Shirkada Genel Oo Sheegtay Rajo Cusub Oo Ka Soo Korodhay Sahaminteedii Shidaalka Somaliland

 


 

London (TNN):-Shirkadda Genel Energy oo sannadihii u dambeeyey deegaanno Somaliland ka mid ah ka wadday sahamin shidaal ayaa warbixin ay soo saartay Arbacadii shalay ee 20kii Jeenaweri 2016 waxa ay kaga hadashay rajo cusub oo ka soo korodhay filashadii ahayd in shidaal laga helo deegaanno ka mid ah Somaliland gaar ahaan kuwa ay sahaminta ka wadday oo ah deegaanka Oodweyne ee gobolka Daad-madheedh iyo baloogga ay sumaddiisu tahay SL-10B/13.
 
Warbxintan oo ah sannadle ay shirkaddu kaga warranto waxa u soo qabsoomay iyo qorshay aasha sannadka dambe, ayaa ay ku tidhi, “Genel Energy Plc waxa ay soo saartay xog-warra nkii u dambeeyey ee ganacsiga iyo hawlgallada shaqo ee sannadkii 2015ka”

Shirkadda oo sheegtay in warbixintan haddu ay horudhac u tahay warbixinta kama dambay sta ah oo soo bixi doonta 3da Maarij 2016, waxa ay ka hadashay, sida ay shirkaddu ula jaan-qaadday ugana badbaadday in dhibi ay ka soo gaadho qiimo jabka ku yimid shidaalka dunida, hawl gudashadeedii shaqada iyo maaliyadda ee sannadkii tegey 2015 iyo hawlaha u qorshay san sannadka 2016ka, iyada oo kala abla-ablaysay, si gaar gaar ahna uga hadashay dalalka iyo qaaradaha kala duwan ee ay ka hawlgasho, Sida Ciraaq, Turkiga iyo Qaaradda Afrika, oo ay soo qaadday dalalka Ivory Coast, Itoobiya, Morooko iyo Somaliland.

“Berriga Somaliland, xog ururinta lagu sameeyey nidaamka Lulista dhulka (Seismic data) ee laga qaaday Oodweyne iyo Baloogga SL-10B/13 oo ay rukhsad u haysato Genel ayaa la soo bandhigayaa sannadkan 2016” ayaa ay shirkaddu ku tidhi warbixintan kooban iyada oo intaa s ku sii dartay, in daraasaddii lagu sameeyey qoyaanka oogada dhulka (Dufanka shidaalka) ee la dhamaystiray horraantii sannadkii 2015ka ay ka soo baxeen natiijooyin xaqiijinaya in ay badantahay suurtogalnimada shidaal in laga helo dhulkan baaxadda weyn oo dhan 41 kun oo kilomitir oo isku-wareeg ah.

Dhinaca kalana Genel Energy iyada oo ka hadlaysa sugidda ammaanka goobaha ay ka hawlga sho waxa ay warbixinteeda ku tidhi, “Genel waxa ay sii waddaa taageeradii ay dowladda ka caawinaysay dadaalkeeda ah in ay diyaariso heerka amni ee ugu habboon, si ay shirkaddu hawlaheeda mustaqbalka u qabsato”

Genel Energy oo ah shirkad madax bannaan oo ka shaqaysa sahaminta iyo soo-saarista shid aalka iyo Gaastu waxa ay ka diiwaan gashan tahay dalka Ingiriiska, waxa aanay xarumo waa weyn oo shaqo ku leedahay dalka Turkiga iyo magaalada Erbil ee Kurdistaanta Ciraaq oo ay t ahay shirkadda ugu weyn ee rukhsad u haysata soo saarista shidaalka iyo Gaasta, sidoo kale waxa ay ka ganacsatadaa shidaalka oo dalalka ay siiso uu ka mid yahay Turkigu.






Source: Geeska