Shirkada SOMTEL Oo Xarun Cusub Ka Furtey Degmada Tog-Wajaale Iyo Laamo Qeybtii Labaad Ah Oo Laga Furey Gabiley Iyo Arabsiyo


Tog-Wajaale (TNN)- Shirkada Isgaadhsiinta Telefoonada ee Somtel ayaa, markii u horeysay maanta ka furt ey Magaalada Tog-Wajaale Xarun Cusub oo loogu tala galay Xarunta Isgaadhsiinta Shirkada Somtel ee Ma gaalada Tog-Wajaale.

Munaasibadii furitaanka Xarunta Shirkada Isgaadhsiinta Somtel ee Tog-Wajaale, oo si weyn loo soo agaa simay, islamarkaana lagu qabtey Huteel cusub oo dhawaan laga furey Tog-wajaale Rayo Huteel, waxa ka soo qeyb galey Maamulka Degmada Tog-Wajaale,Ganacasatada ,Culumaa,udiinka iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Xaashi Muxumed Cabdi (Xaashi dhaga-dheere), oo halkaa ugu horeyn hadal ka jeediyay, ayaa ka waramay ahmiyada ay isgaadhsiintu u leedahay, xidhiidhka dadweynaha, isago o si gaar ahna farta ugu fiiqay, in ay Magaalada Tog-Wajaale xudun u tahey Ganacsiga Somaliland, waxaa nu xusay Gudoomiyuhu in ay tahey Tog-Wajaale marinka u weyn ee xidhiidhiya shacbi weynaha labada da le e Somaliland iyo Itoobiya, isagoo arimahaa ka hadlayana waxa hadaladiisii kamid ahaa.

“Hadaanu nahey Maamulka Degmada Tog-Wajaale waxaanu gacmo furan ku soo dhaweyneynaa Xarunta cusub, ee ay maanta Tog-Wajaale ka furaneyso Shirkada Somtel iyadoo Magaaladani ay xudun u tahey Ganacsiga Somaliland,islamarkaana ay tahey marinka xuduuda ee xidhiidhiya labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya,waxaanan fursadan uga faaideysanayaa Huteelkan Xaflada lagu qabtey oo isagana dhawaan la furey Rayo Huteel dhamaantoodna Tog-Wajaale waxey u yihiin wax u soo kordhay oo ka qeyb qaadanaya dhaq dhaqaaqeeda”Ayuu yidhi Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale.

Waxa kale oo uu intaa ku darey hadalkiisa Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Xaashi Muxumed in ay Ma amul ahaan soo dhaweynayaan, cid kasta oo ka qeyb qaadaneysa in ay Tog-Wajaale ku soo kordhiso Gana csigooda iyo wixii koboceeda ka qeyb qaadanaya.

Waxa kale oo isaguna halkaa ka hadlay, Gudoomiye ku xigeenka waaxda Howl-galinta Shirkada Somtel Cus maan Axmed Cabdi oo ka waramay qorshayaashooda mustaqbal ee dhinaca isgaadhsiinta iyo waxyaabaha ay ugu tala galeen macaamiishooda ee xidhiidhka dhinaca Isgaadhsiinta ah, isagoo xusay in ay Tog-Wajaa le u hayaan ahmiyad balaadhan waxaanu faafaahin ka bixiyay adeegyada cusub ee gaarka u ah Shirkado oda Somtel.

“Waxaanu hada samayanay adeeg cusub, oo kaa caawinaya la xidhiidhaka Saldhigyada Booliska ee Gurma dka deg dega ah oo aad kala xidhiidhayso hal number, kuuna tilmaamaya goob kasta oo aad joogto, Saldh iga kuugu dhow,sidoo kalena dhinaca adeega Caafimaadkana waxaad ula xidhiidhi kartaa sidan oo kale go ob kasta oo kuugu dhow adoo isticmaalaya leynka bilaa waayirka ah oo aad u adeegsan karto ,adeegan ina waa bilaa lacag xataa haduu moobilkaaga gacantu bilaa lacag yahey,waad u adeegsan kartaa” Ayuu yidhi Cusmaan Axmed Cabdi Gudoomiye kuxigeenka Howl-galinta Shirkada Isgaadhsiinta Somtel.

Waxa kale oo ka mid ahaa dadkii halkaa ka hadley,mid kamid ah odoyaasha deegaanka Tog-Wajaale, oo shirkada Somtel ku dardaarey in ay door, ku yeeshaan adeega dadweyanaha khusuusan Gobolada Galbe ed ,sida Goboloda kale ee dalka.

Dhinaca kale Shirkada Isgaadhsiinta Somtel, waxey Xarumihii labaad ee Shirkadaasi maanta ka jareen xad higa Magaalooyinka Gabiley, iyo Arabsiyo,  oo iyaguna ka mid ah Xarumaha ay shirkada Somtel ku leedah ay Gobolka Gabiley.

Si kastaba ha ahaatee Shirkada Somtel, ayaa mudooyinkan danbe kor u qaadey, dhaqdhaqaaqeeda adee ga Isgaadhsiinta ee dhinaca Macaamiisha dadweynaha,iyadoo xiligana ku soo kordhisay adeegooda adee gyo cusub oo ka qeyb qaadanaya adeegooda Isgaadhsiinta ee dhinaca dadweynaha, taas oo ay qeyb ka tahey Xarumaha cusub ee ay maanta ka fureen Gobolka Gabiley.


Shiine Cilmi Kaahin