Shirkada Dahabshiil Oo La Guddoonsiiyey Shahaado Ka Turjmaysa Inay Tahay Shirkadda Keliya Ee Heer Caalami Ah Ee Ka Qaybgashay Carwada 5-aad Ee Ganacsiga Somaliland

 


Hargeysa(TNN)- Shirkada caalamiga ah ee Dahabshiil, ayaa galabta xidhitaankii Carwada 5-aad ee  Gana csiga Somalilan lagu guddoonsiiyey shahaado ka turjumaysa inay noqotay shirkadda keliya ee heer  caal ami ah ee carwada ku soo bandhigtay adeegyada kala duwan.

Wasiirka Wasaarada ganacsiga iyo Warshadaha ee Somiland Md. Cabdirisaaq Khaliif oo galabta shirkada Dahabshiil shahadadaas ku guddoonsiiyey xafladii xidhitaanka Carwada, ayaa yidhi “Waxaan u  mahad  n aqayaa shirkadihii kala duwanaa ee soo bandhigay waxqabadkoodii iyo wxii kala duweanaa ee ay soo  ba ndhigeen gaar ahaan Shirkadda Dahabshiil oo ah shirkada keliya ee heer caalami ah ee ka soo  qayb  gas hay Carwada.”

Waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Waxaan markale aad ugu mahadnaqayaa Shirkadda Dahabshiil oo si wanaagsan noogala qayb qaadatay sida aad ku aragtaan sawirka weyn ee wajahadda hore ku dhagan ee magaca Shirkadda Dahabshiil.”

Cabdirashiid Faarax Axmed oo ka mid ah masuuliyiinta ee shirkada Dahashiil, ayaa sheegay inay ku  farax san yihiin shahaadadan la guddoonsiiyey oo uu tilmaamay inay ka turjumayso heerka shirkada.

Waxa uu sheegay inay shirkad ahaan afar qaybood oo kala duwan oo ay kaga qayb-qaateen bandhigii carwada, kuwaas oo kala ah, Xalaawada, isgaadhsiinta, ganacsiga caadiga ah iyo qaybta Bangiga.

Sida oo waxa uu tilmaamay in la guddoonsiiyey labada shahaado oo ka mid la siiyey shirkada Dahabshiil, halka ta labaad-na la gudoonsiiyey qaybta isgaadhsiinta ee shirkada SOMTEL.

Waxa uu Cabdirashiid xusay inay shirkad ahaan badhiga ku soo bangeen gaadiidka dabdemiska oo uu  x usay inay yihiin laba baabuur oo shirkadu ugu talo-gashay in loogu adeego dadweynaha iyo bakhtiinta dababka, islan markaana waxa uu tilmaamay inay heegan ku jireen muddadii ay carawdu socotay.

Shahaadooyinka la kala guddoonsiiyey labada shirkadood ee Dahabshiil iyo SOMTEL, ayaa kala ah heerka labaad iyo ka sadexaad, oo ka dhigan inay saddexda kaalmood ee ugu horeeya laba ka mid ah ay ku guulaysteen.

Source:Waaheen