Shirkada Telesom Oo Soo Bandhigtey Adeeg Casri Oo Soo Jiitey Indhaha Dadweynihii Kasoo Qayn Galley Furitaankii Carwada 5aad Ee Qanacsiga Iyo Waxsoosaarka Somaliland

 


Hargeysa (TNN)-Shirkadda Isgaadhsiinta Telefoonada Casriga ah ee Telesom, ayaa saaka ku soo  ban dhigtay Furitaankii carwada shanaad ee ganacsatada Somaliland, adeeg casriya oo aad uga yaabiyey Dhammaan dadweynihii kala duwanaa ee ka soo qaybgalay munaasibada furitaanka carwada oo Ka dhacday hoolka shirarka ee hay’adda shaqaalaha dawlada ee magaalada Hargeysa.

Adeegan Cusub Oo Ah Mid Casriya Oo Shirkada Telesom Soo Kordhisey Oo Ah Adeega Video  conferen cing (Maqal & Muuqaalka Shirarka) waa adeeg casri ah oo ay shirkadda Telesom ku soo kordhisay  ad eegyadii hore. Adeeggan oo maanta lagu soo bandhigay Carwadii

Adeeggani waxa uu faa’iido u leeyahay Jaamacadaha, Dawladda, Ganacsatada, Caafimaadka, Hay’ad daha iwm, kaas oo u suurtogelinaya in ay kharash badan oo kaga bixi lahaa safari dibadda ah ku madhxistaan, kuna xidhiidhaan dhammaan shirarka, seminars iyo kulamadda caalamiga ah iyaga oo si taas ah u arkaya, iyaga loo arkayo.


Adeegan oo ku cusub dalka ayaa Madaxweynuhu Somaliland si muuqaal ah uga waraystay xaalada guud ee Gobollada ay ku sugan yihiin, qaar ka mid ah Maayarada iyo Guddoomiyeyaasha lixda Gobol ee dalka, iyaga oo wakhtigaas ku sugnaa xarumaha shirkada Telesom ku leedahay magaalooyinka Ceerigaabo, Laascaanood, Burco, Berbera iyo Borama, kuwaas oo iyaga oo si toos ah isku arkaya Madaxweynaha shaashad weyn iskaga waraystay xaaladaha Gobollada dalka, isla markaana wuxu salaan u mariyey dadweynaha ku nool Gobollada kala duwan ee dalka.



Wasiirka Ganagacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Somaliland Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo Adeegan Kahadlaayey Ayaa waxa uu yidhi ”horumarka ganacsi ee aynu samaynay waxa ka mid ah horumarka xagga technology-ga oo ay maanta halkan inoogu soo diyaarsay shirkada isgaadhsiinta telefoonada TELESOM adeeg casriya oo ah kamaro Online ah, oo aynu kala xidhiidhi doono gobolladii dalka oo dhan, haddii aynu u baahano iyagoo masuuliyiintii qaranka u sareeyeyna ay indhahooda ku arki doonaan”.


Talaabadan Ay Telesom Qaadey ayaa Ka mid ah adeegyo waayadan dambe ay sare ugu qaadey adee gayda kalla duwan ee ay u fidiso macaamiisheeda..


Axmed Maxamed Sahqalle
Shaqale_88@hotmail.com
Hargeysa Somaliland