Shirkada
Telesom Oo Markii Ugu Horaysay Soo Ban dhi gtay Adeeg Layaab Leh Oo
cusub “ZAAD Se rvices” Oo dadku lacagta iskugu
xawili karaan Mobile-ka

Shirkada
Isgaadhsiinta ee Telesom ayaa markii ugu horeysay u soo bandhigtay
bulsh o-weynta reer Somaliland iyo macaamiisheeda-ba adeeg casrig ah
oo lagu magacaabo Zaad serveces, kaas oo ah in qofku isagoo
isticmaalaya mobelkiisa uu si fudud qof kale ugu dir karo lacagta,
isla markaana uu ku kaydsan karo lacagtaas mobelkiisa, isla markaana
uu meesha uu doono wax kaga iibsan karo lacagtaas Mobilkiisa ku
jirta.
Adeegan Zaad waa mid casri ah oo shirkada Telsom ugu talo gashay
dadweynaha reer Somaliland, ayaa ka dhigay Somaliland dalkii afraad
ee Qaarada Afrika laga hirgeliyo adeegan casriga ah ee ZAAD
Services.
Munaasibad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu
soo bandhigayay adeegan cusub ee Zaad Services oo maanta lagu qabtay
Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxaa ka soo qayb galay
xafladaas Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin,
wasiiro ka tirsan xukuumada, madaxda Axsaabta qaranka, culimo awdiin,
ganacsato, haween, dhalinyaro iyo marti shafar kale.
Gudoomiye ku xigeenka Shirkada Telesom Maxamed Aadan Axmed (Xabeeb)
oo ka hadlay xafladaas ayaa faahfaahin ka bixiyay sida uu u
shaqaynayo adeegan cusub ee Zaad Services “Habkan cusub ee Zaad
Servica waxa uu qabanayaa inaad ku xawlitid lacagtaada,waxna ku
iibsato bilashaadana ku bixiso Air Time-kaagana aad ku iibsan karto,
marka aad rabto inaad lacag dirto waxaanad ku xawilan kartaa kuna
diri kartaa lacagta wakhtiga aad doonto meelkasta oo aad joogto."
"Marka u horeysa ee aad doonaysid inaad lacag dirto waxa Mobile-kaaga
ka soo baxaya Option ku kala dooransiinaya oo kuna tusaya Zaad
Service ah, kadibna gudihiisa ayaad sii galaysaa waxaanad markaasba
dalbanaysa Option-ka lacag dirista ah ee Money Transfer, kadibna
waxaad gelinaysaa qofka aad lacagta u dirayso, kadibna lacagta ayaad
gelinaysaa, kadibna waxa uu ku weydiinayaa si xafidaada ama amaanka
lacagta loo ilaaliyo wuxuu ku weydiinayaa Password-kaga marka aad
sheegtana waxa uu ku odhanayaa waan aqbalay, sidaa awgeed daqiiqad
gudaheed ayuu qofkii aad lacagta u direysay uu ku helayaa, taasina
waxay kaa baajinaysa inaad Kuyuu dheer gashid ama aad Banki aad
gashid, Sidoo kale waxaad adeegan ku bixin kartaa biilasha
Telefoonada, I.W.M, Waxa kale oo aad wax kaga iibsan kartaa
Dukaamada, Hudheelada, iyo Sumper market-yada ”. Ayuu yidhi
Gudoomiye ku xigeenka Telsom Mr Xabeeb,
waxaanu tilmaamo ka bixiyay faa’iidad dadweynaha ugu jirta adeegan
ay soo kordhiyeen waxaanu yidhi “Faa’iidooyinka adeega Zaad waxa ka
mid ah, Inaad u isticmaashid lacagta kuugu kaydsan Mobile-kaaga
inaad u diri karto qofkasta, Inaad ka kaaftoonto lacag aad jeebkaaga
ku qaadatid, ku dukaameyso lacagta kuugu kaydsan Mobile-kaaga.Uma
baahnid inaad timaadid Telesom, Biilkaaga Telefoonkaaga ku taagan u
tebi Telesom meelkasta oo aad joogtid. Adeega Zaad Waa lacag
jeebkaaga kugu jirta oo marka aad doonto aad sarifan kartid, wax ku
iibsan kartid una kala diri kartid ehelkaaga iyo Asaxaabtaada”.
Gudoomiye ku xigeenka Shirkada isgaadhsiinta ee Telsom waxa uu ka
dhawaajiyay in adeegan cusub ee shirkadoodu hirgelisay uu noqonayso
dalkii afraad ee qaarada Afrika ku yaala ee uu ka hirgelo adeega
Zaad Services isla markaa ay shirkada Telsom ay noqonayso shirkada
shanaad ee dunida hirgelisa adeegan, taas oo uu xusay inay
hirgelinteeda ay sameeyeen dhalinyaro reer Somaliland ah oo ka
shaqeeyay shirkada Telsom.
