Shirkada Oomaar oo Raashin ugu deeqday Dadka danyarta ee Burco

 

 
Shirkada Oomaar ee Gobolka Togdheer ayaa toban tan oo raashin ah ugu deeqday maanta dadweynaha danyarta ah ee magaalada Burco.

Raashinkan oo isugu jira bariis, sonkor, daqiiq, baasto iyo saliid ayaa shirkada Oomar waxay ku wareejisay Guddiga Wanaagfarista iyo Xumaan Reebista ee Gobolka Togdheer si ay ugu qaybiyaan dadweynaha danyarta iyo masaakiinta ee magaalada.

Maamulaha shirkada Oomaar ee Gobollada bariga Somaliland Mr. Maxamuud Axmed Warsame oo goobjoog ka ahaa wareejinta ayaa sheegay in ay raashinkan ugu deeqeen bisha Rabadaan ee barakaysan dadka masaakiinta iyo danyarta ee burco, isla markaana aannu ku wareejinay guddiga Wanaagfarista iyo Xumaan Reebista ee Burco kuwaasoo u qaybindoona danyarta iyo dadka jilicsan Waxa uu Maamulaha Shirkada ee Bariga Somaliland kula dardaarmay Gudigaa inay si caddaaladda oo ugu qaybiyaan dadka danyarta ah oo u kala eegaan sida ay u kala sii jilicsan yihiin.

“Waxaan idinku adkaynayaa in sida dadku u sii kala jilicsan yahay u siisaan raashinka,” ayuu yidhi Sheekh Jaamac Aadan Xasan oo ka mid culimada guddiga Wanaagfarista iyo Xumaan Reebista ee Gobolka Togdheer, isla markaana waxa uu ballanqaaday inay raashinkan u qaybin doonaan dadka jilicsan iyo bukaan jiifka Cisbitaalada Dimirka, Tb-da, agoomaha, curyaamiinta iyo indhoolayaasha.

Shirkadda Oomaar Co isaga oo ganacsatada reer Somaliland u soo jeediyay inay u gargaaraan dadkoo tabaalaysan ee danyarta ah, taas oo deeqdan raashinka ay ay dhaqaale ahaan dhan tahay $8,230 dollar, isla markaana ku soo beegan tahay xilli maceeshadu aad u sarreyso oo dadweynaha danyarta ah dhibaato weyn ku haysa, iyadoo wax weyn u tari doonta.

Waa sannadkii labaad ee Shirkada Oomaar.co deeq raashinkan oo kale ah ugu deeqdo bulshada danyarta ee magaalada Burco.

Geesta kale, shirkadda Oomaar waxay taageero raashin ah ugu deeqday cusbitaalada guud ee Hargeysa iyo ka Qaaxada, xarumaha agoomaha iyo dadka reer miyiga ah ee abaaruhu haleeleen.

Maareeyaha guud ee shirkada Omaar Company Somaliland Mr. Maxamed Cali Muxumed oo saxaafada u waramayey ayaa sheegay inay deeq cuno iyo raashin kala duduwan ah gaadhsiiyeen Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, cusbitaalka qaaxada, Xarunta agoomaha Hargeysa, iyo dadka miyiga ee abaaruhu waxyeeleeyen.

Isaga oo rintaa ka hadlayana waxa u yidhi;"Shirkada Oomar International Company ee Somaliland iyadoo gudaneysa waajibaadkeeda islaanimo,iyo kan qaranba,waxey mar walba diyaar utahey iney tagaabeyso meelaha dadka jilicsan iyo danyartu ubadan yihiin sida Xarumaha Agoomaha Hargeysa iyo Gabiley,Cusbitaalda,iskuulada,madaariska,iyo meelo kale oo badan sida dadka baadiyah ee abaaruhu wayeeleeyeen,waxana aanu bixinaa raashin badan sanadkii mar raashinkas oo isugu jira Bariis, Sonkor,Daqiiq,Saliid iyo Caano kuwaas oo aanu meelah qaarkood sijoogto usiino sida Xarumaha agoomaha Hargeysa Gabiley, Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa,Cusbitaalka qaaxada Hargeysa,sidoo kalena laamaha Shirkadu ku leedahey Magaalooyinka Berbera,Burco,Boorame, iyo Magaaloyin kale oo badanba ayaa iyagana laga bixiyaa raashinkan oo lasiiyaa meelaha baahiyaha waaweyni kajiraan,waana waajib diiniya oo ilaahey ina farey inaan istaakuleyno,had iyo jeerna waxa muhiim ah in meelaha ubaahan lasiiyo sida kuwaa aan soo xusey

 

 

 


Kayse Axmed Digaale

Kdigale@yahoo.com
Burco