Shirkada OOMAAR iyo Tujaarta kale ee  Somaliland waxay muteysteen in la hanbalyeeyo

 

Ganacsatada waaweyn ee Somaliland waxa weeyi udub dhexaadka dhaqaale ee dalka, waana tujaarta wadanka kuwa qeyb libaax ka qaatay dibudhiska qaranka, dalkana ka badbaadiye inay macaluuli ka dilaacdo. 1992kii maraakiibta ganacsiga ee aduunku way diideen inay Berbera ku soo xidhaan oo waxay yiraahdeen waa goob dagaal.

Kolkaa waxa tujaarta waaweyn Ibraahin DHeere, iyo OOMAAR waxay ku qasabtay inay lacag badan oo labajibaara maraakiibta ku soo kiraystaan si ay dadka reer Somaliland uga badbaadiyaan gaajo iyo masiibo dhaqaale.Hadaba 1992kii markii macaluushu ka dilaacday Baydhabo iyoMuqdisho, waxa suuqyada magaalooyinka Jamhuuriyada Somaliland buuxay raashin jaban oo Jaamac OOmaar iyo Ibraahin DHeere ay dibada ka keeneen iyagaana Ilaahay dadka u soo diray oo Somaliland ka badbaadiye inay macaluushii Baydhabo oo kale ka dhacdo.


Lacagta Somaliland u ah sumada madaxbanaanideena qaran , dhaqaalaheena deganaashihiisana u ah tiirdhexaadka may suurto gasheen in la sameeyo hadayna Ibraahin Dheere iyo OOMAAR aanay damiin ka noqon.


Hadaba qaar ka tirsan warbaahinta dalka ee beenta salka iyo raadka la hayn ka qoray shirkada oomaar, waxaan idin leeyahay OOMAAR iyo shirkadaha kale ee waaweyniba waxay mutaysteen bilad geesi wadanimo, maaha in laga taran ka naxo

 

 



Mukhtaar Ibraahin Fadan

Gabilay8@yahoo.com