“Nasiib wanaag sanadkii 2009-kii waxa adeegyadan bilaabay laba
Shirkadood oo kale oo aanu annagu [Telesom] sadex ku nahay oo
magacooda la yidhaahdo NTN oo Koonfur Africa ah iyo S. Kuwait Sidaa
daraadeed waxaynu noqonay dalkii afraad ee laga hirgaliyo farsamada
Tiknoolajiyadan casriga ah ee noocan oo kale ah, waxa kale oo aanu
ku guulaysanay in aanu noqono shirkadii shanaad ee is-gaadhsiineed
ee caalamka ka jirta ee suurtagelisa Technolajiyadan, runtii waxa
wax si weyn loogu farxo ah in cida suurtagelisay ay tahay
Shaqaalihii Somaliland-derka ahaa ee Shirkada Telesom”. ayuu yidhi
Gudoomiye ku xigeenku.
Suldaan Maxamed C/laahi oo ku hadlayay magaca broad-ka shirkada
Telesom ayaa isaguna ku dheeraaday marxaladii kala duwan ee ay soo
martay shirkada Telesom tan markii la aasaasay sanado ka hore.
Waxaanu Suldaanku sheegay in shirkada Telesom horumar balaadhan ku
talaabsatay isla markaana ay dalka ka hirgelisay adeegyo kala duwan
oo casri ah, kuwaas oo dadweynaha ku xidhan shirkadaas aad ugu
baahnaayeen.
Suldaanku waxa uu intaas raaciyay in Shirkada Teleesom ay gacan ka
geysato horumarinta dalka.
Xogahayaha Guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax oo hadal
kooban ka jeediyay ayaa ugu mahadnaqay shirkada Telesom adeegaa
cusub ee ay soo bandhigtay, waxaanu u soo jeediyay in ay dedaalkeeda
halkaas ka sii wado, waxaanu yidhi “Waxaana hambalyo qiime u dadka
aqoonta leh ee ka shaqeeyay ee adeegan casriga ah keenay ee
Somaliland ka dhigay in qaarada afrika ka gasho kaalinta afraad,
iyadoo aan weli ictiraaf helin.Tani waa saadaal wanaagsan oo
wadankeena u soo baxday oo aynu ku faani karno shirkada ahaan iyo
qaran ahaanba.”
Murashaxa Maxadweyne ku xigeenka ee Xisbiga UCID Maxamed-rashiid
Sheekh, ayaa ku bogaadiyay shirkada Telesom horumarka ay ku
talaabsatay, waxaanu u soo jeediyay in ay halkaas ka sidii wadaan
dedaalka ay kugu jiraan kobcinta tignoolajiyada casriga ah ee ay
wadaan.
Ku simaha Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Gudoomiye ku xigeen
koowaad xisbigaas Muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna sheegay in shirkada
Telesom ay muujiyeen maamul wanaagsan iyo aqoon dheeraad ah oo ay ku
kasbadeen maciil badan, waxaanu yidhi “Haddii aanay shirkada intaa
leeg iyo dadka intaa leeg lahayn maamul wanaag horumarkaa may
gaadheen, waxaa hubaal ah in shirkado badan ay la taramay oo aan
helin, oo ay ka hadheen tartankii.
Horumarkaa ay gaadheen waa mid aynu dhameenteen wada leenahay,
waxaana ku boorinayaa in ay halkaas ka sii wadaan”
Muuse Biixi waxa uu u soo jeediyay Shirkada dalka in ay ka qabtaan
maamul wanaaga dalka iyo horumarkiisa.
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi
waxa uu sheegay in mushkilada haysta dalka Somaliya ay tahay wadaado
sida uu sheegay isku haysta diinta waxaanu yidhi “Maanta mushukilada
ayaa ka taagan tahay wadaadii waxaana la iskugu gabaday diintii,
haddii wadaadkii lagu aaminay inuu mooralka ilaaliyo oo uu dadka si
wanaagsan u dhiso oo labadii shaydanku la socday ee weligeedba la
isku diri jiray isagu labadii u hanuuniyo qofku masaajidka ka
biximaayo."
Waxaana uu intaa raaciyey oo uu yidhi "Labada bili’aadanku ugu jecel
yahay waa awooda iyo dhaqaalaha maanta awoodii dhaqaalaha ee
Somaliyeed wadaada ayuu gacanta ugu jiraa. Ixtiraamana waa loogu
daray. Markaa maanta khilaafka ugu weyn ee ka jira Somaliya oo aan
inagga fogayn Somaliland khuuriyayaa waa khilaafka wadaada."
