Shirkada Isgaadhsiinta Telefoonada ee Telesom ayaa Tartan Aqooneed maanta u furtay qaar ka mid ah Jaamacadaha Gaarka loo leeyahay

Hargeysa (Longlivesomaliland News)-Tartankan oo socon doona muddo toban  maa lmood ah Hutel Hadhwanaag ayaa waxa ka qayb galaya qaar ka mid ah Ardayda wax ka dhigata Jaamacadaha kala ah: Jaamacada Golis, Jaamacada Hope Medical, Jaamacada Geeska, Jaamacada Admas iyo Jaamacada Niilayn. Waxa jaamacad kasta uga qayb galaya seddex qof.

Tartankan oo ay shirkada Telesom sannadkiiba hal mar qabato waxa maanta ka soo qayb galay, Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiiray (Aaden Siiro), Sheekh Maxamed Cumar Dirir, Guddoomiye ku xigeenka Jaamacada Hargeysa Mubaarik Ibraahim Aar, Guddomiye ku Xigeenka Shirkada Telesom C/naasir Aaden Nuur, Masuuliyiin kale oo ka tirsan Telesom, Madax ka socotay Midawga Dallada Shirkadaha Isgaadhsiinta Dalka ee Saato, Masuulyiin ka socotay Jaamacadaha tartanka ka qayb galay, Arday da tartamaysay iyo marti sharaf kale.

Maareeye ku xigeenka Shirkada Telesom C/naasir Aaden Nuur oo hadal ka jeediyay madasha ayaa ka waramay ahmiyada ay shirkadu u hayso kor u qaadka Aqoonta Dhallin-yarada. Waxa uu xusay in Bulshadeenu ay tahay mid aad uga aradan dhinaca Aqoonta gaar ahaan dhinaca Isgaadhsiinta, qofka sita shahaado Isgaadhsiinta ahna aanay tartan galin oo aanay imtixaamin baahida loo qabo awgeed. Waxaanu kula dardaarmay in koox kastaaba ku dadaasho in ay iyadu noqoto hormoodka tartanka oo ay ku guulasato kaalinta koowaad.
 

Ku xigeenka Madaxa Suuq gaynta iyo xidhiidhka Dadwaynaha ee Shirkada Telesom, Cali Maxamed Saalax( Cajab) oo halkaasi hadal ka jeediyay isla markaana faah faahin ka bixiyay ujeedada ay shirkadu tartankan u qabatay ayaa sheegay in ay ugu talo galeen in ay Dhallinyarada wax ka barata jaamacadaha Dalku ay si cilmiyaysan isku dhex galaan una kala faa’idaystaan. Waxa uu ka sheekeeyay qaabka ay ugu talo galeen in ay tartankan u qabtaan oo uu tilmaamay in ay u qorsheeyeen in Jaamacad kasta ay uga qayb galaan seddex qof. Waxa uu xusay in Maalinta bari ah uu  tartan ku si rasmi ah u furmi doono saacadu marka ay tahay 10-ka subaxnimo oo uu socon doono muddo Hal saac ah. Waxa uu sheegay in Su’aal kasta lagu muujin doono  shaa s had wayn si ay ka soo qayb galayaashu si wacan ugu arki karaan. “Waxaana lagu furi doonaa” ayuu yidhi, “ Jaamacadaha Niilayn iyo Hope Medical University” waxaanu ka codsaday dhammaan jaamacadaha kalena in ay yimaadaan oo ay daawadaan.

Ku xigeenka Madaxa Suuq gaynta iyoXidhiidhka Dadwaynaha, Cali Maxamed Saalax( Cajab) waxa uu xusay in ay shirkadoodu aad u dhiirigaliso Aqoonta, imikana ay  laca gta ka bixiyaan 10 Arday oo wax ka barta Dugsiga Sare ee Boodhinka ah ee SOS, sidoo kale ay Jaamacada Hargeysa ka bixiyaan10 Arday oo wax barta Kulliyada  Dar aasaadka Islaamiga ah. Sidoo kale, Mr.Cajab, waxa uu sheegay in Ardaydii ka qalin jabisay maalintii dhawayd Jaamacada Hargeysa ay ku jireen 28 Arday oo ka tirsan Shaqaalaha Shirkada guud ahaana 43 qof oo shaqaale ahi ay jaamacada uga qallin jabiyeen.

