha dalkana waxaannu u aragnaa in ay yihiin halkii ugu
sarraysay ee ay ka soo baxayeen aqoonyahanku in Dahabshiil Group ka
qaybqaato sharaf weyn bay noo tahay oo taariikhda geli doonta,” ayuu
yidhi Mr. Caynaanshe.
Sidoo kale, Madaxa xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda
Dahabshiil Prof. Xasan Xiis Jaamac ayaa isaguna halkaasi ka
shaaciyey in mashaariicdan oo ay ka fulin doonaan toddobada
jaamacadood ee gobollada dalka ku yaal ay ku bixi doonto lacag ka
badan $250 kun oo doollarka Maraykanka ah, “Lacagta inta le’eg isma
lihin ha la idinku faaniyo iyo sacabka hala idiinku tumo toona ee
Ilaahay baa ajar laga helaa, ta tallaabna cidda abaalka laga
doonayaa waa dhallinyarada jaamacadaha ee ka faa’iidaysanaya, sida
la ogyahayna shaqaalaha ka shaqeeya Dahabshiil Group 80% in ka badan
waa dhallinyarada ka baxday jaamacadaha dalka. Dhallinyaradana
waxaannu leenahay waa in aad nagu dhiirigelisaan oo nagu dirqidaan
in aannu mashaariic kale ama shirkado kale oo aad shaqo ku heshaan
aannu idiin abuurno,” ayuu yidhi Xasan Xiis oo ballanqaaday in aanay
mashaariicdani noqon doonin kuwii ugu dambeeyey ee ay jaamacadaha
ama goobaha waxbarashada ku horumariyaan.
Agaasimaha Guud ee Waaxda Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada
Khadar Axmed Diiriye iyo Prof. Aadan Baxnaan oo ka mid ah guddiga
Tacliinta sare ee dalka oo iyaguna halkaasi hadallo ka jeediyey,
ayaa ku ammaanay shirkadda Dahabshiil Group kaalinta ay kaga jirto
wax-u-qabadka dalka, gaar ahaan mashaariicdani ay ku horumarinayaan
jaamacadaha oo ay sheegeen inuu faa’iido badan yeelan doono,
waxaanay shirkadaha kale iyo dadweynaha ugu baaqeen inay ku daydaan
tallaabada Dahabshiil.
Ugu damayntii Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo
Tacliinta Sare Md. Cali Xaamud Jibriil oo isagu dhagax-dhigay
dhismaha fasallada cusub ayaa mahadnaq iyo ammaan isugu daray
shirkadda Dahabshiil, waxaannu yidhi, “Shirkadda Dahabshiil qof
kastaa wuu qirayaa waxqabadka ay ka gaysato dalka oo ah wax
taariikhdu qori doonto, waa shirkadda keliya ee aynu odhan karno
waxay fulisay masuuliyadda ummaddu ku leedahay, iyadoo ay sidaa
tahay haddana dawladdu way ka qaadaa cashuuraha ku waajibay oo aan
waxba ku baaqan, halka adduunka shirkadaha waaweyn waxqabadkooda ay
beddel ku raadiyaan oo ay dawladaha kaga doorsadaan in cashuur dhaaf
iyo wax la mid ah ku helaan.”
Md. Xaamud waxa uu soojeediyey in guud ahaan Somaliland dawlad iyo
shacaba laga wadatashado sidii qorshe shaqo abuuris ama jihayn ah
loogu samayn lahaa kumanaan dhallinyaro ah oo sannad walba ka soo
qallinjebinaya jaamacadaha dalka, iyadoo kuwii ka horreeyey camal
la’aan suuqyada ku sugan yihiin.
Berbera
Xafladd ballaadhan oo lagu qabtay Jaamcaadda Berbera University oo
lagu dhagax-dhigayey dib-u-habayn shirkadda Dahabshiil Group ku
samaynayso guud ahaan jaamacadda ayaa waxa ka qaybgalay, Badhasaabka
Gobolka Saaxil Md. Maxamuud Cali Saleebaan, Xoghayaha Dawladda Hoose
ee Dagmadda Barbera Cali Maxamed Cilmi, Guddoomiyaha Jaamacaadda
Kabtan Cabdirahmaan Axmed Ismaaciil, Guddoomiyaha Dahabshiil Group
ee Berbera Kayd Cabdillaahi Xandulle, Madaxa xidhiidhka dadweynaha
Shirkadda SOMTEL Cabdinaasir Cawad Muuse iyo marti sharaf kale.
Madaxa xidhiidhka dadweynaha Shirkadda SOMTEL Cabdinaasir Cawad
Muuse oo furitaankii xafladda ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey
mashruucaasi dib-u-habaynta loogu samaynayo jaamacadda Berbera oo uu
sheegay inuu qayb ka yahay qorshe horumarin ah oo shirkadda
Dahabshiil Group ka fulinasyo guud ahaan jaamacadaha gobollada dalka.
Masuuliyiinta ka qaybgashay xafladda oo hadallo ka jeediyey halkaasi
waxay si weyn ugu mahadnaqeen waxqabadka Dahabshiil Group iyo
mashruucan ay wax kaga qabanayso jaamacadda Berbera, kaas oo ay
xuseen inuu wax ka tari doono sidii jaamacadaasi u horumari lahayd.
