Shirkada Somtel oo soo Bandhigtay Adeeg Cusub oo ku yar Qaarada
Afrika loona yaqaan 3G

Carwadan oo lagu dah furayey adeega 3G ayaa waxa ka soo qayb galay
Wasiiro, Xildhibaano Aqoon yahano Daawo Sawiradda
Hargeisa (TNN)-Xaflad aad ubalaadhan oo ay shirkada isgaaadhsiinta
Somtel ay ku soo bandhigaysay adeeg carsi ah oo ay u soo kordhisay
macaamisheeda ayaa lagu qabtay garoonka Timacade.
Carwadan oo lagu dah furayey adeega 3G ayaa waxa ka soo qayb galay
Wasiiro, Xildhibaano Aqoon yahano, Ganacsato, Siyaasiyiin ,
Faniiniin,iyo waliba marti sharaf kale.Carwadan ayaa ay shirkada So
mtel ku soo bandhigaysay Adeegyada maqal iyo muuqaalka mobile,
Internet xawaarihiisu sareeyo.
Xafladan lagu daahfurayay Adeega 3G ayaa waxa ugu horeyn war bixin
ku saabsan Shirkada iyo Wa iba adeegan cusub ka bixiyay, isla
markaana tilmaamay faa’iidada ay bulshada reer Somaliland ulee dahay
Guddoomiyaha Guud ee Shirkada Somtel Siciid Maxamed Siciid.
Waxana uu sheegay in ujeedada somtel ay tahay in ay ukeento
bulshadeeda technology-dii ugu dan baysay isaga oo ka hadlayna waxa
uu yidhi “3G wuxuu saamaxayaa Internet dhakso badan, waxa k ale oo
uu inoo saamaxayaa maqal iyo muuqal aad arkaysid qofkii kula
hadlayay adiga oo hadana maql aya codkiisii, waxaanu keenay 3G- ga
bishii Janauri ee sanadkan balse ilaa waqtigaas ma aanu soo b
andhigin, maxaa yeelay waanu hubinaynay si aanu macaamiishayda uga
sii tijaabino oo aanu u keeno waxaanu hubno ayaanu taas usameenaynay,
waxaana wax lagu farxo ah adiga oo Hargeisa jo o ga ayaa dhamaan
Gobolada kale dadka jooga ka aad la hadlayso arki kartaa.
Adeegani waa mid ku cusub qaarada afrika waxa aynu noqonaynaa dalkii
shanaad ee laga isticmaalo adeegan”Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo
Isgaadhsiinta Mudane Axmed Xaashi Oday oo ka hadlay munaasibadan
lagu daahfurayay adeegan cusub ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsan
yahay in uu ka soo qayb galo xafladan isaga oo ku tilmaamay in ay
tahay guul usoo kordhay Jamhuuriyada Somali land waxana uu hanbalyo
iyo mahadnaq usoo jeediyay shirkada Somtel, isaga oo intaa ku daray
in wa x lagu farxo ay tahay in shirkada Somtel ay keento adeeg ku
cusub qaarada afrika.
Waxa isna halkaasi hadal kooban ka soo jeediyay Wasiirka wasaarada
Hawlaha Guud iyo Guryeynta Ismaaciil Muumin Aaare, isaga oo oo
sheegay in ay maanta u tahay maalin farxadeed maadama buu yidhi
dalka la keenay adeeg ku cusub Somaliland, waxaana hadaladiisii ka
mid ahaa “Saaka waxay noo tahay talaabo loo qaaday xaga horumarka
rajo weyn ayey na gelisay Shirkada Somtel, waxaanay na tustay
talaabo horumar oo cajiib ah, inaga oo wadankeenu uu yahay curdin
ayaynu hadana Aduunkii la soconayaa waa wax looga mahadceliyo
Shirkada Somtel”.DSC09868
Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo ka hadlay Madashii
lagu daah furayey Adeega cusub 3G ee ay soo bandhigaysay Shirkada
Somtel ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Adeegan, waxaanu amaan
weyn u soo jeediyey Shirkada Somtel, isaga oo sheegay inay dayac tir
weyn ka sa meysay dhamaan goobaha Shacbiga sida Garoomada iyo
Bilicdii magaalooyinka, waxaanu Wasiirku ka codsaday Shirkadaha kale
ee Dalka inay ku daydaan Shirkada Somtel.
Waxa halkaasi ka hadlay Xildhibaano, Abwaaniin, Ganacsato iyo
Fanaaniin ku soo bandhigay Riwaay ad, waxaanay Mahad naq balaadhan u
soo jeediyeen Shirkada Somtel.
Abwaan C/laahi Xirsi Baarleex oo ka mid ah Abwaanada Somaliland ayaa
halkaa ka soo jeediyay tix Maanso ah oo uu ku amaanayo Shirkada
Somtel.
Waxa lagu soo bandhigay isla markaana lagu tijaabiyey Goobta Adeegan
cusub ee maqalka iyo muuqa alka ah.
Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa/Somaliland
|