Sheikh Aaden Xaaji Maxamuud (Aaden Siiro) oo ka mid ahaa Masuuliyiintii Halkaasi ka hadlay isaga oo Mahadnaq balaadhan u soo jeediyay shirkada Telesom xusayna  ka alinta wax ku oolka ah ee ay ka qaadato Horumarka Dalka. Sheekhu waxa uu xusay in ay Shirkadu Tusaale Fiican u tahay Dawlada Wanaagsan ee ay Bulshadu maanka ku hayso. Waxaanu Ilaahay uga baryay in uu u fududeeyo hawsha ay Ummada u  hay aan.

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir Mufdiga Somaliland, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa si wayn u ammaanay kaalinta waxqabadka ah ee ay shirkadu Ummada ugu jirto gaar ahaan dhinaca Adeega Telefoonada. Waxa uu xusay in tartanku uu ka mid yahay waxyaabaha ay dadku isku dhex galaan isla markaana la isku barto. Sheekh Dirir waxa uu u soo jeediyay Masuuliyiinta Jaamacaduhu in ay Manhajka waxbarasho ku daraan Cilmiga Diinta Islaamka qaybta Shareecadana la xoojiyo oo la tayeeyo.

Guddoomiye ku xigeenka Jaamacada Hargeysa Mubaarak Ibraahim Aar, ayaa   mah ad naq balaadhan u soo jeediyay shirkada Telesom. Waxaanu si gaar ah u  ammaa nay shaqaalaha Telesom oo iyaga oo hawlahoodii kale ay iska badan yihiin hadana wax barta ahna Hormoodka Ardayda Jaamacada. Mr.Bubaarak, Waxa uu sheegay in  Shir kada Telesom mar walba jaamacada la garab taagan tahay hii iyo Hooba wax kasta oo ay waydiistaana jaamacadu ay diyaar ula tahay. Waxa uu xusay waxyaabaha ay jaamacada Hargeysi kaga duwan tahay Jaamacadaha kale( ka sokaw in ay Hooyadii Jaamacadaha Dalka) in ay awladu si toos ah u maamusho Jaamacada, M/wayne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasin uu ka mid yahay Maamulka sare ee  Jaam acada.

Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi hadal aan badnayn ka jeediyay Gudoomiyaha  Dal lada Midawga Shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland ee Saato Mr.Yuusuf oo si wayn u hambalyeeyay shirkada iyo Ardaydii ka qayb galaysa tartan aqooneedkaba. Waxa uu sheegay in shirkada Telesom ay kaalin wayn kaga jiro Horumarka Bulshada.

Ugu danbayntii waxa iyaguna madashaasi hadalo kala duwan ka jeediyay Masuuliyiin ka kala socday Jaamacadaha ka qayb galaya tartanka oo kala ah: Jaamacada IHU, Jaamacada Golis, Jaamacada Admas, Jaamacada Niilayn iyo Jaamacada Hope.

Tartankan oo socon doona muddo toban maalmood ah muddada uu socdo waxa ay ka soo qayb galayaashu ku tartami doonaan Aqoon Diineed, mid Dhaqan iyo mid  Ma adi ah. Waa tartankii labaad ee ay shirkadu hirgaliso, waxana kan ka horeeyay kii Ramadaantii hore ay shirkadu qabatay kaasi oo ay ku tartamayeen Arday ka kala socotay Shanta Degmo ee ay ka kooban tahay Caasimada Hargeysa.

Talaabadan ay Shirkada Telesom qaaday ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee ay shirkadaha isgaadhsiinta Wadanku ay sameeyaan, waxaanay taasi dhiir-galinaysa Ardayda inta badan ku dadaasha sidii ay Aqoontooda u kordhin lahaayeen oo aan helin wax dhiiri galin ah.

 



Mustafe Future

Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa, Somaliland