Burco
Sidoo kale, munaasibad shalay lagu qabtay xarunta Jaamacadda Burco
ee Gobolka Togdheer oo ay ka qaybgaleen masuliyiinta Shirkadda
Dahabshiil Group, maamulka Gobolka iyo degmada, Guddoonka
Waxbarashada ee Gobolka Togdheer, Guddiga horumarinta Gobolka,
Maamulka Jaamacadda Burco, macallimiinta iyo ardayda iyo
macalimiinta Jaamacadda Burco, ayaa lagu dhagax-dhigga dhismaha
laybareeri shirkadda Dahabshiil Group u samaynayso jaamacadda Burco,
si ay uga faa’iidaystaan ardayda wax ka barataa.
Guddoomiyaha Shirkadda Dahabshiil ee Gobollada Bariga Somaliland
Nuux Siciid Ducaale oo ugu horreyn xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay
in shirkadooda hore uga qaybqaadan jirtay hawlaha samofalka iyo
danta guud ee dalka ay iminka bilowday mashruuc ay laybareeriyo iyo
dhismayaal ugu samaynayso jaamacadaha gobollada dalka oo dhan.
Guddoomiyaha Jaamacadda Burco Sheekh Ismaaciil Carraale ayaa uga
mahadceliyey Dahabshiil Group dhismaha ka hirgelinayso jaamacadda oo
uu ku tilmaamay mid aad loogu baahnaa oo ay tabayeen dhallinyarada
iyo ardayda gobolka Togdheer maktabad ay wax ku akhristaan, balse
maanta laga bilaabo ay heleen goob cilmi iyo aqoonba ay ka heli
doonaan.
Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Gobolka Togdheer Maxamud Adaan
Dheri iyo xubno kale oo ka mid ah guddigaasi oo ay ka mid ahaayeen
Faarax Xadhigle iyo Aar Saxardiid, ayaa iyaguna si weyn ugu
mahadnaqay shirkadaha Dahabshiil Group oo ay ku tilmaameen shirkad
waxqabadka iyo horumarinta dalka aan waxba ka hagran, iyagoo
carrabka ku dhuftay in wax kasta oo ay ula tagaan shirkaddaasi aanay
hadal ka soo celin ee ay ku garab-istaagto.
Maayarka degmada Burco Maxamuud Axmed Xasan Dhegolaab oo isna
halkaasi ka hadlay, soo dhaweeyey tallaabada shirkadda Dahabshiil
laybareeriga ugu dhisayso jaamacadda, isagoo xusay in aannu ahayn
waxqabadkii u horreeyey ee ay degmada Burco ka fuliso, balse ay mar
walba ka qaybgasho hawlaha gargaarka iyo horumarinta bulshada dhinac
kasta oo ay tahay.
Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Md. Cabdo Axmed Aayir oo
munaasibadaasi soo xidhay ayaa ku bogaadiyey Shirkadaha DAHABSHIIL
GROUP doorka ay ka ciyaarto horumarinta iyo kobcinta dhinaca aqoonta
ee gobolka Togdheer.
Waxa kale oo xafladaasi ka hadlay Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka
Togdheer Cabdi Axmed Siciid iyo Axmed Cabdi Xirsi oo ka mid ah
ardayda jaamacadda Burco wax ka barata, kuwaas oo farxad ku
tilmaamay dhismaha laybareeriga jaamacadda oo noqon doona mid wax
weyn ku soo kordhiya aqoonta ardayda.
Laascaanood
Munaasibad lagu dhagax-dhigay dhisme weyn oo noqon doona Laybareeri
ay yeelanayso Jaamacadda Nugaal ee magaalada Laascaanood ee Gobolka
Sool oo lagu qabtay xarunta jaamacadaasi, waxa ka qaybgalay
masuuliyiinta dawladda, maamulka jaamacadda Nugaal iyo madaxda
shirkadda Dahabashiil ee gobolka.
Maamulaha Jaamacadda Nugaal Prof. Cabdinaasir Abu Shaybe ayaa farxad
ku qaabilay dhismahan cusub oo uu uga mahadnaqay shirkadaha
Dahabshiil Group oo uu ku majiirtay waxqabadka ay ka gaysatay guud
ahaan gobolka, gaar ahaan magaalada Laascaanood oo uu ku tilmaamay
mid aanay bulshadu iloobi doonin.
“Dahabshiil waxay jaamacadda Nugaal mar walba la garab taagnayd
gacan-joogta ah, maantana waxay noo hirgelinayaan dhisme laybareeri
muhuum ah oo aannu ka guddoonay,” ayuu yidhi Prof. Abu Shaybe.
Isku-xidhaha Gobollada ee shirkadaha Dahabshiil Group Aadan
Cabdilaahi Cabdi, ayaa sheegay in shirkadda Dahabshiil ay tahay mid
aan bulshada ka shaqaysan ee ay wax ku soo celiso, isla markaana ay
mar walba dhinacyada arrimaha bulshada gacan ka gaystaan. Waxa kale
oo uu ka warramay faa’iidada uu yeelan doono laybareeriga ay
jaamacadda u dhisayaan oo uu xusay inuu kobcin doono aqoonta ardayda.
Gebogabadii Guddoomiyaha Gobolka Sool Md. Maxamed Maxamud Ali (Jeeni-yare)
oo xafladaasi soo xidhay, ayaa ammaan iyo bogaadin u soo jeediyey
shirkadaha Dahabshiil Group oo sheegay in ay deegaanka Gobolka Sool
hawlo badan oo dhinacyada arrimaha bulshada ah ka qabato, isagoo
meelaha ay mashaariicda gelisay tusaale u soo qaatay Mac-hadka Xudun,
Dhakhtarka Laascaanood, gurmadka abaaraha, dhismaha iyo taageerida
masaajida iyo Jaamacadda Nugaal.
Source:
Togaherer
|