Talo ahaan waxa uu soo jeediyey oo uu yidhi "Markaa waxaanu soo
jeediyaynaa yaynaan dusha ka salaaxin oo aynaan odhan nabada ha la
ilaaliyo waar waxaanu leenahay siyaasiyiintii way si dhiibeen,
dawladdii way si dhiibtay oo xisbiyaddii mucaaradka ahaa way si
dhiibeen oo waa yahay ayay yidhaahdeen, waxaanu leenahay dalka inoo
ilaaliya oo khilaafka iska ilaaliya.”
Waxa kale oo uu ka hadlay waxyaabaha keeni karta nabadgelyo darada,
waxaanu xusay in haddii cadaalada iyo sinaan la waayo ay
nabadgelaydu xumaanayso.
Gunaanadkii munaasibadaa lagu soo bandhigayay Adeega cusub ee ay soo
kordhisay shirkada Telsom Zaad Services waxa ka hadlay Madaxwayne ku
xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf yaasiin, waxaanu uga mahad
celiyay shirkada telesom adeegan cusub ee ay soo bandhigtay,kaasi oo
uu sheegay in uu wax wayn u soo kordhin doono bulshada reer
Somaliland,sidoo kale waxa uu madaxweyne ku xigeenku xusay in ay
xukuumad ahaan soo dhawaynayaan isla markaana ay garab gelayaan cid
kasta oo dalka wax yaabo faa'ido uleh ku soo kor dhisa.
“Waxaan Hambalyeynayaa qaabka casriga ah ee ay TELSOM la timid,
waxaan doonayaa inaan ka hadlo Dawlad, mushkilada jirtaa waxa weeye,
dawlada waxa loo haystaa kontonka Wasiir, ee dawladu waa ummad meel
wada degan oo wax isku biirsaday oo xad leh oo calan leh oo maamul
samaystay mushkilada inaga jirtaa waxa weeye qofkii iskuma haysto
inuu dawlada wax ku leeyahay. Maanta haddii la yidhaahdo laydh
tiriiga xadhkiisa wadada ha la mariyo qofku wuxuu u haystaa in la
xado oo la gaysto, umana haysto in uu isagu leeyahay, maanta haddii
uu arko gaadhi dawladu leedahay oo meel ku dayacan uma haysto in uu
isagu leeyahay, waa taas furiinta aan doonayo in dadkeena laga saaro
“ ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenku,
waxaanu intaas ku daray oo uu yidhi“Waxa xilligan casriga ah la
marayaa isgaadhsiin xasaasi ah, oo manfac iyo dhib ba leh, waxa la
yaabaa in shirkaduhu ay sheegaan mamfaceeda oo qudha, balse ninka
maamulka ku jira wuu garanayaa dhibteeda. Maanta dhibta si sahlan
ayaa loo galayaa midna waan ku waaninayaa shirkadaha qof ayaa meel
ka imanaya markiiba waxa la siinayaa kaadh, caalamka meelna kama
jirto sidaasi, ninkaa kaadhka la siinayaa waa in uu haado nin la
diiwaangeliyay oo meel la garanayo loogu soo hagaago”.
Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yasiin waxa uu sheegay in
sirdoonka dhib ka haysto in ay ogaadaan dadka dalka soo galay sida
kuwii qaraxyada ka fuliyay magaalada Hargeysa oo uu sheegay in ay
isticmaalayeen lambaro ay bixiyeen shirkada iusgaadhsiintu waxaanu
yidhi “Kuwii isqarxiyayba waxay ku socdeen isgaadhsiin ee lagu yidhi
jannadii ayaa taalacday taasina dhibteeda ayay leedahay gaar ahaan
xagga nabadgelyada, waxaanan shirkadaha ku buurinayaa in ay dawlada
kala shaqeeyaan dhinaca nabadgelyada.
Madaxweyne ku xigeenku Somaliland wuxuu tilmaamay in aanay xukuumada
cashuurihii barriga ay qaadato 5% “Haddii aan cashuuraha la bixin
dadkii aanu shaqada nabadgelyada u dirnay, macallimiintii iyo
caafimaadkii ka hirgaliyaan, miisaaniyaddeenana waxaanu ku salaynaa
markabka soo socda, sidaasi darteed waxaan shirkadaha iyo
ganacsatada kala duwan ee dalka ugu baaqayaa in ay cashuuraha u
bixiyaan sida ay tahay”.
Madaxweyne ku xigeenku wuxuu shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland u
soo bandhigay inay adeeg isgaadhsiineed u diyaariyaan in ka badan
1200 oo goobood oo dadweynuhu ay codkooda ka dhiiban doonaan, si
deegaamada fog fog ee miyiga ah ay u helaan isgaadhsiin.
Oodweynenews
|